Beesha Sade meeting in Nairobi.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by Voltage »

Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada dhalinyarad beesha sade oo ka dhacday magaalada nairobi ee dalka kenya

Munaasabadaani oo aheyd mid ay ku dhamaayeen dhamaan lafaha ay ka kooban tahay beesha Sade ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen jaaliyada dhilinyarada beesha Sade ee iyagu ku ah qurba joog wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Kulankaan oo ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay beesha Sade islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen madax ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada midnimada Qaran ee Soomaliya ayaa ugu horeyn waxaa kulankaas ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada dhalinyarad beesha Sade Jamaal Deroow Xuseen oo isagu sheegay in ka dhalinyaro ahaan ujeedada ay u sameeyen Ururkaan ay tahay kala war haynta ka beel ahaan iyo sida wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ku haysta dalka Soomaliya dadka u dhashay beesha Sade, waxaa uuna sheegay in dhalinyarad beesha Sade ay baahi u qabto isku duubnaan iyo isku keenid odayaasha madaxda u dhashay beesha Sade.

Sidoo kale, ayaa waxaa hadalka qaatay Afhayeenka jaaliyada dhalinayara beesha Garcade Maxamed Muuse oo isagu sheegay in nabada ay keeni karaan dhalinyarada, sidoo kalena ay yihiin laf dhabarka bulshada, taasoo uu sheegay haddii ay dhalinyaradu midowdo in ay soo calin karaan sharftii ay lahaan jirtay umuda Somaliyeed.

Kulankaan oo ahaa mid waxyaabo badan ay ku lafa gureen beesha Sade iyo dhamaan dhalinyaradii soo qaban qaabisay ayaa waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay wiilkii uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maslax Maxamed Siyaad Bare, waxaanu aad ugu farxay sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyen beesha uu ka dhasahay, waxa uuna uu mahad celiyay dhalinyaradii abaabushay shirka maanta la isugu keenay dhamaan lafaha ay ka kooban tahay beesha Sade.

Shirka ay isuku yimaadeen dhamaan beesha Sade qaybaha ku sugnaa dalka Kenya, gaar ahaan magalada Nairobi ayaa waxaa ku sugnaa madax ka tirsan dowlada midnimada qaran ee iminka ka jirta Somaliya, waxaana halkaas qodabo kala duwan ka jeediyaya ilaa 6 xildhibaan oo iyagu ku sugan magaalada Nairobi, waxaana ku hadlay magaca dowlada xildhibaano kala ah Xasan Gurey Warsame, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, Xildhibaan Aadan Buule iyo Xildhibaan Xasan Deeyr.

Sidoo kale, waxaa qudbad dhiiri galin ah oo canaan ah ka jeedisay madasha shirka gudoomiyaha ururka haweenka Jubboyinka Xaawo Ugaas Faarax.

Shirka maanta oo ahaa mid lagu wada dhamaa ayaan waxaa xaalad cafimaad awgeed uga maqnaa, islamarnaa hanbalyo iyo tageero soo jeediyayay gudoomiyaha gobalka Gedo Xuseen Sh. Cabdi (Xuseen farey.)

Isku soo wada duuboo, munaasabadii maanta oo ay ka hadleen dhamaan dakii isugu yimid oo ay ka mid yihiin odayaasha beesha Sade ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo ay ka muuqatay dhamaan dadkii ka soo qayb galaya faraxad aad u wayn.

Afhayeenka ururka dhalinyarada oo shirka ka hadlaya. Maslax Maxamed Siyaad oo shirka ka hadlaya.



Wariye Riyaan Tuutow Aadan
Nairobi, Kenya.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by Voltage »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image


Image
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by snoop12 »

i fully support this Youth movement :up: 8-) if there was just a way i could contribute to their "Halgam"

Image

:shock: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
BaasAbuur
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2868
Joined: Mon Dec 09, 2002 7:00 pm
Location: Appealing for the release of Volkert van der Graaf.

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by BaasAbuur »

Is that Xaawo Ugaas? It is good to see Beesha meeting t discuss the issues facing them. Laakin I would have preferred them to do it in Beled Xawo or Garbaharey.
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by Murax »

BaasAbuur wrote:Is that Xaawo Ugaas? It is good to see Beesha meeting t discuss the issues facing them. Laakin I would have preferred them to do it in Beled Xawo or Garbaharey.

Wax dhalka dhibidiis lugu qabto kheyr maleh


They'll meet and forget about it once they leave.

If they were serious they'd meet inside Gedo, see the realities on the ground, the needs of the people, what needs to change etc. and that would make them more motivated to do something, instead of meeting in a Nairobi Hotel.
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by Somaliman50 »

Horta why don't you guys call yourselfs Marehan? Isn't Sade just the broader name?
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by Babygirl- »

Alot of people live outside Somalia, so going to them and asking for their help & support is a good idea..
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Beesha Sade meeting in Nairobi.

Post by CoolPoisons »

abakar20 wrote:Horta why don't you guys call yourselfs Marehan? Isn't Sade just the broader name?
^^ why do Abgal call themself Mudulod?

unity :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”