lama ba garranyo ciidii imika ku qayiilassa magaalada lasqoray Nimankii somaliland xalay way iska kacaeen waxa laga yabaa ina jimca danbe hadana la soo fadhisto ila akhriso maqaalkan
Warar iskhilaafsan oo kasoo baxaya magaalada Laasqoray oo gacan ku hanteeda kala sheeganaya.
Warkii 13-Jul-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay gacan ku haynta magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta Badda cas ay la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland iyadoo uusan halkaasi horay uga jirin maamul adag oo ka tirsan labada maamul ee iskuhaya gacan ku haynta magaaladaasi.
Magaalada Laasqoray oo ay gudaha ugaleen ciidamada Somaliland ayaa ay masuuliyiinta Somaliland sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta magaalaasi ayaa haddana waxaa soo baxaya warar ka dhan ah wararkaasi kuwaas oo sheegaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxeen deegaankaasi.
Ciidamada maamulka Puuntland ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay deegaankaasi soo gadheen meel 15km ujirta magaalada Laasqoray inkastoo iilaa hadda aysan jirin cid rasmi ahaan u cadayn karta xaalada deegaankaasi iyo ciiidamada ku sugan deegaankaasi.
Masuuliyiinta labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay kala sheeganayaan in ay joogaan magaalada Laasqoray iyadoo dhinac kastaaba uu ku adkaysanayo inuu ku sugan yahay gudaha magaalada ayna ka joogaan ciidamo ka socda maamulkiisa.
Hadaba magaalalada Laasqoray oo kub taal Barriga Sanaag ayaa waxa ay muhiimad wayn ulee dahay labada maamul waana magaalo istiraatiji ahaan ay labada maamul si wayn diirada u saarayaan iyadoo sidoo kalena tahay magaalo leh dekad lagan hirgalin karo maamulka sanaag barri.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com