Maleeshiyaadka Barre Hiiraale oo beeniyay in askar kaso goosatay ay isku soo dhiibeen xoogaga Islaamiga ah ee Gedo.
Soomaalinews.com 01 Apr 09, 07:35
Afhayeen u hadlay maleeshiyada uu hogaaminayo Barre Aadan Shire Hiiraale ee ku sugan Doolow Itoobiya ayaa beeniyay warar shalay soo baxay oo sheegayay in ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa Ciidanka Barre Hiiraale ay isku soo dhiibeen xoogaga Xisbul Islaam ee ku sugan magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Barre Cali Barre ayaa sheegay in ay wararkaasi waxkama jiraan yihiin isla markaana aysan jirin wax ciidamo ah oo dhankoda kasoo baxsaday kuna biiray xoogaga ay dagaalka kula jiraan.
Balse afhayeenku waxaa uu qiray in ay jiraan gaadiid la waayay oo ahaa kuwa xamuulka isla markaana ay lahaayeen Maleeshiyadooda balse aysan jirin wax ciidamo ah oo kasoo baxsaday sida uu sheegay.
Shalay ayay aheyd marki Ururka Xisbul Islaam ay baahiyeen warar ku aadan in ay maleeshiyaad kor u dhaafaya 100 askari oo kamid ahaa kuwii Barre Hiiraale ay kasoo tageen ayna isku soo dhiibeen xoogaga Islaamiga ah.
http://www.soomaalinews.com/view_conten ... leid=12416
Bare Ali Bare said the 100 deserted's FALSE
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Bare Ali Bare said the 100 deserted's FALSE
Bare Ali Bare Talhe
not like the coward Abas Gurey

- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Bare Ali Bare said the 100 deserted's FALSE
Sarkaal ka tirsan maamulkii DF ee G/Gedo oo beeniyey in ciidamo iyaga ka goostay ay galeen degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin xisbul Islaam
Guddoomiye ku-xigeenkii maamulkii DF ee gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan degmada Doolow ee isla gobolka Gedo ayaa beeniyey warar shalay ka soo baxay saraakiisha xoogaga xisbul islaam ee ku sugan degmada Luuq oo sheegayey in ciidamo ka soo baxsaday degmada Doolow oo ka tirsanaa DF oo wata lago gaari ay dhinacooda u soo baxsadeen soona gaareen degmada Luuq.
Mr. Kaliil ayaa warkaasi ku tilmaamay mid la been abuuray oo la marin habaabiyey wuxuuna intaa ku daray in eysan wax ciidamo ah oo dhankooda ka tegay oo gaaray degmada Luuq, ciidamadoodana ay yihin kuwo u tira kooban oo aaney jirin cid ka maqan, wuxuuna sheegay in ay jiraan labo gaari oo candho meylayaal ah oo shalay ka soo tegay degmada Doolow kuwaasoo uu sheegay iney la socdeen qoysas ka soo jeeda deegaanada Puntland oo ka soo baxay magaalada baydhabo xiligii ay la wareegayeen Al Shabaab, isagoo xusay in qoysaskaasi av ku sii jeedeen deegaanada Puntland oo ay markii hoereba ka yimaadeen.
“Hadii ay run sheegayaan oo ay u soo baxsadeen ciidamo anaga naga goostay cadeyn ha keeneen, hana u soo bandhgeen saxaafada muuqaalkooda, ama haddii ha sheegeen saraakiisha hogaamineysay ciidamadaas magacyadooda, waana been ma kari karaan, waxaana nasiib daro ah in niman wadaado sheeganaya oo leh diin baan wadnaa iney been intaa le’eg umadda u sheegaan” ayuu yiri Maxamed Cabdi kaliil, Gudoomiye ku-xigeenka maamulka Df ee gobolka Gedo oo ku sugan degmada Doolow.
Sarkaal shalay u hadlay xoogaga Xisbul islaam ee degmada Luuq oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Indhabuur ayaa sheegay In illaa 100 nin oo iskugu jira ciidamadii DF ee maamulada Bay iyo Bakool iyo maleeshiyadii Col. Barre Hiiraale ee ku wada sugnaa degmada Doolow ee ku taala xadka gobolka Gedo uu la wadaago Ismaamulka Somalida ee dalka Itoobiya ay soo goosteen kuna soo biireen xoogaga Xisbul islaam ee ku sugan degmada Luuq ee isla giobolka Gedo.
http://dayniile.com/April2009/1April3.htm

-
- SomaliNet Super
- Posts: 14602
- Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
- Location: Praying for peace in the south.
Re: Bare Ali Bare said the 100 deserted's FALSE
Those guys were Cidiyo madoow (Reer Biciidyahan) gawaaridana isla Majerten kale oo Doloow qaxooti ku ah oo TPLF ka sugaaya ineey Ethiopia dhexdeeda ku dhex galbiyaan oo halkaas Puntland ka galaan beey kasoo dhaceen and.
Labada gaari gaariyaahsa xamuulka ah oo UD la yiraahdo beey ahaayeen.

- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Bare Ali Bare said the 100 deserted's FALSE
Wadaadada Politics bay wax ka barteen. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1101 Views
-
Last post by Nabeela
-
- 4 Replies
- 292 Views
-
Last post by GANG Green
-
- 11 Replies
- 548 Views
-
Last post by BARIIS&BASTOO_BOY
-
- 3 Replies
- 402 Views
-
Last post by SLIM-THUG
-
- 1 Replies
- 234 Views
-
Last post by Candy_Triggers
-
- 4 Replies
- 320 Views
-
Last post by STREET_SWEEPERR
-
- 9 Replies
- 549 Views
-
Last post by Archerr
-
- 14 Replies
- 836 Views
-
Last post by xamari_gash