
ABAABUL CIIDAN OO KA SOCDA GUUD AHAAN DEGMOOYINKA SANAAG
Dhahar:- Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan Abaabul ciidan ayaa ka socda guud ahaan Gobolka Sanaag iyada oo ay jiraan qaar ka mid ah magalooyinkan Gobolka Sanaag oo laga diyaar gareeyay ciidamo beeleedyo kuwaasi oo loo qorsheeyay inay difaacaan Gobolka,warka ayaa intaasi ku daraya inay ciidamadaasi ku hubaysanyihiin Gaadiid dagaal.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka tirsan ayaa sheegay inay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaasi oo lagu diyaar gareeyay gudaha magaalada Dhahar.
Xogta aanu ka helayno Dhahar ayaa sidoo kale sheegaya inay ciidamadaasi dhawaan u soo dhaqaaqi doonaan dhanka Magaalada Laasqoray iyo nawaaxigeed halkaasi oo lagu sheegay inay fadhiisin ciidan ka dhigteen malayshiyo taageersan Maamulka Somaliland.
Docdkale war isna haatan naga soo gaadhay magaalada Xingalool ayaa sheegay inay dadka deegaanku wadaan xusul duub ay ku diyaar garaynayaan ciidamo ku biira ku Dhahar laga Abaabulay, qof qariyay magaciisa ayaa saxaafada u sheegay in Koonfurta magaalada Xingalool laysugu geeyay ciidamo beeleedyo aad u hubaysan.
Dhanka kalena warar hoose ayaa iyana sheegaya in ciidamo lagu diyaar gareeyay meesha lagu magcaabo [ Dhagcaan] oo dhinca Bari ka xigta magaalada Ceelaayo ee Gobolka Sanaag.
Arinkaasi ayaa yimi ka gadaal markii ay ciidamada maamulka Gooni isu taaga ah ee Somaliland ay gudaha u soo galeen magaalada Is-taraatijiga ah ee Laasqoray taasi oo si aad ah uga cadhaysiisay waxgaradka Deegaanka.
Jaamac Ayaanle Feyte
LaasqorayNet