THE END OF UDUB

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

THE END OF UDUB

Post by LiQaaye_TDH »

Labada murashax ee C/laahi Xuseen Iimaan [Darawal] iyo Axmed Sandoon Xasan, oo todobaadkii hore shaaca ka qaaday inay isu soo taagayaan jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa maanta si kulul u naqdiyay sharcinimada Guddida qaban qabaabada shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB ee uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin isla markaana ah Guddoomiyaha xisbigaas.

Labadan murashax ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeedkaa oo uu goob joog ka ahaa weriyaha shabakada Ramaasnews uga soo warama magaalada Hargeysa, wuxu u dhacay sidan:

Ereyadii Md. Cabdillaahi Darawal Ee Shirka Jaraaid:

Wasiirkii hore ee caafimaadka Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa walaac ka muujiyay Gudidaas waxaanu yidhi “Runtii qolyahan saaxiibadayada ah ee kolay ay mar walba ka tahay uun inay rag uun soo saaraan, laakiin laba arrimood ayaanaan ka filayn maadaama aanu xisbiga UDUB nahay, oo aanu murashaxiinta xisbigana ka mid nahay in Madaxweyne ku xigeenka oo ah murashixii Madaxweyne ku xigeenka ahaa uu yidhaahdo haddana Guddidii qaban qaabada aniga ayaa ka madax ah oo arrintaasi oo ah mid sharci ahaan, caqli ahaan iyo damiir ahaanba aan la qaadan karayn Oo ka fog caddaalada.”

Md. Cabdilaahi Darawal oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Guddidii oo aad moodo inay xukuumadii isa soo magacowday oo iyaduna aan caddaalad ahayn, iyadoo ragga la soo magacaabay annagu aanu wada saaxiib nahay oo aanaan cuqdadba ka qabin, waanu isku kalsoon nahay haddii aanu meesha galno inaanu helo iyo inaanu weyno labadaba diyaar ayaanu u nahay.

Raggaas la soo saarayna waxba kama qabno laakiin laba arrimood ayaa runtii ah qaar aan ku jirin caddaalada iyo dimuqraadiyada middi waa taas murashaxii uu leeyahay waxaan ahay Guddoomiye oo annigaa dadka shirweynaha imanaya soo dooranaya ta labaadna waxa weeyaan xulashada xataa qaabka loo soo xulay oo sharciyada xisbiga aan waafaqsanayn.

Sharciyada xisbiga qodobka 11-aad wuxuu sheegaayaa tirada ergooyinka iyo noocyada ay ka koobnaanayaan iyo cidda awooda u leh inay goyso sida uu sheegayo qodobka 11-aad xarafkiisa (T) waxaanu odhanayaa ergooyinka shirweynaha waxaa xaddidaya tirooyinkooda Golaha dhexe, golahii dhexena imika suurtogalba ma aha.

Qaban qaabada lafteeda Xoghayaha guud ayaa iska leh Xoghayihii Guud illaahay ha u naxariistee haddii uu dhintay Ku xigeen baa jiray oo sii waddi kari lahaa, Xoghaye guud oo ku meel gaadh ah ayaa la magacaabi karaa.

Mr- Darawal wuxuu sheegay in qeybihii xisbigu ka koobnaa ee dhalinyarada, Gobolada, haweenka iyo xildhibaanadii baarlamaanka aan waxba lagaga darin Guddida qaban qaabada ee Madaxweyne Rayaale uu magacaabay, waxaanu yidhi “Waxaad moodaa in Guddidaas si gaar ah loo samaystay, bahweynta UDUB-na ha eegto oo ha la socoto caddaalada meesha taala, iyagana waxaan kula talinayaa Bahashan [Madaxtinimada] illaahii markii hore idin siiyay ayaa haya haddii uu idiin qorayna waydun heli haddii aanu idiin qorina wax kasta oo afduub ah oo aad samaysaan ha ka yaabin.

Idinkoo awoodii dalka oo dhan haysta inaad haddana tartanka diidaan oo aad is tidhaahdaan wax si gaar ah u samaysta waxaan u malaynayaa bulshaduna way arkaysaa idinkana idiinma fiicna ee xisbiga ha baabiinina oo xisbiga si fiican oo dimuqraadi ah sida uu sharcigiisu yahay ha lagu dhaqo, ayaanu codsanaynaa haddaanu murashixiintii nahay.”

Md. Cabdilaahi Xuseen, oo daba socday hadalo ka soo yeedhay wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB oo sheegay in murashixiintoodu tahay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo kliya, wuxuu yidhi “Rag badan oo waxaa jira TV-ga aan ka maqlo oo kala duwan oo aan annigu wadda garanayo oo dee dhawaan baan meesha kaga tagaye, oo intay TV-ga soo fadhiistaan yidhaahda annaga madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa noo murashixiin ah, oo cid kale oo imanaysaa ma jirto, ninkaasi nin buu taageerayaa oo uu waliba xaq darro ku taageerayaa, waayo aragnimaduna waxay inoo sheegaysaa qofka markaad xaq darro ku taageerto oo noocaas oo kale aad ku taageerto, adiguna adigoo fool xun ayuun baa maalinta dambe meel lagaa helo, markaa waxaan saaxiibaday kula talinayaa si idiin khayr roona illaahay baa og, siyaasaduna saaxiib ma leh, oo kollay annigu rag badan oo xaq sheega meesha [dawlada] kagamaan imane, waxaan leeyahay waar caddaalad darrada iska ilaaliya.”

Wasiirkii hore ee cafimaadku wuxuu taageerayaasha xisbiga UDUB, shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee dannaysa doorashooyinka Somaliland uu u soo jeediyay inay la socdaan qaabka xisbigoodu uu u qabsanayo shirweynihiisa, waxaanu yidhi “Waxaan si guud uun mar labaad bahweynta iyo taageerayaasha UDUB , shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee dannaynayaa doorashooyinka Somaliland aan ka codsanaynaa inay la socdaan qaabka xisbiga UDUB u qabsanayo shirweynihiisa.”

Ereyadii Md. Axmed Sandoon Ee Shirka Jaraaid:

Murashax Axmed Sandoon Xasan, oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Hadii aanu nahay murashixiintii dhawaan shaaca ka qaaday inay u sharaxan yihiin jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB dhexdiisa waxaanu cambaaraynaynaa talaabadii uu Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga UDUB, taasi oo uu u isticmaalay awood aanu sharci u lahayn oo sharci darro ah, waxaanu Guddoomiye uga dhigay murashixii madaxweyne ku xigeenka ee lamaanaha u ahaa, siddee ayay caddaaladu u dhacaysaa.

Ma waxaa uu isagu soo samaystay ayaanu ku daba joogaynaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka Guddidaas ku weheliya oo shaqaalihiisii ah.”

Axmed Sandoon Xasan wuxuu sheegay in guddida Madaxweynuhu u magacaabay qaban qaabada shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB ay gef ku tahay shuruucda iyo hanaanka dimuqraadiyada.

“Xubnaha xisbiga UDUB waxaan leeyahay dimuqraadiyadii gacmihina ayay ku jirtaa, ee ka talliya xisbiga aayihiisa iyo dimuqraadiyada”Ayuu intaas raaciyay Mr. Sandon.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: THE END OF UDUB

Post by LiQaaye_TDH »

The bigest problem is about to come to this political party, Riyaale just named couple of his own slaves as Guddida Qaban Qaanada Shirka UDUB To save his ass as Presidential Candidate in march, but Mujaahid Darawal(arap) and Mudane Sandoon is not having it, this Party is already split in to 3 diffrent sections and the Future looks Focked up for this Xaaran Ku Naax!!!!

Mansha alah
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: THE END OF UDUB

Post by abdikarim86 »

UDUB is a corrupt piece of shid
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Re: THE END OF UDUB

Post by Adan_1 »

Khilaafka Xisbiga UDUB Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Garab Ka Dilaacay Oo Shirweyne Kale Ku Dhawaaqay

“Hadii La Arki Jiray Nin Marka Wax Loo Diido Iska Taga Maanta Wallaahi Inaan Loo Kala Tegayn” Cabdilaahi Darawal

“Arintu Waxay Maanta Joogtaa Geesi Mil-May Iyo Doqon Malafsi Baratay”- Maxamed Xaaji Hadliye

“Maadaama xisbigii UDUB la afduubay si rasmi ah ayaanu shirweyne u qabsan doonaa” Axmed Sandoon

“Xildhibaanadayada kale waxaan leeyahay ninka qeyrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna..” Mudane Aadan Tarabi Oogle

Image
Image
Image
Image



http://www.haatuf.net/
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: THE END OF UDUB

Post by LiQaaye_TDH »

That was my prediction.. and im glad it happened, an also this is just the beginning of the war in Hargeisa...

There will be a war starting in Hargeisa, not a big one, but few people will get arrested and Hargeisa will be choas for a while... watch next
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: THE END OF UDUB

Post by The_Emperior5 »

why would there be war in hargeysa i dont get that explain some more liqaye?
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: THE END OF UDUB

Post by LiQaaye_TDH »

The_Emperior5 wrote:why would there be war in hargeysa i dont get that explain some more liqaye?
The Arap will be pissed soon, watch and they also live local in Hargeisa.. if the Habar Jeclo lived in Hargeisa we would have turned it upside down, but the arap has got the same temper and they will do what we failed to do!!!!!
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: THE END OF UDUB

Post by The_Emperior5 »

naah man driwal is arab , but he doesnt wants to get votes from arab people he is nin qarran why would arab be pissed off qabilku wa ta aynu rabno inaynu ka gudubno sxb,. besides suldaanki arabku wuu hadlay he is against driwal. driwal wa nin qarran ninka qabil haka dhigin liqaaye :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”