Annaga oo ah Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan Carriga Marakanka, waxaan  codkayaga  ku biirinaynaa inta ka xun dhibaatooyinka sii xiddideysanaya ee ka taagan dawlad goboleedka Puntland. Eedana waxaan dusha uga tuuraynaa hogaanka Puntland. Waxaan dalbanaynaa in la helo isbedel deg deg ah si loo badbaadsho bulshada Puntland. Hoggaan xumada maamulka Puntland wuxuu abuuray: 
Nabadgalyo xumi; 
Deegaannada Puntland oo qaarkood gacanta ka baxay; 
Sicir barar heerkii ugu sareeyay; 
Lacago been ah oo la daabaco; 
Lunsasho hanti ummadeed; 
Burcad badeedka oo sii kordhaya; 
Mawaadiniin Soomaaliyeed oo loo dhiibay dowladda Ethiopia iyo inkiraad bareer ah oo laga muujiyay dhacdooyinka foosha xun,  iyadoo lagu xadgudbay xuquuqda qofka mawaadinka ah; 
Hanaanka dowladda iyo sharciga u dagsan Puntland oo la hareer maray ama aan lagu dhaqmin; 
Khayraadkii dabiiciga ahaa oo lagu raadsaday kobcin hanti khaas ahaaneed; 
Caburin xorriyadda  Saxaafadda; iyo 
Hanjabaad  joogta a oo lagu hayo waxgaraddka, aqoonyahannada, odayaasha, iyo isimada Puntland. 
Haddaba , waxaan ugu baaqaynaa ummadda reer Puntland in ay isu taagaan kana shaqeeyaan:
Soo celinta midnimada iyo sharafta shacabka  Puntland 
In laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonidda gobolka 
In si dhab ah loo sameeyo isbadel dimuquraadiyeed oo ka tarjuma rabitaanka shacabka; 
In doorka odayada iyo isimadda Puntland la dhowro, lana tixgaliyo taas oo caawinaysa kala danbaynta nidaamka dawladnimada puntland; 
In maamulka jira ee Puntland dhowraan hanaanka dowladdnimo, iyagoo ilaalinaya qawaaniinta iyo shuruucda u yaal Puntland; 
In dowladda Puntland dhowrto karaamada, sharafta, iyo xuquuqda qof ahaaneed, taas oo la ilaalinayo sharciga u yaal Puntland haddii ruux ama koox ay fal dambiyeed gasho lala tiigsado sharciga noo yaal ee aan gacanta loo galin dawladdo shisheeye. 
In la ilaaliyo daris-wadaaga, ehelnimadda, dhaqanka suuban ee Islaamka, shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah. 
Baaqaan waxaa saxiixay xubnahan:       
Cabdiraxman Dalmar Cabdiraxman 
Cisman Yuusuf Maxamuud 
Cabdirashiid Barre Muuse 
Yaasiin Maxamuud Jaamac (yabarag) 
Liibaan Baddal Maxamuud 
Gurxan Huruuse Maxamuud 
Cismaan Maxamuud Maxamed (tirika) 
Burhaan Cabdulqadir Xaashi 
Cabdicasiis Maxamuud Sugule 
Cabdiwali Ciise Xaaji Cumar 
Bille Maxamuud Sugulle 
Cali Nuur Jarafle 
Cabdullahi Cali Hayaan 
Yasiin  Saalax Ducaale 
Ibraahim Maxamed Huruuse 
Faysal Faarax Xirsi 
Cali Maxamed Jaamac (cali computer) 
Cabdiqani Axmed Tuure 
Cabdixabiib Yaasiin Warsame 
Cabdicasiis Axmed Jaamac 
Cabisalam Cali Cabulle 
Cabirahman Warsame Wayrax 
Maxamed Cabuqadir Maxamed 
Maxamuud Ibrahim Ruush 
Axmed Cali Shire 
Mire Maxamed Sheekh 
Cadaawe Cabdirashiid Xaaji Xusseen 
Maxamed Maxamuud Diiriye (burci) 
Xuseen Cabdi Ciise 
Daahir Nuur Cali 
Cabdiqani Maxamed Faarah 
Cabdikaafi Maxamed Geele 
Axmed Siciid Axmed Xaaji 
Daahir Sheekh Maxamed Xirsi 
Maxamed Cali Food 
Cabdikaafi Dhoore 
Cawil Yaxye Ashkir 
Cumar Aw Axmed Guuleed 
Ali Jaamac Yuusuf 
Maxamed Xaashi Faarax 
Cabdirasaq Cali Iniin Cigal 
Xabiib Xasan Xaaji Cisman 
Cabicasiis Yuusuf Guure 
Cabdirisaq Cabdulaahi Urur 
Cabdiraxman Maxamed (lafoole yare) 
Ciise Axmed Maxamed 
Xasan Cabdisalam Maxamed 
Maxamed Cabdiqadir Guled 
Cabdicasiis Cali Mire
			
			
									
																
						PRESS RELEASE:FROM REER PUNTLAND IN THE US
Moderator: Moderators
- 
					
- Similar Topics
 - Replies
 - Views
 - Last post
 
 
- 
						
- 4 Replies
 - 1466 Views
 - 
								Last post by Halmog																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 2 Replies
 - 658 Views
 - 
								Last post by KingBlack																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 2 Replies
 - 523 Views
 - 
								Last post by knet																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 0 Replies
 - 509 Views
 - 
								Last post by dagameison																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 0 Replies
 - 474 Views
 - 
								Last post by Aseelah-Raaida																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 9 Replies
 - 45 Views
 - 
								Last post by Twisted_Logic																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 9 Replies
 - 958 Views
 - 
								Last post by Twisted_Logic																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 23 Replies
 - 2583 Views
 - 
								Last post by gemini07																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 2 Replies
 - 1064 Views
 - 
								Last post by original dervish																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 0 Replies
 - 680 Views
 - 
								Last post by newsbot																			
											
										
																		
 
 
    
    
    