.Muqdisho,28-March-2009:-Kadib qarixii lala beegsaday wasiirka arimaha gudaha Somaliya Sh. C/qadir Cali Cumar ayaa waxa laga dareemayaa Muqdisho isbadal wayn oo ku yimid madaxdii ururka Al-Shabaab oo lagu arki jiray masaajidada Muqdisho, hadana la waayay meel ay ka baxeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Shalay oo Jimce ahayd ayaa laga tabay masaajidada Bakaaraha qaarkood madaxda Al-Shabaab oo aan kusoo tukan salaadii Jimcaha sidii horay looga bartay.
Fu'aad Shongolo oo kitaab ka aqrin jiray masaajidka suuqa Cabdala Shideeya ayaa joojiyay kitaabkaas, waxana dhalinyaradii dhagaysan jirtay loo sheegay in la hakiyay aqrinta kitaabkaas, mana lagaranayo halka uu aaday. Sidoo kale afhayeenka Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaan la arag labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxa ururka Al-Shabaab Axmed Aw-Cabdi Godane oo ku jila Sh. Mukhtaar Abuu-Zebayr ayaa isna lasoo sheegaya inuu ka baxay Muqdisho. Ragga sarsare oo ka tirsanaa ururkaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka baxay Muqdisho ayaa tiradooda lagu qiyaasayaa tobaneeyo, waxana la filayaa inay kala aadeen Baydhabo iyo Kismaayo.
Lama oga talaabada ay dowladdu ka qaadi doonto cidda ay ku cadaato inay ka dambeeyeen isku dayga dilka Sh. C/qaadi Cali Cumar, waxayse u muuqataa inay dhamaatay rajadii laga qabay in wada hadal lagu xaliyo qilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ay hormuudka ka yimiin Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hada u kala jabay laba garab.
http://wadanka.com/General/1556.html