Masaajid ayaa laga dhisay tuulo u jirta magaalada B/xaawo 4km oo lagu magacaabo Baladu-Aamin qarshka masaajidka lagu dhisay ayaa waxaa ku deeqay inta badan hayada EHLU-XADIIS SANTAR iyadoo ay qaarna bixiyeen jaaliyada dibada iyo dad deegaanka ah Waxaa dhisay masaajidka ururka layiraahdo HILAAL FOUNDATION.
Masaajidkaan ayaa waxaa ku baxday lacag dhan $14,000 lacagtaas cadad kamid ah oo gaaraysa $10,400 waxaa bixiyay Ehelxadiis-santar inta kalena waxaa bixiyay jaaliyada dibada iyo dadka deegaanka ah.
Masaajidkaan waxaa ku tukan-kara 300 oo qof waxuuna leeyahay laba Suuli iyo barkad waxay kaloo uruka Hilaal masaajid hada kahor ka dhiseen tuula Buusar oo hoos tagta dagmada Ceelwaaq iyo tuulada Daableey oo hoostagta Garbahareey una jirta 35km.
Ururka Hilaal wuxuu kaloo uu ka soo shaqeeyay qaybo kamid ah gobalka Gedo iyagoo raashin ka qaybiyay dagmada luuq bilihii aan soo dhaafnay waxayna gaarsiiyeen 750 qoys waxaa kale ay xarun quudin kafureen dagmada ceelweeq.
Sanka Gedonet-News B/Xaawo
http://www.gedonet.com/index.php?news=4449