Bayaan:-Dad badan oo neceb midnimada iyo jiritaanka Puntland waxay waayadaan dambe isu soo mutuxeen sidii ay u wiiqi lahaayeen jiritaanka Puntland. Qaarkood waa ku soo duuleen hooyaday Puntland, qaarna hadeer bay isu soo boox booxayaan. Cadowyada gudaha iyo dibadaba way bateen waayadaan dambe. Hadaba cadawgaygow aan kuu digo "Ninkii Puntlander mud-muda caano kama maalo". Waxaan kaaga digayaa hoog iyo halaag baad kala kulmi ee ka jog.
In kastoo Puntland ay ku soo fool leeyihiin doorasho barlamaan iyo mid madaxtooyo, cadawgaygow ha u qaadan in aanu kala daadsanahay ama dhexdayada aanu ka heshiin weyney. Hadaba midigtana Qura'anka iyo wadankaanu ku daaficin, bidixdana doorashadaanu ku gelin.
Cadowgaygow ogsoonow wadanka naga maqanna waanu soo ceshan doorashada ka hor, kan soo socdowna halaag baad la kulmi. Bahweynta Puntland way ka midaysantahay difaaca dalkooda hooyo iyo diintoodaba.
Kuwa haddeer usoo dig-iyo-dam leh ama kuwa soo gabaara gurdaynaya war iga hooya. Sanaag iyo Solna waanu daafici, Galkacayana weligaa ha hunguriyayn. Ha moogaan gabaygii Dhoodaan "Galoofyayohow garaadkiin intaad gaar isula shawrtiin
Shaki hadduuba idinka galo adinkoon goolka dhalinaynin , Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girina".
Reer Puntland waa ummad ka talisa nabadda iyo wada dhaqanka Somaaliyeed. Hadaba waxaa haboon in lala garto wanaagga. Hadhowto ha oran "Nalooma digin".
Laasqoray.Net