Sheekooyinkii Cigaal Shidaad!!

Luqada Soomaaliga

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5122
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Sheekooyinkii Cigaal Shidaad!!

Post by IRONm@N »

Cigaal Shidaad oo qurigiisa iska jooga iskana bashaalaya shaahna iska cabaya Waxaa hortiisa ku ciyaarayay wiil yar 2 sano jir ah oo uu dhalay. Wiilkii baa farxad daradeed kusoo cararay aabihiis. Cigaal markuu arkay wiilkii oo soo guurguuranaya intuu qeyliyay xaaskiisana ku yiri naa ragga la iskuma sii daayee wiilka iga ninka iga qabo!

Goor lagu jiro xaalad colaad ayaa cigaal loo sheegay in niman doonayaan. Markaasuu intuu gurigii yimid xaaskiisii waydiiyey in wax rag ah raadinaayeen. Xaaskiisii waxay tiri nimanbaa kuu yimid oo aanan garaneynin. Markiiba cabsi iyo shaki ayaa ku biloowday cigaal. Wuxuu xaaskiisii ku yidhi buste i saar dushana caano dhanaan kaga shub si duqsigu uu ugu bato, oo haday ragii soo laabtaan oo ikaa waydiiyaan waxaad ku tiraahdaa waa dhintay. Qadaryar dabadeed ayaa niman yimaadeen, waxay waydiiyeen xaaskii in cigaal joogo, waxay tiri cigaal waa dhintey, waxay yiraahdeen goorma ayuu dhintey cigaal, kadibna way yara aamustay, (ileen cigaal waqtigaa ku dheh muu ku orane) inteysan u jawaabinba cigaal ayaa soo booday oo yiri "naa shalay dheh, shalaan dhintey dheh"
User avatar
Kramer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4342
Joined: Sun Apr 03, 2005 12:45 pm
Location: At Cawar's house, watching TV while Ina Baxar is practicing nursing on Cawar!
Contact:

Re: Sheekooyinkii Cigaal Shidaad!!

Post by Kramer »

good stories!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Somali Language”