TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

Halkaan waxaan idiinku soo sheegayaa walaalaheena ilam Caqiil ibnu Abitalib iyo meelaha ay kala degan yihiin.
1)Al-Uqaliyun waxaa meelaha qaarkood looga yaqaan "mashaa'ikh", Qudaat, iyo al-Fuqaha.Waxay ka soo farcameen al-Sayid al-Sharif abi al-Cabas Axmed bin Cumar al-Zaylici bin Muxamad bin Xusayn bin Malkan bin Cuqayl ibnu Xusayn bin Talxa bin Xusayn bin Sulayman bin Xusayn bin Abi-Bakar bin Cali bin Muxamada bin Ibrahim bin Axmed bin Xusayn bin Cali bin Axmed bin Cabdallah bin Muslim bin Cabdallah bin Muxamad bin Caqiil bin Abitalib.Waxay degaan meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo koonfur galbeedka Sacuudi Caraabiya, sida Maka, Madiina, Qunfuda, Jayzan, Jasiiradaha Fursan.
Waxay ka degan Yemen magaalada la yiraahdo al-Luxaya.Magaalooyonkaas oo dhan dadyow kale ayey isla degaan.
2)Qolada labaad ee aan idin barayo waxaa ay ka mid yihiin qolooyin dhowr ah oo loo yaqaan magaca al-jabartiyun.Qoladaan waxaa la yiraahdaa Banu Mahdi al-Jabarti,
waxayna ka soo farcameen al-Sayid al-Sharif al-Shiikh Xusayn bin Jarullah bin Ismaaciil bin Xasan bin Cusman bin Yusuf bin Isxaq bin Jibril bin Cabduraxman bin Cabdukarim bin Khalafullah bin Xusayn bin Cabdulwahab bin Axmed bin Tarad bin Muxamad bin Axmed bin Jablah bin Axmed bin Mahdi bin Ismaciil bin Muxamed bin Xamid bin Cabdallah bin Ibrahim bin Zaynal-cabidayn Cali bin Axmed bin Cabdallah bin Muslim bin Cabdallah bin Muxamad bin Caqiil bin Abitalib.Waxay qoladaan degtaa magaalooyinka Maka, Jidda, al-Jamum, waxay kaloo degan labada waadi ee la kala yiraahdo Sataara iyo Saaya ee ku yaal koonfur bari Sacuudi Caraabiya.
3)Qolada sedexaad waxaa la yiraahdaa Baa Jaabir, waxayna ku abtirsadaan al-Sayid al-Sharif Muxamad al-Basri oo kunyadiisu ahayd Ba-Jabir bin Muslim bin Salix bin Yaxya bin Axmed bin Cabdallah bin Muslim bin Cabdallah bin al-Muxadith bin Muxamad bin Caqiil bin Abitalib.Awowgood wuxuu ka soo guuray magaalada Basra waxaana uu degay magaalada Xuura ee ku taal Xadramawt.Duriyadiisii waxay kala degan yihiin:Tarim, Candal, al-Xafiira, al-Jadfara, al-Safuula, iyo al-Hijrin oo kuligood ku yaal Yemen.
Waxay kaloo faracoodu joogaa Indoneesiya iyo Keenya.Waxa kaloo ay dad ka joogaan Maka, Jidda. Yanbuc iyo Riyaad oo kuwada yaal Sacuudi Caraabiya.
4)Qolada afaraad ee aan idin barayo waxaa la yiraahdaa aala al-Nuwayr, waxayna ku abtirsadaan al-Sayid al-Sharif Abu al-Qasim Cabduraxman bin al-Qasim bin Cabdallah bin Cabduraxman bin al-Qasim bin al-Xusayn bin al-Shahir ibnu al-Xarithiya bin Cabdallah al-Shahir ibnu al-Quaryshiya bin Muxamad al-Shahir ibnu al-Ansariya bin al-Qasim bin Caqil bin Muxamad bin Cabdallah bin Muxamad bin Caqiil bin Abitalib.Waxa uu faracodu joogaa jeexa al-Qaza ee Falastiin, Xijaaz(Sacuusi Caraabiya), iyo Masar.
5)Qolada shanaad waa qabaa'ilo ku abtirsada al-Sayid al-Sharif sheikh Ismaciil bin Ibrahim bin Cabdulsamad alJabarti.Shiikhaan abtirkiisa cid intaas dhaafsiisa waa la waayey, waxaana loo malaynayaa in uu yahay Caqiili sababtoo ah kutubta Yementa ee taariikhdiisa ka hadasha ayaa sidaas qora.Waxaa uu dhalay shiikhaan uu faracooda hada joogaan:
a)Abu-bakar oo faraciisu joogaan magaalada Zabid ee Yemen.
b)Ala Karayt oo dhex degan Cuman iyo dhulka Mahriga, waxayna ku abtirsadaan al-Sayid al-Sharif Cabdallah bin Saciid bin Salim bin Muxamad bin Cabdallah bin Karayt bin Xamza bin Cabusamad bin Ismaciil bin Ibrahim bin Cabdulsamad al-Jabarti.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
oke waxaad noo soo koobtay dadki cuqeylinta ahaa eeh dunnida dacaladeeda daggan.
oke now tarodku halku ka so galla sheekadan

oke now tarodku halku ka so galla sheekadan

Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
Emperior, horta waxaan kaa rabaa inta aanan su'aashaas kaa jawaabin, marka uu qofku jawaab ku qoraayo shabaka alashraaf, muxuu ku qoraa meesha ya ku qoran tahay "Title"?
Tarod bin Ismaciil bin abulqasim Xasan oo lagu naynaaso Mansur ul-Yaman ibnu Faraj bin Xawshab bin Zadan bin Mubarak bin Muxamad bin Muslim bin Caqiil bin Abitalib.
Adilada aan u cuskanayo abtirkaan waxa ay yihiin.
1)al-Maqrizi shiikha la yiraahdo waxa uu ku sheegay dadkii la dagaalamayey Xabashada 1330kii
ee la oran jirey al-Jabartiyiin in ay ka so Farcameen Muslim bin Caqiil bin Abitalib.Kitibka Xabashada ee dagaalkaas ka hadlaya waxaa uu sheegayaa in Harla, Geri iyo Waytayn in ay ka mid ahaayeen qolooyinkaas.Taas oo cadayn u ah dadkii uu al-Maqrizi uu ka hadlaayey in ay ahaayeen Taaroodka. 1450 A.D.
2)Shiikha ku caanbaxay abtiriska ee la yiraahdo ibn al-Tiqtaqa ee qoray kitaabka al-Asili fi ansab al-Talibiyin waxa uu kitaabkaas ku qoray 1250kii in Muslim ibn Caqiil uu farac ka joogo wiilkiisii Maxamad.
3)Kutubta madhabka Ismaciiliyiinta Shiicada ah sida Iftitax al-Dacwa oo uu qoray Qadi Nucman bin Xayan iyo kitaabka uu qoray al-Idrisi ee la yiraahdo Cuyun al-Akhbar 1400 A.D. Waxa ay qoreen labadaan shiikh in wadaadka wax ka aasaasay dawladii Faatumiyiinta ee la oran jirey Mansur al-Yaman in uu ka soo farcamay Muslim bin Caqiil.Sidaas oo kale ayey sheegayaan kutubta Yemeniyiinta ee ka hadlaya shiikhaas ee kala ah Kashf al-Asrar al-Batiniya oo uu qoray al-Xamadi iyo akhabar al-Qaramita ee uu qoray al-Janadi.
Abtirirskaana kutubtaas ayaan idiinkaga soo dhiraandhiriyey iyo kitaabka taariikh al-Jabarti 1800.

Ninkan sawirkiisa aad meeshaan ku aragtaan ayaa ka mid ah ilma adeeradeena Caqiiliyiinta ah ee degan Indonasia ee loo yaqaan Jabartiyun.
http://www.geocities.com/theninerz/aj.html

Last edited by ky2008 on Fri Nov 07, 2008 12:10 pm, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8904
- Joined: Mon Apr 09, 2007 11:48 am
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
Yes, i managed to read all of that.
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
Laba su'aalood oo Isaaqu meelaha la meeraystaan iyo laba kale oo Hawiyuhu na waydiiyaan baan rabaa in aa halkaan kaga jawaabo:
Isaaqu waxay na waydiiyaan, waa idinkii Taaroodow oran jirey Mahari Ismaciil, Casiir Ismaaciil iyo Taarood Ismaaciil baa wada dhashay e xagee ka keenteen Haashimiyiin baan nahay hadii labadaas qolo aysan ahayn Haashimiyiin?.
Jawaab:Horta waxaad ogaataa in hadalka ah in Tarood Ismaaciil in uu la dhashay laba nin oo la kala yiraahdo Mahari iyo Casiir in aysan ahayn wax buug lagu qoray ee ay yihiin sheekooyin dadka aan aqoon abtirka Carabta ay ku sheekaystaan.Mida labaad waxaad ogaataa in Casiir ay mandiqad tahay oo aysan ahayn qabiil, Meherina uusan ahayn ina Ismaaciil abtirkiisuna uusan ku jirin nin la yiraahdo Ismaaciil, ee uu yahay ina Xydan bin Camar bin al-Xaf bin Malik bin Qudaca oo uu Qaxtan galo.Markii aan aad u baarbaaray sheekadan waxaan soo ogaaday in dadkii sheekadaan soo wariyey in ay arkeen qolo degan mandiqada Casiir ee ku taal koonfurta Sacuudi Caraabiya, qolodaas oo ka soo farcantay sheekh Axmed bin Cumar alZaylici bin Muaxamad bin Xusen, oo waa qolada aan kor idiinku soo shegay oo magacooda waxa la yiraahdaa Cuqayliyun.Iyaga iyo qoloyin kale oo Qaxtaniyin ah baa mandiqadaas wada dega.
Qolada la yiraahdo Mehri ee degta koonfurta Cumana iyo galbeedka Yemena waxaa dhex dega qolo la yiraado Ba Kariit oo ka soo farcantay Cabdulsamad bin Sheekh Ismaciil al-Jabarti.
Kolka, dadka sheekadan wariya waxay arkeen labadaas qolo oo ku abtirsada Caqiil ibnu Abitalib oo kala degan labadaas mandiqadood, markaas bay moodeen in Mahriga oo dhami ku abtirsadaan Ismaaciil al-Jabarti iyo in dadka degan mandiqada Casiir kuligood ay wada yihiin Cuqayliyiin.
Su'aasha kale waxay tahay, Isaaqu waxay yiraahdaan, Taarood qabrigiis lama aqoone xagee ka kenteen in uu ku aasan yahay Hadaaftimo?.Taas waxaan kaga jawaabnay, in nin Ingiliis ahi oo la yiraahdo Speke in uu ku qoray buuga the First Footsteps on East Africa in uu soo arkay qabriga Tarood Ismaaciil sanadii 1850kii.
Labada Su'aalood oo Hawiyuhu na waydiiya waxay kala yihiin, Taroodku kitaabka al-futuux laguma sheegin in ay yihiin Asharaaf mana la siin khumus ee sidee ku tiraahdeen Haashimiyiin weeye?.
Jawaab:Magaca Asharaaf iyo Saada intii ka horaysay dawladii Faatumiyiinta waxaa loogu eyeeri jirey qof kasta oo ah Haashimi.Markii ay dawladasi soo baxday qarnigii 10naad ee Milaadiga ayaa la joojiyey oo waxaa lagu soo koobay magacaas dadka Xuseeniyiinta ah iyo kuwa Xasaniyiinta ah.Khumuskana, Baa Calawi oo aan la isku khilaafsnayn Asharafnimadoodaba lama siine, maxaa Tarood lagu eedayaa?.
Su'aasha labad oo ay na waydiiyan waxay tahay, sidee Tarood dadkii uu soo dhexdegay uu oga tira batay?.
Jawaabtu waxay tahay, Tarood waxa uu guursaday gabar uu odaygii Irir ahaa awoowe u ahaa oo ina Dir ahayd, oo waxaaba laga yaaba in Irir iyo Tarood in ay nolol isku soo gareen.Marka, adiga iyo gabadha aad qabto awoowgeed sow isma farac le'ekaan kadhaan?.Ileen Irir iyo Taarood way is le'eg yihiine.

Emperior, su'aashii aan ku waydiiyey wili iigama aadan soo jawaabin.Waxaan ku iri, marka uu qofku jawaab uu ku qoraayo shabakada alashraf, muxuu ku qoraa meesha ay ku taal "Title"?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
war niyo to write on the alsharaaf website waxad oo bahantahay softwareka luqada carabiga baad oo bahantahay marka ugu horeysa marka taa soo samee marka hore
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
War Emperior, waxaan isticmaalaa google oo aan dirishadiisa geliyo "arabic key board", intaa bacdigeed baa waxaa ii soo baxa teeb Carabi ah.Markaan wax ku qoro teebkaas baan copy iyo paste isticmaalaa si aan wax ugu qoro shabakadaha Carabiga ah.Iyada oo ay sidaas tahay,
wuu ii gali waayey oo waxaan garan kari waayey waxa lagu qoraayo meesha ay ku taal "Title"
ee dirishada ah.
wuu ii gali waayey oo waxaan garan kari waayey waxa lagu qoraayo meesha ay ku taal "Title"
ee dirishada ah.
Re: TAAROODKA KALIYA HA SOO GALAAN.
Waxaa ay Idoorku ku doodaan sababta Taaroodku uu ugu jiro abtirkoodu magacyo ay ku jiraan kalimada "waaq"?.
Jawaab:Waaaq, waa kalimad gabowday oo Maxa ah oo micnaheedu la mid yahay Eebe iyo Ilaah.Idoorkuba waad aragteen iyaga oo leh ama isticmaalaya kalimada "waqal" ama "waqlal".
Sidaa daraadeed magacyada ku jira abtirka Taaroodka sida Warwaaqjecel, Miirwaaq, Tegelwaaq, Gudoonwaaq, Dardaarwaaq, iyo Barwaaq kuligood waxay muujinayaan laba arimood oo kala ah in ay naanaysyo yihiin kuligood iyo in dadkii magacyadaas lahaa in ay ahaayeen dad Muslim ah oo diinta u go'doomay.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 995 Views
-
Last post by Yasiin2
-
- 64 Replies
- 4119 Views
-
Last post by Murax
-
- 16 Replies
- 1581 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 23 Replies
- 1369 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 35 Replies
- 1705 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 11 Replies
- 1836 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 1 Replies
- 357 Views
-
Last post by Thuganomics