Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in markii soo noqodkiisa uu marayay madaarka Djibouti uu isku dayay inuu galo gudaha magaalada Djibouti, balse loo sheegay in la joojiyay fiisaynta baasaaboorka Somaliland.
"Waxaan ka dalbaday fiiso si aan u galo gudaha magaalada Djibouti, laakiin markii ay saraakiisha socdaalku arkeen baasaaboorkayga Somaliland ayay ii sheegeen in amar lagu siiyay inaan wax fiise ah lagu dhufan baasaaboorka Somaliland", Ayuu yidhi Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika.
Waxaanu intaas raaciyay, "Waxay igu yidhaahdeen markii hore waanu fiisayn jirnay, laakiin dhawaan ayaa amar lagu bixiyay in la joojiyo fiisaynta baasaaboorka Somaliland."
Markii ay saraakiisha socdaalka ee Djibouti u diideen Mudane Waqaf inay u fiiseeyaan baasaaboorka Somaliland, waxa weheliyay masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland balse isagu ku socdaalayay baasaaboorkii hore ee Somaliya kaas oo ay isaga u fiiseeyeen.
"Itoobiya waa lana soo dhawayanayay laakiin Djibouti waxaa lanoo diiday in lanoo fiiseeyo baasaaboorka Somaliland", Ayuu yidhi Waqaf.


