http://somalitalk.com/2009/jan/22jan409.html
Warar kala duwan oo goobta shirka aanu ka helney waxay sheegayaan in wadahadalo hoose ay u socdaan mas’uuliyiinta Urur Diimeedka Al-shabaab iyo dhinacyada kala duwan ee Is-bahaysiga iyo Qaramada midoobey, taasoo la doonayo in laga soo qayb galiyo shirka ka socda caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana 75-tii xubnood ee la siiyey Ururada bulshada Soomaaliya, laga yaabo in lagu wareejiyo Ururka Al-shabaab, sidaasna doorkii ay ku lahaayeen Ururada Bulshada Soomaaliyeed ay waayaan dowlada labada sano soo socota.
Goobta shirka uu ka socda ayaa marka aad si guud u eegto dadka jooga waxay ka kala yimaadeen gudaha dalka Soomaaliya iyo daafaha dunida waloow ay u badan yihiin dadd ka yimid dalalka reer Yurub, kuwaasoo hamiweyn u qaba, qabashada mas’uuliyada sii baahaysa ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelandoono, taasoo ruux kasta aan la ogeyn ujeedkiisa maamul, maadaama uu in badan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka maqnaa.