Somali Girl in london Jumps Between a Train to Kill.....

Soomaalida waddankan ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Somali Girl in london Jumps Between a Train to Kill.....

Post by Adan_1 »

Somali Girl in london Jumps Between a Train to Kill Herself


Gabdadh soomaliyeed oo degan maagaalada Gloucter, ee gobolka Glouctershire ee carigan ingriiska ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay nefteeda khatar u galisay maqaal lagu qoray wabsite-ka caanka ah ee Somaliweyn, taasi oo ay isku day day in ay nafteeda disho.

Taasina waxay ka dambaysay markii wabsite-ka Somaliweyn lagu arkay 01/01/2009 sawirkeeda iyadoo sikhraansan si xad dhaafana khamri u cabtay, ilaa iyo ay ka miyir doorsoontay. Sawirka ayaa waxa uu ku tusayaa iyada oo dhulka jiifta laba nin oo booliska ingiriiska ka tirsani ay gacmaha hayaan oo ay leeyihiin( bes khamri intaa ka badan ha cabin jooji khamriga ha cabin).

Sida ay saaxibadeed sheegtay saaka abaaro 06:30am 02/01/2009 ayaa gabadhaasi waxay sheegtay in ay heshay tilifoon annaga oo shaqadii u sii wada socona intii ay tilifoonka ku hadlaysay waxaan wajigeeda ka arkaayay naxdin iyo murugo waxaanan qalbiga iska idhi malaa geeri ayaa loo soo sheegay, kolkii ay tel-kii dhamaysatay ayaan waydiiyay maxaa kugu soo kordhay? waxba ayay iigu jawaabtay aniga oo arka in ay wax iga qarinayso, anna halkaa umaan sii dhaafin waayo xidhiidhkaygu muu ahan mid shaqada ka badan.

Sida ay werisay saaxibadeed, isla markiiba waxay igu tidhi iska soco anigu shaqo tagi maayee waanay diiday in ay ii sheegto waxaa dhacay, waxaa qudha oo ay i waydiisay, ma taqaanaa wabsite-ka Hadhwanaag? haa intanetka ayaad ka helaysaa ayaan ku celiyay waanay iga tagtay.

Qiyaas ahaan markay iga maqnayd laba saacadood ayaan ka helay gabadh kale telefoon waxaanay ii sheegtay in gabadhaa aynu kor ku soo sheegnay oo is dabaysa la arkay nasiib wanaag se laga gaadhay. Isla maanta ayaa waxaa gurigii gabadhaa dhiban yimid wiil ay wada sheekaysan jireen isagii oo wada sawirkeedii oo uu ka soo daabcay hadhwanaagnews.

Gabadhii markii ay aragtay wiilkii ayay orod isa sii daysay iyada oo u carareysa xagga khadka tareenka oo rabta in ay isu dhigto nasiib wanaagse waxaa ka gaadhay dadkii.Gabadhaa imika waxaa gacanta ku haya ciidanka naabdgalyada ee magaalada gloucter si ay uga ilaaliyaan in aanay nafteeda dilin, baadhayaana sababta ku kaliftay in ay arinkan ku kacdo.

Hadaba waxaa is waydiin leh xeerka saxaafadu ma qorayaa in la faafiyo sawirkan oo kale ama la sawiro qof aan raali ka ahayn xaalada uu markaa ku jiro, muxuuse sharciga dalkan ingriisku ka qabaa taas oo kale,. Dhaqan ahaan iyo diin ahaanba iyadoonu khamrigu wanaagsanayn haddana faafinta faadeexada intaa leeg diinta islaamku maxay ku tilmaamtay? yaa se sabab u ah haddii uu yimaado dilkaasi?.

Waxa aan ka cudur daaranayaa in aanan idiin soo tabin magacyada oo dhan iyo goobaha ama ciwanada arintani ka dhacday anoo ka baqaya fadeexad kale oo dad islaama ku timaada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Europe - UK”