hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
Dr. Sheekh Axmed Dahir Aweys oo ka mid ah Hey'adda Culimada Soomaaliyed isla markaana ay walaalo yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya mid ka mid ah garabyada Islaamiyiinta ayaa ku baaqay in laga hortago kuwa ka mas'uulka ka ah dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, xilli shalay isna Xasan Dahir uu ku baaqay in dagaalada la sii wado, waxaana labadan nin ee walaalaha ay si weyn ugu aragti duwan yihiin xalka nabada Soomaaliya
Isagoo ka hadlayay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayuu Dr Axmed sheegay inay marka hore ay haboon tahay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaataan xakameynta dagaalada ka sii socda Muqdisho, isagoon soo jeediyay in daba gal lagu sameeyo dadkii mas'uulka ka ahaa dagaalada.
Dr. Axmed Dahir Aweys ayaa ugu baaqay waalidiinta soomaaliyed inay caruurtooda ka qabtaan dagaalada, hadii ay ka diidaana ay xir xiraan, waxaana uu sheegay in caruurta aanay qaadi karin Mas'uuliyada dagaal ee lagu fidneynayo sida uu hadalka u dhigay.
"Bal wixii shalay dhacay oo intaasi hanti ay ku baaba’day oo naf ay ku baaba’day oo carruur ay ku agoontoobeen oo dad ay ku gablameen bal waxaasi sababta iyo diinta iyo sharafta lagu xalaashaday oo danbigaas lagu galay bal maxay tahay.caqligeed ku dhacday sideese ku timid in hal maalin wax ka badan 30 qof oo rayid ah la dilo kuwa kalena la dhaawaco oo qof uu iska sheegto oo uu la gaaro dadkaas anaa laayay oo sababtaasi Mas’uul ka ahaa hadana wax xisaabtan iyo su’aal ah oo ka dambeeya aan la arag"Ayuu Dr. Axmed Dahir Aweys.
Waxaa uu kaloo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay ka hortagaan kuwa hoobiyaha guryahooda hortooda ka tuuraya, waxaana uu sheegay in kuwa falalkaas ka dambeya ay wanaagsan tahay in shareecada islaamka la horkeeno kuwa ka dambeeyay mas'uuliyada dagaalka.
"Dadka xaafadaha ka ridaya Madaafiicda culumadu way daraasaynaysaa arrinkaas aniga waxaan qabaa in dadku iska celiyaan oo ay ehbiyaan hadii ay diidaana ay xoog isaga celiyaan marka dambe xaqna wuu u leeyahay qofka islaamka, sidaas ragga dagaalada wada hada ha la iska ehbiyo xaafadaha ha laga waardiyaysto ilmaha ku jiraa nin walba cunugiisa ha qabto haduu qowl ku qaban karo haduu ficil ku qaban karo"ayuu yiri Dr. Axmed Dahir Aweys
"Dalkan Culumo ayuu la leeyahay aqoonyahanaa jira, garyaqaanaa jira waxaa weeye hada kadib waxyaalaha dadkaasi dhimanaya in la soo arruuriyo ayaa la rabaa dadkii Mas’uulka ka ahaana waa in la daba kacaa ama ka towbad keenaa ama illaahay ka baqa oo qiyaas u soo xira ama diyadii dadka bixiya, aniga waxaan qabaa dadkii shalay dagaalkaasi bilaabay waaba uu sheegay magaciisa isaga ha laga bilaabo intii kalana baacsi ha lagu sameeyo ha la qoro dadkii la laayay ha la soo tiro koobo iyo hantidii baaba’day mushtamacu ha maxkamadeyo culumada iyo dadka aqoonta leh" ayuu mar kale yiri Dr Sheekh Axmed Dahir Aways.
"Waxaan qabaa falka oo dhan waxaa haboon in dadka ay carruurtooda qab qabtaan oo xiraan oo ay ka joojiyaan dagaalada maadama carruurta yar yar aysan qaadi karin Mas’uuliyada dagaal ee lagu fidnaynayo boqolaalka Muslimiinta ah.ayuu yiri Shiikh Axmed Daahir Aways.
Dr. Axmed Dahir Aweys oo ay walaalo yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira liiska waxa loogu yeero Argagixisada ayaa ah haatan qaba labo mabda' oo kala duwan, iyadoona Sheekh Xasan Dahir Aweys shalay uu ku baaqay in dagaalada la sii wado, halka walaalkiina uu ku baaqayo in la soo qabto kuwa dagaalada wada oo la iska celiyo.
Kala duwanaanshaha labadan nin ee walaalaha ayaa ah mid kaaf iyo kala dheeri ah, waxaana midna uu yahay inuu dagaal ku baaqayo, halka midka kalena uu wax bad baadinayo, kuna baaqayo in la joojiyo dagaalada oo la soo qabto kuwa dagaalada ka mas'uulka ah, tani waxay u ektahay sheekadii Siyaasadu ma lahan saaxiib joogto ah, aan dhinac kale u rogoo waa Siyaasada ma lahan walaalnimo
Labadan nin ee walaalaha ayaa mudadii lixda bilood ee Maxkamadihii hormuudka ka ahaa Xasan Dahir isku mabda' ahaa, xilligaasoo Dr. Axmed Dahir Aweys oo ka yimid cariga Ingiriiska uu socdaal booqasho ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1917
- Joined: Thu Aug 28, 2008 5:50 pm
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
Ahmed Dhair awey's is a good man whilst i no longer trust power hungry awey's
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
I changed my support from Xasan Daahir Aweys to Axmed Daahir Aweys. Nevertless,i will pray that Allah swt will open the eyes of Xasan Daahir Aweys!
- Twisted_Logic
- SomaliNet Super
- Posts: 12897
- Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
- Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
It will be disgraceful to his name, after working tirelessly for many years for justice in Somalia, if Sh Hassan Dahir Aweys spends his last days being an obstacle to peace 

- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
I don't know about ahmed dahir aweys (living in the West might have made him a "moderate Islamist"), but I still respect hassan dahir aweys.
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
They shouldnt let their brotherly rivalry overtake thier political thinking.
- DR-YALAXOOW
- SomaliNet Super
- Posts: 13991
- Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
SHEEKH AXMED DAHIR AWEYS XAQIIQDII WAA NIN DIINTA WAX KA YAQAANA.WAA NIN DAMIIIR LEH AAD U WANAAGSAN LAAKIIN HES BROTHER XASAN DAHIR AWEYS
plz people. do not call Xasan daahir aweys. as A SHEIKH!
MOORYAAAN xasan daahir aweys is nothing but WARLORD+child killer. mooryaan xasan daahir aweeys unlike hes brother sheekh axmed daahir aweys . maaha XASAN MOORYAAN nin diinta wax ka yaqaaan.
XASAN AWEYS WAA JAAJUUS U SHAQEEYA gaaalka weeyn ee kiristaanka ah AFAWERGE.

plz people. do not call Xasan daahir aweys. as A SHEIKH!
MOORYAAAN xasan daahir aweys is nothing but WARLORD+child killer. mooryaan xasan daahir aweeys unlike hes brother sheekh axmed daahir aweys . maaha XASAN MOORYAAN nin diinta wax ka yaqaaan.
XASAN AWEYS WAA JAAJUUS U SHAQEEYA gaaalka weeyn ee kiristaanka ah AFAWERGE.

Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
The younger brother should respect his older one.abakar20 wrote:They shouldnt let their brotherly rivalry overtake thier political thinking.
- American-Suufi
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4851
- Joined: Sun Feb 03, 2008 5:48 pm
Re: hassan dahir aweys vs ahmed dahir aweys
where does hassan aweys live? under afewerke in eritrea who hates islam and all religions in equall passion? using him only as a proxy war with ethiopia?Abmn wrote:I don't know about ahmed dahir aweys (living in the West might have made him a "moderate Islamist"), but I still respect hassan dahir aweys.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 999 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 788 Views
-
Last post by Homer Simpso
-
- 10 Replies
- 1052 Views
-
Last post by DarthSomali
-
- 37 Replies
- 31061 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 4 Replies
- 2653 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 17 Replies
- 1707 Views
-
Last post by Strategic
-
- 8 Replies
- 806 Views
-
Last post by The_Don_of_djibouti
-
- 4 Replies
- 2017 Views
-
Last post by GIJaamac
-
- 11 Replies
- 982 Views
-
Last post by Voltage
-
- 0 Replies
- 947 Views
-
Last post by afisoone