MUXUU GOBOLKA SANAAG KA DHAXLAY MAAMULKII TEGAY EE GEN- CADE

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

MUXUU GOBOLKA SANAAG KA DHAXLAY MAAMULKII TEGAY EE GEN- CADE

Post by oldenglish »

MUXUU GOBOLKA SANAAG KA DHAXLAY MAAMULKII TEGAY EE GEN- CADE MUUSE!!! MAXAASI LOOGA FADHIYAA KAN CUSUB EE DR FAROOLE?


Maqaal:-Tan iyo wixii ka danbeeyay Aaskii Dawlad Goboleedka Puntland ee sanadkii 1998- Gobolku wuxuu ahaa mid Habsaan ah isla markaana Hoos uga dhacay Adeegyadii Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo dhamaan Agabkii Daruuriga ahaa ee Bud-dhiga u ahaa Nolosha Bulshada.


Gobolka Sanaag Hab yaraatee Lama oron karo Xukuumada Tagtay ee Cade Muuse waxa uu ka dhaxlay wax Hormar ah, oo la taaban karo, taasi oo ay Masuuliyadeeda la Hadheen kuwa Gobolka loo xil saaray inay Masuul ka noqdaan, sida Gudoomiyaha Gobolka, Gudoomiyaasha Degmooyinka, iyo Saraakiisha Amaanka oo laftigeedu ka mid ah Kuwa Lugaha Hayay Gobolku inuu gaadho Dabaqada Sare.


Markii Xukuumada Puntland la dhisay Gobolka waxa loo soo Magcaabay Taliyaal Ciidan iyo Godoomoyi Gobol kuwaasi oo shaqadoodu ahayd inay Dar-Dar galiyaan Hormarka Gobolka isla markaana ay qiimayn ku sameeyaan waxa taagan ee Markaasi Baahida loo qabo, sidoo kale shaqooyinka looga Baahnaa inay qabtaan ayaa waxa ka mid ah inay Xidhiidh Toos ah la sameeyaan Hay"addaha Caalamiga ah si ay Gobolka Xafiisyo uga Furtaan.


Waxa xusid mudan inaanay jirin Hal Iskuul Ama Goob Caafimaad ay dhistay Xukuumada PL, sidoo kale ma Jiraan iyada oo dadka Deegaanku Iskood isu xil qaamay oo dhaqaajiyay dhamaan Adeegyada looga Fadhiyo, inay ABuurato Bulsho Meel degini, sida Iskuulada, Cisbitaalada, iyo Ceelasha Laga dhaansado Biyaha.

Waxa jiray Tiro yar oo Wasiiro ah kuwaasi oo Metelayay Markaasi Gobolka Sanaag, mana aanay Jirin wax Booqasho ah oo ay Gobolka ku iman Jireen, iyaga oo Taasi la Oran karo waxay ka ahayd, Garasho, La"aan.

Ciidamada Qaranka ee Gobolka ayaa Gabi ahaanba Bur Buray kuwaasi oo aan Helin Adeeg Caafimaad, iyo dhaqaale ku Filan oo Fiican, Ciidamada ayaa ka Adkaan lahaa, inay sugaan Amaanka Gobolka si ay ugu dhiiradaan Hay"addaha Caalamiga ah hadii ay heli lahaayeen, Adeegooda oo dhamaytirin.

Hor Joogayaasha Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka oo uu ka mid Yahay Coll C/laahi Cumar Cashuur ayaa lagu eedeeyaa inay ka mid yahay kuwa Habsaamiyay inay Ciidamadu heleen Xuquuqdooda, ciidan ee ay ku Leeyihiin Maamulka ay markaasi Metelaan, Waxa jira inaanay inta badan Ciidamo si Toos ah u Helin Lacagtooda, Mushaharaadka, taasi oo ay Meelo Khaldan Marsadaan qaar ka mid ah Taliyaasha Ciidamada Taasina waxay Horseeday Kala Yaaca Ciidamada Gobolka oo midba meel Jaaha saaro.

Dhanka Masuuliyiinta Gobolka hadaan Yara eegno, Maxamuud Siciid Nuur [Dabayla Qor] ayaa Wakhtigii la dhisay Maamulka Puntland 1998- Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo Markaasi Pl ka Talin jiray u Magcaabay Gudoomoye Gobolka kaasi oo aan haba Yaraatee qaban Wixi looga Fadhiyay inay Meel Mariyaan. Waxa la oran karaa Gudoomiyaha Gobolka lama Bedelin Xukuumadii Gen- Cade Muuse 2005- taasi oo Meel marisay inuu Gudoomiye sii ahaado hadii uu dhaqaajinayo, hawlaha Gobolka ee Mashaariida.ah balse taasi ma dhicin !!! Xukuumada Cusub ee C/raxmaan Faroole ayaa looga Fadhiyaa inay Kala shaan dhayn ku samayso Maamulka Gobolka ee dhanka Puntland u Metela hadii ay ahaan lahaayeen dhanka Ciidamada iyo dhanka Maamulada Degmooyinkan kan Gobolka si looga Gudbo, kuwa Curyaamiyay inuu Gobolka Gaadho Barwaaqo.



Xukuumada Cusub ee Pl Maxaa looga Jeeda?

Xukuumada Cusub ee Puntland oo dhibada loo taagay Janaayo,08,2009- ka dib doorasho Aad u Xasaasi badan ayaan wali laga hayn wax Mashaariic ah oo ay qoondeeyeen Gobolka Sanaag kaasi oo ay inta badan sheegtaan Masuuliyiinta PL, Maamulka Puntland waxa looga Fadhiyaa inay Gobolka u soo Magcaabaan Maamulk Aqoon u leh, dhaqaajinta iyo Meel marimta Mashaariicda Gobolka, sugida Amaanka, iyo la xisaabtanka Hay"addadaha.





Sanaag ma Amaan La"aan bay Ha"adduhu uga Gaban?



Gobolka Sanaag ayaanay inta badan Hay"adduhu soo hadal qaadin marka la qaybsanayo Mashaariicda Gobolada Marka laga Reebo Hay"adda Horbn-Relife oo wax badan ka qabatay Gobolka Sanaag taasina ay Amaanteeda leeyihiin dadka Masuuliyiinta ka ah Hay"addasi.

Marka Laga Tago Horn-Relif ma jiraan Hay"addo kale oo Xafiisyo ku leh Gobolka Ama Mashaariic Loo Bogo ka Fuliyay, Waxaan oran karaa, waxa shaqadaasi la Hadhay Maamulka Gobolka oo isagu Xidhiidh la samayn kara Hay"adda ah si ay Xafiisyo uga Furtaan Gobolka, Sanaag lama Oran karo Waa Amaan daro. Waxa ka jorta Nabad Buuxda oo aad laysugu Halayn karo.






Waxaan Indiin Rajayn Hormar iyo Nabad.

Jaamac Feyte

Feyte37@hotmail.com

LaasqorayNET
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”