Allahu Akbar,it is a honour to post this beautiful news from shabelle.net:
Beelaha Habargidir iyo Mudulood oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulamo gooni gooni ah oo ay ku taageerayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Posted: 2/12/2009 3:51:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Beelaha Habargidir iyo Mudulood ayaa maanta waxaa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulamo gooni gooni ah oo ay ku taageerayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kadib Kulan Si weyn loo soo agaasimay oo maanta ay ku yeesheen Hoteelka Kaah ee magaalada Muqdisho beelaha Mudulood ayaa waxaa ay si dhameystiran ugu taageereen dowladda uu hogaamiyu madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Haween,Culumaa’diin iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Mudulood ayaa waxa ay wada muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Cusub ee Soomaaliya.
Imaam Max’uud Imaam Cumar oo ah Imaamka beelaha Hiraab oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay ku dhaqanka shareecada islaamka isagoona tilmaamay in wanaaga ay ku jirto ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sidoo kale kulanbalaaran oo isna maanta ay ku yeesheen hoteelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho beelaha Habargidir ayaa iyana waxaa ay ku taageereen dowladda cusub ee uu madaxda ka yahay sheikh Shiikh Sheekh Axmed,iyagoona sheegay xiligaani in ay haboontahay in si dhameystirin loo wada taageero dowladda cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka soo wada qeyb galeen qeybaha kala duwan ee beesha habargidir ayaa gudoomiyaha golaha Beelaha Habargidir Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) waxa uu sheegay in ay tahay waqtigaan in la taageero dowladaasi.
Kulamdaani maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah beelaha dega koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo aadayaan xili dhawaan madaxweynaha soomaaliya loo magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo horay u ahaa gudoomiyaha maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Mighty HG & Mighty Mudulood supports Sh.Sharif, abu elayLOST
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- SomaliNetizen
- Posts: 495
- Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
- Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.
Re: Mighty HG & Mighty Mudulood supports Sh.Sharif, abu elayLOST
Only Allah is mighty.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 2488 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 7 Replies
- 981 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by TarTar
-
- 5 Replies
- 478 Views
-
Last post by Abdi_westldn
-
- 4 Replies
- 595 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 5 Replies
- 858 Views
-
Last post by Alphanumeric
-
- 7 Replies
- 3243 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 47 Replies
- 4064 Views
-
Last post by abdalla11