Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by Adan_1 »


Masuuliyiinta Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku dhawaaqay maanta ka dib marki in mudo ah jahbado budhcad weeraro dhac iyo maalba u geysteen dawlada Somaliland waxba ka qaban weyday..Feb,16,2009


Baki(saylac.com)waxa xafiiska saylac.com ee Baki soo gaadhay waraaq ay ku saxeexan yihiin Duq-yada Beesha Bariga baki.

Go.aankan oo ah mid ay in mido ah beeshu ka shireen kuna saabsan colaad is daba joog ah oo ka aloosan degaanada Bariga Baki ayaa waxay duwayda iyo waxgaradka beelaha dega Bariga degmada Baki ee Gobolka Awdal waxay soo saareen waraaqdan hoos ku qoran:


Ku: Cidwalba oo ay khusayso colaada ka taagan degaanka bariga Baki:

Ujeedo: Ku dhawaaqid dagaal horleh maanta wixi ka danbeeya

Waxaan In Mudo Ahba ku Jir nay Colaad iyo dagaal laga soo bilaabo maalintii Diiwaan galintu ka Bilaaban tay G/awdal oo ahayd Bishii 10. naaad 22 Keedii. Qiyas ahaan

madaafiicdii iyo rasaastii maalintaa lagu Bilaabay degaanka bariga baki iyo Dad ka degan ayaa ilaa hada socota.

Waxana wada dagaalkaa Nin la yidhaa maxamuud sh.maxamed raage iyo raga budh-Cada oo uu wato wax ay naga rabaana la garanayn.

Ilaa maalintaa iyo haatan Dhibaatooyin fara badan ayuu u gaystay dagaal kaasi Beeshan oo iskugu jirta dhac, dil- dhaawac leh, iyo barakac, xoolo badan oo adhi ugu badana waxa naga dhacay jabhadan sida aadka u hubaysan ee weerarka nagu soo qaaday oo ay dabada ka wadaan rag siyaasiin waaweyn oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo dano gaara dagaalka ka leh.


Dhibaatooyinka ugu weyn ee dagaalkani maalin walba lanagu hayaayi geystey waxa ka mid ah

1)Iyagoo jabhadahani gubeen Guryo aad u badan oo dad masaakiin reer Miyi ahi leeyihiin oo aan waxba kala socon sababta dagaalka loogu geysay ama loo gubay guryahoodii. Tani oo ulakac baro kicin ahi lagu hayo dadka degaanka degan.

2)Dhac Xoolo iyo maalba leh oo maalin walba degaanada Bariga Degmada Baki loo geysto tani oo dhalisay cabsi galin joogto ah oo dadka miyiga soo foodsaartey lagana cabsi qabo inay barokac ugu qaxaan magaalooyinka aad uga fog si ay naftooda ula cararaan.


3)Hubka jabhadan uu hogaaminayo qabqablaha dagaal ee magaciisa la yidhaa Maxamuud Sh.Maxamed Raage ayaa ah hubka ciidamada Dawlada somaliland lagu ogaa oo si isdaba jooga budhcadan hubaysan looga soo raro maalin walba magaalada Gabiley si dadka maatida loogu xasuuqo si ay uga cararaan degaanada ay waligood degi jireen ee Allah ku khalqay.


Degaanada ugu daran ee budhcadan argagixisada caalamiga ah ee uu hogaaminayo qabqablaha dagaal ee magaciisa layidhaahdo Maxamuud Sh.Maxamed Raage Waxa ka mid ah:


1) Isha-Cobosha oo ay gubeen ku dhawaad 30 guri dadkii lahaana aan la ogayn meel ay ku sugan yihiin:

2)Ceeriga- gacan ka Madow 12 Guri iyo Beerihii dadku qodanayeen badankooda oo ay dab qabadsiiyeen
3)Boodh ka : 3 Guri iyo xoolo badan oo ay ka dhaceen
4)Qar-dhaas Gee : 4 Guri iyo Xoolo aad u badan oo ay dhaceen
5)Seemaal : Dhaawacyo badan, 7 Guri oo ay dab qabadsiiyeen iyo dhac xoolo iskugu jira Adhi iyo Geelba
6)Kaxda : oo ay ka gubeen 1 guri iyo dhaawacyo dhawra oo ay dad haween iyo caruurba u geysteen.

Isku geyn : 27 Guri oo ay gubeen iyo 231 Neef oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lu ay dhaceen iyo Waliba 23 Beerood oo ay dab qabadsiiyeen.

Dawlada soomaaliland waan u, sheeg nay caalamka waan ogaysiinay in lanaga Qabto Qoladaa shiftada ah ee Beesha bariga Baki Dilka ka wada iyo dhaca, wax naga Qabta oo la hadla Ilaa hada maanu arag, Tol iyo dawlad wax Qabta nin kaa iyo Jabhadiisa waanu waynay, talo ayaanu galay marki dagaal ku naga joogsan wayay Suura galna noo Noqon wayday inay Fursad u helaan Shacab ka yagu Is Diiwaan galintii dalka ka socotay, Ilaa 15 cisho ee rogaal celinta Diiwaan galinta ahayd la noma Keenin Sanaaduuq si aanu Isku diiwaan galino, Dawladu waxay soo Mari wayday jabhadaa dagaal ka nagu wada, Bilowdayna maalintii Diiwaan galinta ku Beeganyd G/awdal.

Waxaan garanay ama nala gudboonaatey:


1. Sida Diinta Islaamka ahi qofwalba oo Muslim ah ay farayso ,Hadii maalkaaga, Baradaada ama gurigaaga iyo Naftaada laguugu yimaad in wax iska Celintu banaan tahay Xaq-na tahay sidaa awgeed maanta wixii ka danbeeya dagaalku dhinac kaliya ahaan maayo ee dufaac iyo weerar labada in lanaga filo ayaanu cidwalba u sheegaynaa.

2.Beeshu waxay isku raacday in dagaal toosa lala galo nin kaa fidmo wada ah iyo ciidan Kiisa, lagana hadhin ilaa Inta laga nabad helayo ama la soo Qabto ama Isga iyo Jabhada uu wataba la tir-tiro xaqna ay tahay ehel naar na uu yahay Fidmo ka dhax wada Dad ka wada dega Arlada ee walaalaha ah.

3.Waxaana dawlada iyo shacab ka soomaaliland U sheegaynaa hadaanahay Beesha Degta bariga Baki oo Cid walba leh,

In Bari soomaali ku maranto Muxuu dagaal kaasi ka Dhacay ama ku bilaabmay hadhow na Muran iyo yooyootan la galin, Cida hurisay Colaada.

waxaan U Cadaynaynaa In mudo sadex Bilood ka badan nin kaa iyo Jab-hadiisu Dilka iyo Dhaca Barakicin ta ay ka wadaan Degaanka Bariga Baki, Cid walba waanu U, sheeg nay Haday tahay Dawlada iyo dadka uu ka dhashay iyo Umada Soomaaliland ba wax naga qabta oo la hadla waanu waynay.


Anagu Nabada ayaan u taaganahay soomaalilnad ku fadhido
Cid khal khal gali sana kuma raac sanin, Fidmadana waxa haboon in la iska qabto inayna arliga wada gaadhin lakiin cid nala garatey ilaa hada maanu arag waana sababtaa tan aanu dagaal dhab ah ugu oo naf iyo maalba aanu u huri doono dhulkayga iyo maatidayadaba aanu maanta ku qaabney.


4.Ugu danbayn waxaan soomaaliland Ugu Baaqaynaa inay ninkan qabqablaha dagaal oo masuuliyiin waawyni ka danbayso ay ugu baaqaan inuu dagaalka umadda kala fadhiisto anagana nagu tageeraan sidii loo tirtiri lahaa argagixisadan bilawga ah ee xumaanta iyo dagaalka sokeeya ka dhex riday umad walaalo ah oo abid wada deganayd oo xigto iyo gacalba leh.


Beelaha wada dega baki, gabiley iyo soomaaliland waxaan ugu Baaqaynaa inay wada jir iyo nabad xasilooni kuwada noolaadaan,

Umada Islaam ka ahi kuma fikirto ama dhaqan uma laha inay umad kale oo Mus lina iska Maagto, dhiigoodana xalaalayasto iyo xoolahooda.Dhaqan soomaalina lagu ma hayo Nin iyo Ciidan uu wato oo maaga, Beela dhan oo degaano baaxadle wada degan waa Ugub, Insha- alla wanyu iska Qaban Dhawaan Shiftadaa Dila ku talo gashay.


Magacyada ku saxeexan War Qadan

waa Duqayda Degaanka Bariga Baki oo kala ah.

Garaad Axmed Aadan Xasan

Nuur Cilmi Agoon

Cilmi Ducaale aye

Muuse Cumar dhinbiil

Farxaan Cali Caalin

Siciid Aadan Arbe
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by abdikarim86 »

this muran between jibril abokor and reer nuur of samaroon has been going for too long

why is it still unsolved horta :|
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by LiQaaye_TDH »

Samaroon is pissed :lol: but jibril abokor will karbash them easily 8-)
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by abdikarim86 »

liqaaye how these people are walaalo
i am sure it'll never get that far :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by Siciid85 »

I've talked about this yesterday. The sacad Muse intentions are very clear. Within the next decade or so, they hope to annex large junks of awdal. Baki is deep in the heart of Awdal, think about that.
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Beelaha Degaanka Bari ee degmada Baki oo dagaal ku...

Post by abdikarim86 »

siciid the bit they are fighting over has always been jibriil abokor
but its in awdal so from time to time they have a little skirmish

awdal is densely populated, its not empty land like the east

the east is easy to expand into
but not the west
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”