WASIIR CAWIL OO MIISAANIYADII LAGA SUGAAYEY MAANTA HOR KEENAY G/WAKIILADA S/L
Hargaysa 1 Mar 2009 (THN)
Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka fadhigoodii kaga dhagaystay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Cawil Cali Ducaale Miisaaniyadda oo uu horkeenay maanta, Wasiirku ugu horayn waxa uu xog warankiisaa kaga waramay sida caalamka dhaqaalaha Burburku ugu dhacay caymiskina kor u kacay waxaanu xusay in duruufahaas awgood ay dib u dhacday miisaniyadu
Kadib hor imaatinkan maanta ee golaha wakiilada Somaliland uu hor yimid wasiirku oo uu keenayna miisaniyadii laga sugaayey wasiirka maaliyada Somaliland Mudane Xussen Cali Ducale (Cawil) ayaa dhamayd 265 Bilyan,190,104,733 S/L Sh, (Laba Boqol Iyo Konton Bilyan ,Boqol iyo sagaashan Milyan boqol iyo afar kun Todoba Boqol iyo sadex iyo Sodon Shilin) taas oo wasiirku uu sheegay in miisanayadan ay ka soo qateen tii 2007 taas oo ay ku jirto lacago dheeri ah oo loogu tala galay shaqalaha dawlada oo kordhay , ciidamada,kor u kaca raashinka, kharashka doorashooyinka .
Wasiir Cawil waxa uu sheegay Miisaaniyadani inay ku salaysan tahay Dakhli iyo Kharash, waxa aanu sheegay inay isku dayeen in aan dakhliga dalka soo galaa aanay waxba dhaafin balse cabashooyin badani ka timid Hay’adaha dakhli soo saarka, markii ay faro galin toos ah ku sameeyeen alaabaha la cashuuro, dhibta ugu wayn ee dakhliga kala kulantaana ay tahay marka laba shilin soo galaanba inay Hay’adaha kala duwan ee Qaranku u baahdaan Saddex Shillin oo ka Saa’id ah dakhliga.
Wasiir Cawil waxa uu sheegay Sababta ay ugu saleeyeen Miisaniyada 2009 ka tii 2007 da inay tahay hoos u dhac ku yimid, dakhliga dalka taasoo ay saameyni weyni kaga timid Burburka dhaqaalaha caalamka iyo Caymiska kor u kacay.
Wasiir Cawil waxa miisaniyada 2009 ku sheegay inay filayaan inay sidooda u soo baxdo isagoo faah faahin ka bixiyay ilaha Dakhliga soo sara ee ay ku salaysan tahay miisaaniyadu, waxaanu tilmaamay meelaha ay ka rajaynayaan oo u dhigan sidan.
215 bilyan dakhliga laga filaayo kastamka , 83 %.
21 Bilyan Cashuuraha Beriga 8.06 %
323 Milyan boosaha iyo Isgaadhsiinta 0.12%
199 Malyuun Horumarinta Reer Miyiga 0.08%
406 Malyuun Kaluumaysiga 001.5%
209 Malyuun Maxakamadaha 0.08%
23 Malyuun Wasaarada Macdanta iyo Biyaha 0.01%
2 Bilyan Dekeda 0.75%
5 Bilyan D/Hoose 1.89%
20.Bilyan Deeq iyo Dayn 7.5%
Totalka Miisaniyada : 256 Bilyan 190,104,732
Finance Minister presents Budget '09
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 614 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 567 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 1349 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 1226 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 14 Replies
- 1963 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 911 Views
-
Last post by guutale
-
- 3 Replies
- 632 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 4 Replies
- 812 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by newsbot