BEESHA AXMED HARTI AYAA HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRTAY MADAXWAYNAHA CUSUB EE SHEEKH SHARIIF.
--------------------------------------------------------------------------------
Bosaaso:- Beesha Axmed Harti oo ka mid ah Beelaha sida aadka u dega Gobolada Puntland ayaa kulan Balaadhan oo ay isugu yimaadeen ku taageeray Madaxwaynaha cusub ee Sheekh Shariif, beesha ayaa kulankoodaasi ku sheegay inay uga Gol leeyihiin sidii ay Bogaadin ugu diri lahaayeen Madaxa Cusub ee Somaliya.
February:-01,2009,Dhawaan Shir Balaadhan oo taageero ah oo ay isugu yimaadeen Beelwaynta Axmed Harti ayaa ujeedka shirkaasi lagu sheegay mid ah Taageero iyo Hanbalyo ay u dirayaan Hogaanka Cusub ee haataan ku guulaystay Xilka Madaxtinmo ee Somaliya, Mudane Sheekh Shariif , Beesha oo Kulankaasi ay ka Joogeen Qaybaheeda kala duwan sida, Ganacsato, Aqoonyahano, Culumo, iyo Siyaasiyiin, ayaa si Cad u Qeexay inay soo dhawaynayaan Madaxwaynaha cusub ee TFG-da kaasi oo ay sheegeen in lagu Doortay Doorasho Xalaal ah.
Beesha Axmed Harti ayaa si Buuxda uga dhawaajiyay inay la shaqaynayaan Madaxwaynaha cusub ee Somaliya,iyaga oo xusay in ay Hor yaaliin Arimo badan, waxay sheegeen inay ilaahay uga Bar yayaan, inuu shaqada Hortaala inuu u fududeeyo, oo la Garab galo shaqada loo doortay, waxay kaloo sheegeen in Madaxwaynaha cusub inuu Noqdo, mid Somaliya walaaleeya oo ku dhaqa Cadaalad, Sinaan, Xaqsoor.
Kulankan Taageerada ah ee ay Beeshu Yeelatay ayaa ka dhacay Gudaha Magaalada Bosaaso, dhamaan dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Somaliya wakhtigan u Baahan tahay Nin soo Celiya Nabadii Luntay ee Somaliya, si Loo gaadho, Bay Yirhaadee, Barwaaqo.
Waa Taageerada Beesha Axmed Harti ee Madaxwayne Sheekh SHariif ayaa ah tii ugu horaysay ee ay diraan qaar ka mid ah Beelaha Degan Gobolada Puntland, taasi oo Meesha ka saaraysay Go"aankii diidamad ah ee uu dhawaan Qaar ka mid ah Warbaahinta ka sheegay C/raxmaan Faroole oo ah Hogaanka Talada Puntland, sidoo kale Baaqa Beeshan ayaa waxa laga dha dhansanayaa, sida ay Beelaha degan Gobolada Puntland u doonayaan inay Somaliya hesho Dawlada Buuxda.
BEESHA AXMED HARTI AYAA HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRTAY MADAX
Moderator: Moderators
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
Re: BEESHA AXMED HARTI AYAA HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRTAY MADAX
axmed harti ma dhashiishle qolada layiraahdaa sxb ii jilci
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
Re: BEESHA AXMED HARTI AYAA HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRTAY MADAX
dad fiican waaye warkooda waan hayaa waa dadka iskaleh bosaso waxaa kaloo laiisheegay in ay markii xamar laga soo qaxay 1991 ay dad badan dhulsiiyeen oo xitaa aan daarood ahayn sida buulo eelaay iyo meelo
alaha unaxariisto ugaas yaasiin
alaha unaxariisto ugaas yaasiin
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 29 Replies
- 361 Views
-
Last post by Samatr
-
- 5 Replies
- 362 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 572 Views
-
Last post by udun
-
- 13 Replies
- 1479 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 16 Replies
- 1343 Views
-
Last post by peace-
-
- 53 Replies
- 2946 Views
-
Last post by Mrs Musika man
-
- 18 Replies
- 1272 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 1 Replies
- 433 Views
-
Last post by surrender