

Raysul Wasaare Sharmaarke oo gaaray Muqdisho kuna baaqay Nabad iyo Wadahadal
Thursday, February 26th, 2009 at 7:20 pm
Cabdalle Muumin
HR Media News Desk
Raysul Wasaarahga DKMG ee Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray Muqdisho.
Raysul wasaaraha waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku wehlinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ee dhowaan uu magacaabay kuwaasi oo intooda badan ka mid ah wafdigiisa.
Wafdiga Raysul wasaaraha DKMG oo ah mid aad u balaaran ayaa ka yimid dhinaca dalka Djibouti oo xukuumada KMG ee cusub fadhi u ahayd tan iyo intii la doortey madaxweynaha KMG Shariif Sheekh Axmed oo isaga laftiisa hadda ku sugan Muqdisho.
Dr.Cumar Cabdirashiid oo kula hadlay Airporka Saxaafadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu magaalada Muqdisho yimaado 19 sano kadib, asagoo ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in la joojiyo dhiiga daadanaya.
Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa ku baaqay in xabada ka dhaceysa magaalada Muqdisho aysan cidina dani ugu jirin, isla markaana loo baahan yahay in fursad lasiiyo nabada la doonayo in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo.
“….Waxaanu dooneynaa in karaamadii iyo sharaftii dalka aan dib usoo celino….waxaanu dooneynaa 2da sano ee nala siiyey in dalka uu noqdo mid xasiloon…” ayuu yiri Raysul Wasaare Dr.Sharmaarke.
Wuxuu sidoo kale sheegay Raysul Wasaaraha inay la hadli doonaan kooxaha kasoo horjeeda, isla markaana ay doonayaan in xal walba oo la keenayo uu noqon doono mid ay dadka iska dhex arkaan.
“…dalka 18 sano ka badan baa dagaal lagu jiraa caruurtii iyo haweenkii baa ku baaba’ay,….wax kasoo baxayna maleh….waa inaan isku tashanaa oo aan ka midowno kala qeybsanaanta….” ayuu yiri Raysul Wasaaraha oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay dowlada la shaqeeyaan isla markaana nabada ay qaataan, asagoo ka digay in dad shisheeye ay kala fogeeyaan ummada Soomaaliyeed.
Ummada Soomaaliyeed waa inay is cafisaa, maanta qof walba oo Soomaali ah dagaalka qof baa uga dhintay, Aanba aniga ugu horeeyo waxaana loo baahan yahay in la iscafiyo oo laga gudbo marxaladan, ayuu yiri Raysul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Waa markii ugu horeysey oo Raysul wasaare Dr.Cumar C/rashiid Cali uu tago Muqdisho tan iyo intii isaga loo magacaabay Raysul wasaaraha KMG ee Soomaaliya 13-kii bishan.
Waxaana tegitaanka wafdiga Raysul wasaaraha ee Muqdisho ay qeyb ka tahay qorshe dowlada ku dooneyso inay dib ugu guurto magaalada Muqdisho ee caasimada.
Waxayse ku soo beegmeysaa iyadoo labo maalin ka hor ay magalada ka dheceen dagaalo kulul oo dhex marey ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo ay ka soo horjeedaan xoogaga Xisbul islaam, dagaaladaasi oo dad rayid ah ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.
Source: Horseed Media