XAFLAD KOOBAN OO KA DHACDAY XARUNTA DUGSIGA AL-FURQAAN

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

XAFLAD KOOBAN OO KA DHACDAY XARUNTA DUGSIGA AL-FURQAAN

Post by oldenglish »

Badhan :- Subaxnimadii saaka ayaa xaflad lagu qabtay xarunta dugsiga Al-Furqaan ee magaalada Badhan, waxana kasoo qayb galay ardayda marxaladaha kala duwan SARE , DHEXE iyo HOOSE iyo waalidiintooda , sidoo kalena waxa goob joog ahaa xubno ka socda jaaliyadaha dibadda.

Furitaankii xafladda lagu furay aayado Quraan ah kadib , ayaa waxa halkaas ka hadlay madaxa qaybta tar-tamada iyo waxqabadyada ardayda ( Extra Curriculum Activities ) Md. Maxamed Ismaaciil Jaamac oo sheegay in ujeedada xafladdani tahay : In ardayda loo sheego natiijada imtixaankii teeramka kowaad iyo in lasoo geba-gebeeyo qaybtii hore ee tartanka iyo kedisyada ardayda.

Waxana uu sheegay in xafladdan lagu abaalmarinayo ardayda ama kooxaha ku guuleystey tartanka kala duwan ee ardayda loo qabto maalin walba oo Khamiis ah, tartamadaas oo isugu jira kedis, doodo , khudbado, cilmi baadhis, jariidado gidaareed ( المجلة الحائطية ), cayaaro ay ka mid yihiin : booddo, orod, kubadda kolayga, kubadda volley - da , iyo kubadda cagta . Sidoo kalena wuxu ku nuux-nuuxsaday ujeedada Maamulka iyo Bareyaasha dugsigu muhimadda iyo kharajka badan ugu bixiyaan joogtaynta , horumarinta iyo dhiirrigelinta barnaamijyada kala duwan ee ardayda loo qabto . Taasoo uu ku tilmaamay iney tahay sidii ardayda loo hormarin lahaa dhinacyo kala duwan.

Waxa isaguna xafladdan ka hadlay Maamulaha dugsigaas Md. C/casiis Axmed Saalax oo ka warbixiyey natiijooyinkii imtixaanka iyo heerka ardayda , waxana uu sheegay in natiijadii imtixaanka 47% ay ardayda ahaayeen kaalinta " A " , 50% -na " B " , halka 3%-na aaney keenin natiijadii laga rabey. Waxana uu ardayda ku ammaanay sidii ay ilaaliyeen xeerarka imtixaanka oo ay isaga ilaaliyeen wax mukhaalafo ah.

Maamuluhu wuxu kulankaas uga faa'iideystey inuu tilmaamo doorka bulshada ka shaqaysa Nadaafadda magaalada Badhan , oo ammaan usoo jeediyey kaalintooda iyo hay'adda Honr Relief oo arintaas maamushaba.

kelmeddii waalidiinta ayaa lagu soo dhoweeyey Shiikh Ciise Muuse Aadan oo waano iyo baraarujin dheer usoo jeediyey waalidiinta iyo ardaydaba. Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Md. Jaamac Daahir Qodax oo ka socdey hay'adda Horn Relief oo farriintiisa ku aaddan nadaafadda iyo sidii loo ilaalin lahaa faah-faahiyey, wuxuna intaas ku daray inuu bulshada ku boorriyey in la is garab taago dhallinyarada ku hawllan waxbarashada xilligan dawlad la'aanta.

http://www.laasqoray.net/view_article.p ... cleid=4851
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”