Reer Awdal oo Addisababa kaga mudaharaaday Somaliland!
Waa arrin la yaab iyo fajac leh. Waxaanu ka soo xiganay lughaya.com, faalo kumaanu darin ee akhristow ku soo dhawow war xiise leh oo kaa yaabiya!
"Harag sagaaro ninkii hoy u haystow adigu huwo "-Reer Awdal Addisababa.
Addis-(Lug)-Mudaharaad Balaadhan Oo Saaka Ka Dhacay Caasimada Ethiopia Ee Addis Ababa,Mudaharaadkaas oo ay soo qaban qaabiyeen jeeliyada reer Awdal ee dagan caasimada Ethiopia Addis ababa, mudaharaadkaas oo si balaadhan loo soo abaabulay ayaa waxa ka qayb galay dad wayne aad u farada badan oo ay hormood utahay jaaliyada reer Awdal.
Ujeedada mudaharaadkaas ayaa ahayd mid khusaysay arin todobaadkii dhawayd ka dhacday magaalada Hargaysa, kaidb markii gaadhi riiga oo nooca biyaha soo saara ah oo ladoonayay in la geeyo Borama ay beel kamid S/land si qaldan uga mudaharaadeen.
Hadaba waxay inoo cadaynaysaa hadaa nahay jaaliyada reer Awdal ee dagan Addis ababa inay soo ifbaxday caadifada xun ee u aasan beeshaas kasoo horjeesatay in dad biyo u baahan loo geeyo.
Waxa iska cad in dadwaynaha reer Awdal iyagoo markii horeba S/land u hayay dhaliilo farabadan marka ay noqoto xaga awood qaybsiga , wax kasta oo ay qabaana ku ilaawi jiray nabada iyo wada daganaanshaha beelaha dhexdooda. Taasi waxa ay keentay arintan maanta qoyan ee biyaha looga xistiyay reer Awdal iyagoo ah hawbawlaha ugu wayn ee ay ku dhisan tahay S/land.
Hadaba aan inyar dadka xasuusino dhaliilaha aan u hayno S/land markaan eegno xaga awood qaybsiga iyada oo ay S/land ka kooban tahay{Samaroon, Isaaq, Ciise, dhulbahante iyo Warsangali}.
Ugu horayn aan soo qaadano golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi.
Isaaq 58 kursi 87%
Samaroon 13 kursi 7%
Daarood 10 kursi 5.5%
Ciise 1 kursi 0.5%.
Hadii aan eegno golaha Guurtida
Isaaq 90%
Beelaha kale 10%
Golaha cadaalada
Isaaq 97%
Beelaha kale 3%
Golaha wasaaradaha
Isaaq 88%
Beelaha kale 12%.
Hadii aan fiirino awood qaybsiga kor ku xusan waxaa iska cad in beel kali ah ay faa'iidada ugu badan haysato iyadoo oo ay arintaasi sidaa tahay dad waynahay reer Awdal kama mudaharaadaan, waayo waxa ay ka dhursugayaan masuuliyiintooda, mana rabaan inay horboodaan.
Dhamaan arimahaa inaa kor kusoo sheegnay waa loo dul qaadan karaa, laakiin arintu marka ay gaadho shayga dunida ugu muhiimsan noloshuna ka bilaabanto oo ah biyaha lacabo, waxan filayaa inaanay jirin dunida cid u dul qaadan karta xataa xayawaanka noolna ku dhahoo.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan marka ay arintu halkaa taagan tahay maxaa lagudboon reer Awdal?
Ma inay hurdada ka kacaan oo cadkooda dhacsadaan, mise inay u sacabo tumaan ilaa inta Awdal lagu dul qayb sanayo, arintaa waxaa looga fadhiyaa kuwa sheeganaya inay masuul kayihiin gobolka gaar ahaan odayaasha shalay naga dhigay hubka ayaanu doonaynaa maantana inay noo soo dhiciyaan xaqayaga.
Si kastaba waxay jaaliyad reer Awdal ee ku dhaqan Addis abab digniin u soo jeedinayaan beesha na tustay in beelaha Somaliland ay kala sad bursan karaan {ogobeey sad bursigu waa wixii burburiyay samali wayn), hadaanay raali galin kabixin arintaasi foosha xun in ay reer Awdal qaadan doonaan go'aan ku waajiba meel kastaba ha joogaane.
Ugu dambayn waxaan dhaliil uso jeedinaynaa maamulka s/land oo qaar kamid ah wariiradeedu ay garteen inay kusasabaan dad gardaro u kacay ( riiga gabilay baa la gaynayaa ee Borama lama gaynayo) maxay ku dhacday arintaasi? Taasi waxay cadaynaysaa in gabilay beeshaasi xigto Boramana
Gabagabadii waxaan hambalyo iyo bogaadin udiraynaa salaadiintii sida geesinimada leh uga hadlay arintaa suldaan C/rahman iyo suldaan baade.
Dr: Nuradin Mah'ed Abdulahi (Colmadaw)
Mustafe Saleeban Muse (Xabeeb)
C/Casiis Faarax Cilmi
Ahmed Cali Mahamud (Bagaashle)
Ahmed Ali Wajer
Xasan Curagte
Rahma Cabdi
Hasan
Biijood
Xamari
Ahmed Geedi
Cabdi Dheere
Cali Faras
Liibaan Nuur Cabdi
A-Aziz Farah
casiisb52@gmail.com
Source: Lughaya.com
reer awdal demonstrate agains the riig in adis ababa
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 646 Views
-
Last post by zingii
-
- 15 Replies
- 1484 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 192 Views
-
Last post by Gashireedle
-
- 68 Replies
- 3283 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 556 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 3 Replies
- 537 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 4 Replies
- 433 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 0 Replies
- 528 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 7 Replies
- 765 Views
-
Last post by Ashlee~