Silaanyo meets with Pres. Riyaale Kahin.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Silaanyo meets with Pres. Riyaale Kahin.

Post by Somalistan »

SL: Riyale & Silanyo oo kulmay
25 Apr 25, 2009 - 12:15:33 PM




Guddiga xal u helida Khilaafaadka siyaasiga ah ee Ilaalinta iyo Anshaxa Doorashooyinka Somaliland ayaa galabta war murtiyeed kooban ka soo saaray kulankii u horeeyay ee ay maanta isku soo hor fadhiisiyeen Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, Md Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddigu waxay war saxaafadeedkaasi ay ku sheegeen in Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye ee axsaabta mucaaridka ahi ay kulankaasi oo ku qabsoomay Madaxtooyada Somaliland ay isku raaceen in xal loo heli is mari waaga ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada.

Qoraalka Guddida oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay waxa uu u qornaa sidan:

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.

Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo ku mandaqadda, waxay kulankaa isku waydaarsadeed fikradahooda iyo aaraahdooda.

Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan."

RADIO GAROWE
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Silaanyo meets with Pres. Riyaale Kahin.

Post by Somalistan »

(Bidix: Axmed Siilaanyo: Dhexda Madaxweyne Rayaale Midig: Faysal Cali Waraabe)

hadhwanaag 2009-04-25 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee Magaaladda Hargeysa,ka dib markii ay Arbacadii la soo dhaafay Guddiga dhexdhexaadineed oo dhawaanahanba ku dhexjirtay sidii ay xal ugu heli lahaayeen khilaafaadka siyaasadeed ee dhinacyadaasi u dhexeeya, kuwaasoo kalsooni buuxda ka helay dhinacyada siyaasadda isku haya.

Guddoomiyayaasha Mucaaridka ayaa ka dib markii ay maanta ka soo baxeen kulankoodan ugu horeeyay ee Xukuumadda dhexmaray waxyaabihii lagaga wadahadlay ay Saxaafaddu wax ka waydiisay ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan qodobadii laga wadahadlay. Iyaga oo xusay in ay xaqdhawrayaan codsi ay Guddiga dhexdhexaadintu ka codsatay in ay joojiyaan inta wadahadaladu socdaan hadalada warbaahinta u gudba. Hase ahaatee, Guddiga dhexdhexaadinta oo ah Guddiga dhawridda Ansha doorashooyinka oo todobaaddo ka hor iskood isu xilqaamay, ayaa kulankaa ka dib waxay soo saareen Warsaxaafadeed ay si kooban ugaga hadleen kulankaas maanta dhexmaray Rayaale iyo Guddoomiyayaasha Mucaaridka.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sedan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Mudane Faysal Cali-waraabe, kulankii ugu horreeyey ee maanta kula yeesheen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ee EMB, waxay isku raaceen in xal loo helo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan.
Madaxweynaha iyo labada guddoomiye iyagoo ka hadlay duruufaha dalka ka taagan iyo kuwo ku mandaqadda, waxay kulankaa isku waydaarsadeed fikradahooda iyo aaraahdooda.

Madaxweyanaha iyo labada guddoomiye waxa ay kulankaas ku cusboonaysiiyeen, awood buuxdana ku siiyeen guddida dhexdhaadinta inuu soo darso fikradaha ay soo jeediyeen go’aanana ka soo gaadhaan.”

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”