How to be a Successful Husband

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Mr. Yungnfresh
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6956
Joined: Wed Jan 10, 2007 3:18 am
Location: In Xamar Stealing My Stuff Back

Re: How to be a Successful Husband

Post by Mr. Yungnfresh »

*points to the back of his hand*
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: How to be a Successful Husband

Post by Cali_Gaab »

Executive.....daily intercourse should be added to that list.

This old tart Helwa cracks me up, 28-33 years old still living at home and still single.
If i were you i would start hangin' on paltalk and strip on webcam walahi.
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Re: How to be a Successful Husband

Post by ciiseguure »

How to be a Successful Wife and Husband?

Here is my 2 cents tip.

1st WIFES.........

Gabar yahay ma dooneysaa in aydnaan duqaaga kala gaboobin, dumar
kalena uusan kula guursan?. Haddaba waanadeydaan yeel:

- Guriga uga dhig janno uu ku raaxaysto inta uu
joogo, una soo xiiso inta uu ka maqan yahay, hana uga dhigin cadaab
uu ka doonto meel uu uga cararo.

- Dhoolacaddeyn iyo weji furnaan ku salaan kolka
uu guriga soo gelayo, sidaana kula joog ilaa uu ka baxayo. Dhibaato
kastoo ku haysatana dhoolacaddee.

- Kala qaybgal murugadiisa iyo
mashaakilaadkiisa, iskuna day inaad mar waliba ka farxisid, si uu u
illaawo daalka uu la soo kulmo inta uu kaa maqan yahay.

- Isku day inaad samaysid waqti adiga iyo
ninkaagu hadal macaan iyo haasaawe aad is weydaarataan dhowr
daqiiqaba ha ahaatee.

- Marmar hadiyad u keen haba qiimi yaraatee.

- Kala qaybgal hiwaayadihiisa hana ka daalin,
ogowna in naagta caqliga badani ay tahay ta taqaan waxa uu duqeedu
jecel yahay.

- Isku day inaad alaabada guriga taal iyo qaabka
ay u dhigan yihiin wax ka beddeshid hadbana dhinac ka soo jeedisid,
daahyo nafta soo jiita iyo ubaxna ku qurxisid. Mar waliba gurigaagu
ha ahaado mid qurxoon, nadiif ah oo nidaamsan si uu ninkaagu ugu
nasto.

- Isku day inaad marmar wax ka beddeshid
muuqaalka jirkaaga iyo dharkaaga, isuna qurxi oo isu dhis si aanu
dumar kale u dhugan.

- Ugu yeer magac jacayl iyo erayo nafta soo
jiita.

- Ku qanac intii Eebbe kuu qoray, dushana haka
saarin wax aanu qaban karin, hana uga sheekeyn waxa uu walaashaa
ninkeedu u keeno iyo waxa aanu u keenin.

- Wax kasta oo uu ku yiraa ka yeel aan ka ahayn
dembi aad Eebbe ka gashid, maxaa yeelay haddaad dhimato asagoo
raalli kaa ah waxaad tahay ehlu-janno.

- Been ha'u sheegin ninkaaga, ogowna in hadduu
been kugu ogaado shakiguu kaa qaadaa aanu weligii ka baxaynin.

- Meel uu xumaan kugula malayn karo ha is
dhigin, wax kastoo shaki iyo in laga sheekeeyo keeni karana ka fogow.

- Ha badsan ka bixitaanka guriga, ogowna hadduu
maanta kuu sabro inaanu berrito kuu sabri doonin.

- Iska ilaali taleefannada badan, ninkaagu ha
joogo ama yaanu joogine.

- Xusuusnow ballamada uu dadka kale la leeyahay,
xusuusina.

- Ku mahadi wuxuu ku siiyo haba yaraadeene,
maxaa yeelay Eebbe ma eego naagta aan ninkeeda ku mahadin.

- Xiriiri una roonow ehelkiisa iyo qaraabadiisa,
kalana qaybgal faraxooda iyo murugadooda, si uu isna ehelkaaga iyo
qaraabadaada u xiriiriyo.

- Ha u ammaanin ehelkaaga, hana u cayn
ehelkiisa, waxaa laga yaabaa inuu kuu dhaafiyo ereyo ku dhaawaca eh.

- Ku kaalmee arrimaha Diinta sida Soonka iyo
Sako bixinta, una toosi oo xusuusi waqtiga Salaadda.

- Kula noolow ninkaaga waqtiga la joogo suu
yahay, hana baarbaarin wuxuu taariikh soo maray, maxaa yeelay waxaa
laga yaabaa inaadan ku farxin.

- Ha u ammaanin gabar saaxiibtaa ah, yaanu kaa
raacine.

- Ha u ammaanin nin kale, ma jecla inaad
ammaanto nimaan asaga ahayne.

- Iska ilaali masayrka badan, masayr waa dab eh,
ogowna hadduu dillaaco dadkuu gubayo adaa ugu horreyn doona eh.

- Xanaaq iska ilaali, ninkaagana ka ilaali,
intuu kuu galo wuxuu kuu geystaa kaaga badan eh.

- Haddaad tahay naag nin hore soo furay, iska
ilaali ereyada ay kamidka yihiin "Ninkeygii hore saa ima yeeli
jirin, waxaa ima siin jirin, waxaa iima diidi jirin, iwm.".

- Hadduu ninkaagu danyar yahay adna daaro
dhaadheer ku noolaan jirtay, marnaba iska ilaali inuu kaa dhadhamiyo
ereyo abaalsheegad ah sida adiga oo xusuusiya raaxadii aad ku
noolayd intaanu ku guursan ama xoolo kuwaaga ah ood siisay aad ugu
abaalsheegatid, maadaama ereyada caynkaas ahi ay raganimadiisa iyo
karaamadiisa dhaawacayaan.

Haweeney garoob ah baa beri ii sir warrantay. Waxay tiri:
Markaan guursanayey waxan isweeydiinayey Su'aalahaan soo socda:

Muxuu ninkaygu iga rabaa?. Maxaan sameeyaa si uu iiga raalli noqdo?.
Ma wuxu doonayaa inan ahay qof diinta taqaan oo ku dhaqanta, mise
inaan u lebbisto sida gabdhaha gaabsiga loogu tago?. Ma wuxuu
doonayaa inaan lebbisto dhar jirkeyga inta ka bannaani ka badantahay
inta ka daboolan, mise wuxu rabaa inaan qaato Jilbaab iyo Niqaab?.
Ma wuxu doonayaa inaan ahaado qof furfuran oo dadka dhex gasha, mise
qof xirxiran oo isaga uun meel ugu xiran?. Ma wuxu doonayaa inaan
ahay gabar la koolkooliyey, horteeda loo daayey bad shirtaana aanay
jirin, mise inaan ahay qof waayeel ah, deggan, sida hooyadiis u
caqli badan?.

Muddo markii la'iqabay waxaan billaabay inaan isweydiiyo su'aalo
kuwii hore ka duwan:

Muxuu ninkeygu isaga kay indhatiraa, dumar kalena u dhugtaa laga
yaabo inaan anigu wax badan qurux dhaamo?. Muxuu u kari la'yahay
inuu ila fariisto ama meelna ii raaco?. Muxuu waxaan sameeyo wax uga
sheegaa, isagoon isaguba naftiisa la xisaabtameyn tiisuna mar waliba
la qumantahay?. Kolkaan caadada ka dhaqdo oo uu dhowr habeen ila
baashaalo, muxuu iiga xiisa dhacaa?. Inkastoon cuntada ugu fiican u
kariyo, guriga nadaafaddiisa ku dadaalo, dharka si yaab leh ugu
dhaqo, haddana iima soo jeedo oo wuu igasii jeedaaye maxaa dhacay?

Su'aalihii aan isweydiinayey bay tiri, kolkaan guursanayey iyo
kedib markaan guri degey, jawaabohoodii waxan ogaaday kedib markaan
gurigeeygii gacantayda ku dumiyey oo lay furay. Haddaba waa inay bay
tiri dumarka walaalahay ahi tijaabadayda ka faa'iideystaan intay
goori goor tahay, intii ay hadhow tooda ka sheekayn lahaayeen
sideyda oo kale.

Waxan ogaaday (waa siday gabadhu tiriye) in ninku kolka uu xaaskiisa
la joogo yahay carruur cagaweyn, uuna jecelyahay inay dumar oo dhan
keligeed isku wada tahay. Wuxu jecelyahay:

1- Inay hooyadiis uga egtahay xagga degganaanta,
caqliga iyo diinta, sideeda oo kalena ay u koolkooliso oo wuxuu
doono ugu yeesho.

2- Inay saaxiibtiis ahaato uu dantiisa, duruuftiisa
iyo waxyaabo kale oo uusan qof kale oo bina'aadama u sheegan kareyn
ayada u sheegto.

3- Inay u ahaato adeegto dhega xiran' oo iyadoo
aamusan siduu doono ugu adeegta.

4- Inay u ahaato qof caqli iyo xikmad badan kolka
la yiraahdo hala hadlo, wax kasta oo laga hadlayana si cilmiyeeysan
aragtideeda uga dhiibata.

5- Inay u ahaato sida dumarka weriyeyaasha ah, kuwa
dharka xayeysiiya iyo kuwa aflaanta jila ee aynu maalin kasta
Taleefishanka ku aragno, micnaha inay tahay naag qurux badan, lebbis
qurxoon, lana socota moodada dharka wixii maalin kasta cusub.

6- Inay u ahaato sida naagaha jirkooda iibiya oo
si layaab leh jirkooda u kala dhigdhiga, badeecadoodana usoo
bandhiga, si ay macmiishooda usoo jiitaan..

Waa kaas qaabka uu ninku u fekerayo, maadaama uu ka daalayo kana
xiisa dhacayo naag keligeed ah ama qaab gaar ah leh, si gaar ahna u
fekerta, si gaar ahna u lebbisata. Wuxuu jecelyahay inay u ahaato
dhammaan dumarka aynu soo sheegnay oo laysku dardaray, maalintuu
doonana noocuu doono ka helo.

Haddaba, haweeneydu ayadoo kaashanaysa dumarnimadeeda waa inay garan
kartaa goortuu sidaa inay ahaato ka rabo iyo goortuu sida kale
doonayo.Waa inaanay jilbaab usoo xiran habeen uu kululyahay oo uu
galmo diyaar u yahay, waase inay usoo xirataa dhar khafiif ah oo
layska dhex arkayo, isla markaana ay sidii qof waaya aragnimo iyo
xikmad leh ula dooddaa, caqligiisana la hadashaa, rag fara badan
baana dumarka caynkaas ahi soo jiitaan.

Haweeneydii oo hadalkeedii sii wadataa waxay tiri: waxaan u
sheegayaa gabadha walaashay ah in uusan ninkeedu u keenin guriga
inay cunto u kariso, dhar u dhaqdo, aqalkana u hagaajiso, oo hadduu
intaa keliya rabo, wuxu awoodaa inuu adeegto soo kireeysto.
Walaashay, ninkaagu waxa uu kaa doonayaa inuu arko naag intuusan
asagu doonan ayadu doonata. Nin kastaa waxa uu jecelyahay inay
xaaskiisu waqti kasta diyaar u tahay, doonitaankuna aanu hal dhinac
uun ka socon.

Haddaba aan khibraddayda ugu deeqo qoysaska isku cusub iyo kuwa
mowjaduhu hadba gebi ku ridayaan welise aan bustaha bannaanka isu
dhigin. Gabaryahay hadday dhab kaa tahay inaad gurigaaga janno ka
dhigatid, gacalkaaga iyo adigana gabow iyo geeri waxaan ahayni idin
kala geyn, waanadaydan qaado oo wax ku qabso:

1- INDHAHA: Isha ninku waxay haweeneyda ka eegtaa
meel ayan iyadu ka maleysanayn. Saa darteed u lebbiso dhar kan ugu
qurxoon, shardina ma aha mar kasta inaad lebbisatid dhar qaali ah,
ama dhar qaawanaan xiga, sababtoo ah ninku waxa dabeecadihiisa kamid
ah inuu wax waliba ka xiisa dhaco markay dhowr jeer kusoo
noqnoqdaan. Saa darteed maalinba cayn uga dhig, maalin dharka
haweenka gaabsiga meherad ka dhigtaa qaataan oo waxay dedayaan waxay
daboolqaadayaan ka badanyihiin, maalin dhar jirkaaga oo dhan astura
min madax ilaa majo, sida adiga oo Masjid u socda, maalin dharka
ragga, maalin dhar rakhiis ah. Intaa keliya ma aha ee u allif qaabab
lebbis oo kala duwan. Sidoo kale waxyaabaha raggu aad u xiiseeyo
waxa kamid ah adiga oo beddela qabka timo feerasho, adigoo maalin
sheexaysta, maalin gadaal u xira, maalin aafro ka dhigta. Sidoo kale
mar timaha gaabsada sidii dhallinyarada cusub, maalin dheereysta oo
daaya. Sidoo kale roosetooyinka (Bushimo caseeyaha) aad marsanaysid
maalin isku duug oo daamanka, indhaha, iyo wejiga oo dhan casee,
maalin khafiif ka dhigo, midab degganna marso amaba mid aan
bushimaha laga garanayn. Sidoo kale Bisqin xiirashada, raggu mar
waliba wexey jecelyihiin in wax waliba loo beddelo. Mar iska daa ha
xiirine ha kugu bexee, dabeetana si kedis ah maalin u jar kana soo
saar wax jilicsan oo sida xariirta oo kale ah, qaabab kala duwan u
jar, mar sida gammuunka oo kale, marna mid yar oo ku yaal dusha
Cambarka, mar kalena wada xiir gebigiis, iwm.

2- SANKA: Ninku ma jecla hal nooc oo Barafuun ah,
saa darteed waa inaad bedbeddeshaa uduggaaga, barafuunkaad maalin
marsatidna ha ku celin maalinta labaad. Mar Barafuun, mar Catar, mar
Uunsi, iwm. Xitaa ninku marmar waxa uu jecelyahay inuu uriyo
udgoonka dabiiciga ah ee xaaskiisa iyadoon waxba ismarin, waxanaba
laga yaabaa in uduggaasi uu kala caraf badnaado barafuun kan ugu
qaalisan.

3- DHEGAHA: Codka macaan ninku waa uu jecelyahay
kolka uu ka maqlayo gidaar ka gadaal (Raadiye, Talefishan, iwm),
haddaba ka warran hadduu codkaasi hortiisa ka yeerayo, ayna ugu
heeseyso xaaskiisa uu jecelyahay. Saa darteed kula hadal cod macaan
oo koolkoolin leh, una qaad mararka qaar heesaha uu jecelyahay.
Codka xanta ah ee aad dhegta afka ula saartaana jirkiisa oo dhan wuu
dhaqaajiyaa.

4- Qaab adiga kuu gaar ah u koolkooli. Tusaale
ahaan; kolkuu shaqada ka yimaado asagoo daallan u masaajee oo si
raaxa leh ugu daliig, adigoo nal khafiif ah qolka u daaraya, muusiko
macaan oo cod gaaban lehna u shidaya amaba adigu si hamham ah ugu
heesaya, adaa markaa arki doona isagoo kugu billaabaya istiimin iyo
faracayaar, iyo inu isna markiisa kuu masaajeeyo.

5- Shumiska ka badi. Marka aad jiiftaan, kolkuu
tooso, marka uu shaqada aadayo iyo markuu ka yimaado, dhegtana ugu
sheeg inaad dharareysid soo laabashadiisa intuu kaa maqanyahayna aad
tebeysid.

6- Marmar shaqada taleefan ugu dir, una sheeg sida
aad ugu hiloowday araggiisa iyo sida aad ugu xiistay codkiisa.

7- Ku kedi munaasabadaha muhiimka ah ee maskaxdiisa
ka maqan sida; maalintii ugu horreysay eed isbarateen, maalintaad
aqalgasheen, maalintii dhalashadiisa, iwm, kedisna uga dhig xaflad
yar ood labadiinna oo qurihi kasoo qaybgashaan. Waxaad doonto oo
dhar ah markaa soo xiro, sida goonno gaaban, cariiri ah, jirkaaga
intiisa badanna laga arkayo. Hadiyad u hibee haba yaraatee. Xitaa
hadduu isagu munaasabadda hilmaansan yahay, ha ku eedeyn siduu u
hilmaamay ee usheeg sida aadan adigu u illaawi karin munaasabad
ceynkaasi ah.

8- Guriga nadaafaddiisa iyo gogoshiisa ku dadaal,
kana dhig mid ay markasta carafi kasoo kacayso. Dharkiisa mar kasta
u diyaari, uunsi uu jecelyahay ugu shid, barafuun ugu bilbil,
kabahana u casee oo u nuuri.

9- Haddii aad doontid inaad meel saaxiibbadaa u
raacdid amaba xitaa ehelkaa, hadduu guriga joog ku yiraahdo ka yeel
oo haka hor imaan xanaaq iyo madax adayg ayuunbaa uga kordhaya kahor
imaadkaaga eh, ha yeeshee goor dambe si aayar ah u weeydii sababta
uu kuugu diiday inaad baxdid.

10- U diyaari cuntooyinka uu jecelyahay xitaa haddaanay
adiga kuu dhadhamayn, iskuna day inaad usoo iibisid nooca cunto ee
uu jecelyahay mar kasta ooy duruuftu kuu saamaxdo.

11- Nin kastaa aad ayuu ugu farxaa kolkuu arko inaad
waalidkii ixtiraameysid, mashaakilna aadan ku abuureyn, ee isku day
inaad isjecleysid waalidkii, gaar ahaan hooyadii, sababtoo ah dumar
badan bay dhibaato ba'ani ka dhex taagan tahay iyaga iyo
soddohyaalkood. Soddohdaa ixtiraam iskuna day inaad u jeclaatid sida
hooyadaa oo kale. Mar kasta ood booqatid madaxa ka dhunko amaba
xitaa hadday kula deggantahay. Usoo iibi hadiyadda aad usoo iibisid
hooyadaa mid lamid ah, wey ku farxaysaa oo kuu ducaynaysaaye.

12- Haddaad aragtid ninkaaga oo murugeysan isku day
inaad ka khafiifisid, hadduu kaa diidana si adiga kuu gaar ah ugu
koolkooli sidii carruurtii isagaa degayee.

13- Suuqa kolkaad wax kasoo iibsanaysid ha ku raaco,
dookhiisana iibso, wuxu markaa dareemayaa faan. Ku raac dookhiisa
gaar ahaan kolkay arrintu joogto dharka hoosta laga xirto iyo dharka
habeenkii xilliga jiifka aad dartii u xiratid. Dooro midabbada uu
jecelyahay, mararka qaarna tus dookhaaga iyo dhar aad keligaa soo
iibsatay oo ka yaabiya.

14- Ugu yeer inuu kula daawado filin jacayl ah oo soo
xusuusiya siduu kuugu jeellan yahay, kuna dhaliya inuu kula
baashaalo.

15- Qaababka galmada isku bedbeddela, iskuna day inaad
xishoodka ka guuleysatid, kana codsatid ninkaaga noocyada galmo ee
aad ka heshid. Xishoodku waxba kuu kordhin maayo, haddaad
xabiibkaaga ka xishootidna ogoow cid kalood u xod sheegan kartaa ma
jirtee.

16- Kolkaad dooneysid inaad Gumaarka xiiratid, u daa
asagu ha kuu xiiree, siduu jecelyahayna ha u xiiree. Waad arki
doontaa kolkuu xiiritaanka dhameeyo isagoo galmo doonaya, sababtoo
ah intuu xiiritaanka ku jiray oo uu goobaha taranka taataabanayey
ayuu gebigii taagmay, adna kolley kama digtoonaan yarid oo diyaar
baad markaa tahaye.

Ugu dambayntii, Garoobka waanadan ii sir warrantay iigama aanay
faalleyn habana yaraatee iisoo hadalqaadin, waxa laga rabo
haweeneyda uurka leh, ta ummusha ah, ta caadada qabta iyo ta ubadka
nuujisa. Ha yeeshee maadaama aanan laftaydu arrinka iyada xusuusin,
dembiga dusha kama wada saari karo, balse waa inaan mar labaad
iyadii dib u raadiyaa, si aan sheekada inta dhimman uga soo dhuro,
dabeetana iyadoo dhan idiin soo bandhigo

NINYAHAW NAAGTAADA DHAQO

Sida naagtaba looga doonayo inay adeecdo oo u adeegto ninkeeda,
maalkiisana aanay ku bixin idankiisa mooyee, ayaa sidoo kalena ninka
looga doonayaa inuu xaaskiisa u roonaado, wanaagna ku dhaqdo. waxa
uu Eebbe Qur'aankiisa ku leeyahay:

(Ku dhaqda wanaag, haddaad nacdaanna waxaa dhici karta wax idinku
aad nacdeen in Eebbe khayr badan dhex dhigo) (Suurat An-Nisaa: 19).
Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga
weriyey: "Mu'miniinta ka ugu iimaanka badani waa ka ugu edebta
badan, waxaana idiinku akhyaarsan ka xaaskiisa ugu akhyaarsan.

Dab kastaa kolka uu dillaacayo koob biyaa kolay ku tahay waa lagu
damin karaa. Anigoo haddaba aragtidaasi a amba qaadaya, ayaa waxan
oran karaa dhibaatooyinka ugu badan ee qoysaska dhisan dumiyaa waxay
ka billowdaan is afgaranwaa yaryar oo aan markaa micna lahayn, isla
goobtaasna wax looga qaban karo, haddiise la daayo ama batrool lagu
sii daro sii holciya, kolkay isbiirsadaan waxay gaaraan heer furriin
mooyee faraj kale laga quusto.

Ninka haddaba doonaya inuu guri barwaaqo dego, waxa la gudboon inuu
waanooyinka soddonka ah ee soo socda si fiican u dhuuxo, uga fekero,
xisaabtana ku darsado. Waxyaabaha aan hoos uga hadli doonaa, waxan
isleeyahay waxa weeye waxyaabo ninku hadduu sameeyo aan isaga waxba
ka dhibayn, xaaskiisa ku abuuraya kalsooni, dulqaad, jacayl iyo
farxad joogta ah, guurkoodana ka dhigaya kii lagu nasto oo lagu
nagaado abid.

1- Ha xumeyn xaaskaaga. Xumeyn aad naagtaada
xumeeysaa nooc ay ahaataba, waxay ku reebtaa aano urugo aan weligeed
ka bixin. Waxyaabaha ay xaasku ka carooto laabteedana aanay kaaga
cafineyn, xitaa hadday carrabkeeda kaaga cafiso, waxa ugu daran
adigoo dila iyo adigoo caay ama ceebeyn u geeysta iyada ama
ehelkeeda, amaba adigoo sharafteeda iyo karaamadeeda wax ka sheega.

2- Si fiican u dhaq si fiican ha kuu dhaqdee.
Dareensii inaad jeceshahay iyo inaadan ka maarmin. Nafteeda u raaxee
oo raalligeli, caafimaadkeedana ku dadaal. Hadday xanuusato, wax
kasta u hur siday ku daawoobi lahayd, siday u caafimaadi lahaydna
usoo jeed.

3- Ogoow inay xaaskaagu jeceshahay inaad la
fariisatid, kalana sheekeysatid wax kasta ood dareemeysid. Guriga ha
kusoo laaban adigoo weji cabuusan oo aamusan, taasi oo iyada ku
rideeysa welwel iyo shaki.

4- Haku khasbin xaaskaaga inay kula wadaagto
hiwaayadahaaga gaarka ah. Tusaale ahaan, haddaad caalim ku tahay
cilmiga xiddigiska, haka filan inay sidaada oo kale jeceshahay
xiddigaha iyo meereyaasha.

5- Noqo nin dhowrsan oon balwad lahayn sida aad
iyadaba ka rabtid inay noqoto. Waxa jira Xadiis uu soo saaray
Dhabariyy oo oranaya: (Dhowrsanaada dumarkiinnu ha dhowrsanaadaane) .
Iska jir inaad indhaha ka daba taagtid dumarka aan xalaasha kuu
ahayn, sdia kuwa aad wadaagtaan goobta shaqo ama goobta waxbarasho,
kuwa waddooyinka maraya iyo xitaa kuwa aad Taleefishanka ka daawatid.

6- Iska jir inaad xaaskaaga ka masayrisid. Ha kusoo
hadal qaadin, kaftanba ha kaa ahaatee, inaad doonaysid inaad naag
kale guursatid, hana u ammaanin dumar kale, waxyaabahaasi oo laabta
ka wareemaya, kalgacalka ay kuu qabtana ku beddelaya welwel, shaki,
malo iyo murugo joogto ah.

7- Ha xusuusin xaaskaaga xumaan iyo ceebo ay
sameeysay waqti lasoo dhaafay, gaar ahaan ha ku hor sheegin
ceebahaasi hana ku caayin dadka hortiisa.

8- Dhaqankaaga wanaaji, ayaan markaad joogtana
dhaqan wanaag hor leh lasoo bax, sida aad iyadaba uga rabtid, kana
digtoonow wax kasta oo xaaskaaga ka xanaajin kara.

9- Dhaqan iyo diin wanaagga xaaskaaga kaga dayo
hadday kugu dhaanto. Imisaa rag hanuunay kolkay guursadeen haween
diin leh oo dhowrsan, dhaqan wanaagsanna leh.

10- Isdeji, carada iyo xanaaqana iska daa. Haddaad
xaaskaaga ka gardarraatid ka cudurdaaro oo ka raalligeli, hana
seexan adigoo u caraysan, iyana ay murugeysantahay ooy illintu
dhabankeeda ku taallo. Ogoow waxyaabaha aad ka carootaa inta badan
ma aha wax astaahila inaad qoyskaaga farxaddiisa u baabi'isid eh.
Shaydaanka iska naar, isdeji, ogoowna dhaqanka iyo jacaylka adiga
iyo xaaskaaga idiin dhexeeyaa inay ka weyn yihiin inay ku
waxyeelloobaan caro iyo is fahamwaa mar dhacay.

11- Isku kalsooni ku abuur xaaskaaga, hana ka dhigin
sida adeegto waxaad doontid kuu yeesha waxaad tiraahdidna kaa
yeesha. Ku dhiirrigeli inay yeelato shaqsiyad, fikrado, iyo go'aanno
iyada u gaar ah. Kala tasho umuurahaaga oo dhan, kulana dood si
xikmad leh. Qaado ra'yigeeda hadduu kuula muuqdo inuu saxyahay, una
sheeg inaad ra'yigeeda qaadaneysid, hadduuse ra'yigaagu kula
saxsanaado si degganaan iyo dadnimo wanaag leh uga dhaadhici.

12- U mahad celi kuna ammaan kolkay wax mudan in lagu
ammaano looguna mahad celiyo sameeyso. Xadiis uu Tirmidi weriyey baa
ahaa: (Qofkaan dadka ku mahadini Allena kuma mahadiyo).

13- Xaaskaaga ha eedeyn, hana cambaareyn, hana barbar
dhigin dumar kale ood ku leedahay way kaa fiican yihiine ku dayo.

14- Isku day inaad ku tartid kuna taakulaysid wax kasta
oo ku dhiirrigelin kara inay aqoon kororsato. Hadday doonayso inay
Dugsi ama Jaamacad dhigato, u fududee oo garab istaag, kol haddaanay
waxay baranaysaa kahor imaanayn diinta, kana mashquulinayn
waajibkeeda marwonimo ee guriga. Kolka ay guul soo hooyso, la farax
oo dareensii inaad guusha la wadaagto, garabkeedana aad had iyo goor
taagan tahay.

15- Si fiican u dhegeyso xaaskaaga, kuna dhiirrigeli
inay kuu sheegto wax kasta oo laabteeda ku jira. Iska jir inaad ku
jeesjeestid ama hadalkeeda jebisid (beenisid). Waxa jira dumar aan
hadal daayin oo deriska iyo dadka xanta. Haddaba, kuwaas oo kale si
xikmad leh, diintana waafaqsan arrinkooda ku daawee.

16- Dareensii xaaskaaga inay agtaada aamin ku tahay, ood
adigu dugsi iyo duggaal uga tahay duruufo kasta ooy ka baqayso.
Dareensii inaadan weligaa dumar kale ka doorbideyn kana doonaneyn.

17- Xaaskaaga dareensii inaad adigu masruufkeeda iyo
marashadeeda mas'uul ka tahay, xitaa hadday xoolo badan leedahay. Ha
damcin xooleheeda kuu xalaal ma ahee, maal bay haysataa darteedna ha
kaga masuugin . Ogoow xaaskaagu, si kasta ooy taajirad u tahay inay
ku farxayso kuguna qiimeynayso dadaalka aad ugu jirtid sidaad
mustaqbalkiinna u dhisi lahayd, mas'uuliyaddeedana u qaadi lahayd.

18- Iska jir xiriirka dumarka aan kuu bannaanayn,
ogoowna inay kamid yihiin waxyaabaha ugu badan ee guryaha dhisan
dumiya.

19- Dheellitir jacaylka xaaskaaga iyo jacaylka waalidkaa
iyo tolkaaga, dhinacna dhinaca kale ha uga eexan oo daraf waliba
xaqa uu kugu leeyahay sii, adigoon darafka kale xumeyn.

20- U ahow xaaskaaga sida aad jeceshahay inay kuu
ahaato, ogoowna inay iyaduba kugu jeceshahay waxa aad adigu ku
jeceshahay. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Waxaan jeclahay in aan
xaaska isugu qurxiyo sida aan u jeclahay inay isugu kay qurxiso).

21- Soo wareeji oo kusoo madaddaali guriga dibaddiisa
hasoo hawa beddelatee, gaar ahaan kahor intaanay dhalin ubad
madaddaaliya, wax allaale waxaad jeceshahay inay kula qaybsatana la
qaybso.

22- Reerkeeda xariiri, dhaqaalee, si xushmad lehna ula
dhaqan oo usoo dhowee.

23- Waqtigaaga oo dhan shaqadaada ha siin yaanay ka
maseeyrine. Waqiyadaada fasaxa iyada kula qaado guriga gudihiisa ama
dalxiis u kexee oo soo wareeji, yaanay caajis dareemine.

24- Kolka aad guriga ka baxaysid, ku sagooti dhoola
caddayn, kana dalbo inay kuusoo ducayso. Kolka aad guriga kusoo
laabatidna ha ku degdegin ee waqti sii ay kulankaaga isugu
diyaariso, gaar ahaan kolka aad safar kasoo gashid, aan ahayn waxa
laga yaabaa inaad ku aragtid qaab iyo lebbis aadan jeclaysan inay
kugu qaabisho.

25- Adiga iyo xaaskaagu nolosha isku il ku eega oo isku
day inaad aragtida ka midoowdaan.

26- Isku day inaad xaaskaaga ka kaalmeysid howlaha
guriga qaar. Caa'ishah (RC) waxay tiri: (Rasuulku "SCW" haweenkiisa
ayuu howsha la qaban jiray, Salaadda waqtigeeda kolka la gaarana
Salaadduu u bixi jiray). Waxa weriyey Bukhaari.

27- Isku day inaad isha ka dadabtid meelaha qaar ay
xaaskaagu ku liidato, ama lagaga fiicanyahay, isna xusuusi wanaagga
iyo waxtarkeeda, si ay u daboolaan ceebeheeda. Rasuulku (SCW) waxa
uu yiri: (Nin Mu'min ahi ma liido naag Mu'minad ah, hadduu dhaqan ku
naco mid kaluu ku raacaa). Muslim baa weriyey.

28- Xaaskaaga shukaanso, la kaftan oo la cayaar.
Rasuulku (SCW) oo nin Saxaabiya la hadlayaa waxa uu yiri: (Gabar
maxaad u guursan weysay aad la cayaartid oo kula cayaarta). Bukhaari
baa weriyey. Cumar bin Khaddaab (RC) oo caan ku ahaa ad-adayg iyo
xoog, xitaa, waxa uu dhihi jiray: (Ninku kolku xaaskiisa la joogo
waa inuu sida carruurta ahaado, kolka uu dad kale la joogana rag
ahaado).

29- Xaaskaagu hadday kugu soo hadal celiso waa inaad
dhegeysatid ra'yigeeda una dulqaad yeelatid. Rasuulka (SCW)
dumarkiisu way ku ra'yi celin jireen kamana uusan caroon jirin.

30- Deeqsi u ahow xaaska iyo carruurtaada, waxaad u
awooddana ha kala bakhaylin. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri:
(Diinaarrada waxa ugu fadli badan ka aad ehelkaaga ku bixisid). Waxa
weriyey Axmed.

Ragga waxa lagula dardaarmayaa inay dumarkooda isu qurxiyaan oo
isu carfiyaan. Aayad Qur'aan ahi waxay oranaysaa:

(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale) (Suurat
Al-Baqara: 228). Waxa weliba la sheegaa in haweeneydu kolkay
barafuunka ninkeeda uriso, isla goobtaasi ku godlato, oo galmo ugu
baahato. Ibnu Cabbaas (RC) waxa laga weriyey inuu yiri: "Ninku ha
isugu diyaariyo naagtiisa sida isaguba uu jecelyahay inay isugu
diyaariso".

Ninku waa inuusan kolka uu guriga joogo isdhigan oo uusan wax
waliba ku dhaafin inay siday doonaan u dhacaan, balse waa inuu
guriga ku leeyahay mowqif sidii isaga oo xafiiska shaqada jooga.
Dumarku waxay jecel yihiin in raggoodu ay leeyihiin muuqaal
carruurnimo, waxayna neceb yihiin inay leeyihiin muuqaal nimow-
naagnimo, kaasi oo kaga imaan kara dhanka lebbiska, isticmaalka
barafuunnada dumarka, surwaalka ku dheggan, qoobka dheer ee kabaha,
indhaha baararkooda oo midabbaysan, bushimaha cascas, iwm.
Haweeneyda u dhalatay qosol iyo farax la'aantu waa inay samayso sida
ay sameeyaan dumarka dukaamada iibiyaa kolka ay macaamiishooda kula
kulmayaan bashaashnimo iska yeelyeel ah, sababta oo ah wejiga
bashaashka ahi waxa weeye qayb kamid ah naagnimada.
sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: How to be a Successful Husband

Post by sadeboi »

Dadkiina qarkood waan la yaaba. You do know marriage is half of your faith? If you were a good muslim and you married a good muslim girl, meaning you both knew your religion, then you would never really have fights or any of that. Saa imaankiina will always lead you back to allah and you will work it out.

I must say thou, Somali men who do not follow the religion oo ku fiicneen, they want a women who is basically a slave to them and they use the religion as a tool to follow their logic. If s.net males were asked would you want a women who listens to everything you say, cooks and cleans, you have sex with, never cares if you acknowledge her goodness they would love it. They wanted to be cared for and given what they want, yet they wish to do nothing for their wives but have sex. Waa jahilnimo. Some of them utter so easily afar naag baan raba, if they knew the circumstances of having more then one wife, and what will be asked of you during judgment day wey iska aamusi la hayeen.

I don't think ismahan is speaking about "calaf," I think shes talking about every couple who gets married does not mean they are "soulmates" basically perfect for one another.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: How to be a Successful Husband

Post by HELWAA »

ciiseguure wrote:How to be a Successful Wife and Husband?

Very interesting :!:
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: How to be a Successful Husband

Post by HELWAA »

Cali_Gaab wrote:Executive.....daily intercourse should be added to that list.

This old tart Helwa cracks me up, 28-33 years old still living at home and still single.
If i were you i would start hangin' on paltalk and strip on webcam walahi.

Thanx for proving my point idiot....walle waxa wada tihiin xoolo foqal xoolo :arrow: :arrow:

Image
RebelLion
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2259
Joined: Mon Apr 14, 2008 3:33 pm

Re: How to be a Successful Husband

Post by RebelLion »

Some of those are common sense, but no one can do them all. Don't get these xalimo's hopes up :lol:
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: How to be a Successful Husband

Post by Executive »

suga_n_spice wrote:
BABYGIRL123 wrote:Executive inadeer i think you will be a successful husband to suga & spice :love: :rose: :rose: :oops:

nayaa. ma gadaashey baad inaadeerkey iigu qalqalineysaa!!! yahuuuuuu :lol: :lol:
waa dhalikaraa bee exec. waa baby :mrgreen:

:lol: :lol: :lol: :lol: you girls are crazy
Realest_007
Posts: 144
Joined: Fri Jul 18, 2008 7:09 am
Location: Let's Ban Twisted_Logic b/c we disagree with him

Re: How to be a Successful Husband

Post by Realest_007 »

To be a good husband depends on good wife.

Once both understand each other and can compromise, all the things u listed will follow naturally. Because who wouldnt treat his wife special when she gives him a special feeling every day?
User avatar
Firefly
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4189
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: Underneath the apple tree, at one with nature's beauty.

Re: How to be a Successful Husband

Post by Firefly »

Jazakallahu Kheyr, Executive. :up: :D

I don't know why even a beneficial thread like this is turned into a futile argument.
User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33847
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: How to be a Successful Husband

Post by FAH1223 »

sadeboi wrote:Dadkiina qarkood waan la yaaba. You do know marriage is half of your faith? If you were a good muslim and you married a good muslim girl, meaning you both knew your religion, then you would never really have fights or any of that. Saa imaankiina will always lead you back to allah and you will work it out.

I must say thou, Somali men who do not follow the religion oo ku fiicneen, they want a women who is basically a slave to them and they use the religion as a tool to follow their logic. If s.net males were asked would you want a women who listens to everything you say, cooks and cleans, you have sex with, never cares if you acknowledge her goodness they would love it. They wanted to be cared for and given what they want, yet they wish to do nothing for their wives but have sex. Waa jahilnimo. Some of them utter so easily afar naag baan raba, if they knew the circumstances of having more then one wife, and what will be asked of you during judgment day wey iska aamusi la hayeen.

I don't think ismahan is speaking about "calaf," I think shes talking about every couple who gets married does not mean they are "soulmates" basically perfect for one another.
Pretty much.
User avatar
ms.nalia
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2752
Joined: Tue Sep 11, 2007 2:04 pm
Location: I have no laction, Im a free agent of the Universe..

Re: How to be a Successful Husband

Post by ms.nalia »

wooooow cisse...you had time to write all that out?

seriously.....if you were ever wondering why you're single....theres ur reason...all 800 lines of them.....

p.s. I didnt even bother to read it....
User avatar
ciiseguure
Posts: 227
Joined: Mon Jan 22, 2007 10:42 pm
Location: Beled Weyne

Re: How to be a Successful Husband

Post by ciiseguure »

Ms Nalia,

You missed a lot, please read it.

And hey, who said I am a :roll: :roll: :roll:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”