New Tower Hamlets Mayor

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

New Tower Hamlets Mayor

Post by Gaashaanle_87 »

Image

London, May 1, 2009 (Haatuf) – Ninka magaciisa la yidhaahdo Axmed X. Aadan Cumar (Sangore) oo ay dhalashadiisu tahay reer Somaliland ayaa maalinimadii Isniintii ee toddobaadkan loo doortay Maayarka xaafadda bariga London (East London), waxayna taasi noqotay derejadii ama xilkii ugu sareeyey ee uu taariikhda qof reer Somaliland ah ama Soomaaliba ahi ka qabto dalka Ingiriiska.Axmed X. Aadan, waxa uu ka tirsan xisbiga Shaqaalaha (Labour part) ee dalka Ingiriiska oo ah xisbiga talada haya, wuxuuna Axmed xilka la wareegayaa 20-ka bisha May ee foodda inagu soo haysa, isagoo xilka kala wareegaya nin ay dhalashadiisu tahay Bangaladesh, waxayna sheekada xiisaha lihi noqotay inuu Axmed ka guulaystay nin golaha lagu tartamay ku leh 23 xildhibaan oo ay dhalasho ahaan isku qolo yihiin, halka aanu Axmed keligii ahaa. Hase yeeshee Axmed wuxuu arintaa iyo arimo kale oo xiisa leh-ba kaga waramay waraysi aanu khadka telefoonka kula yeelanay gelinkii dambe ee shalay, isaga oo ku sugan xaafadda uu Mayarka ka noqday ee bariga London. waraysigaasina wuxuu u dhacay siddan:

S: Waxaanu maqallay inaad Maayar ka noqotay bariga London (East London), taasi ma jirtaa?

J: Haa, taasi waa run.

S: Goorma ayaa laguu doortay xilkaa?

J: Xilkaa waxa lay doortay bishan aynu jirno ee Abril, 27-keeda, saacaduna ay ahayd 11:00-kii gelinka hore.

S: Bal tafaasiil naga sii sida laguu doortay?

J: Horta sannad walba waxa la doortaa Maayar, waxaana doorta xildhibaanada xaafadda, xildhibaanada xaafadduna (East London) waa 33 xubnood.

S: Imisa nin ayaa kugula tartamay maayarnimada?

J: Waxa maayarnimada u tartamay aniga mooyee ilaa 8 qof oo kale, waxayna kala ahaayeen , nin caddaan ayuu ahaa (Ingiriis), toddobana waxay ahayd Bangaaliyiin iyo aniga, dabadeedna sidii ay sideedaasi isu reeb-reebayeen waxaanu aakhirkii ku soo hadhnay laba, waxayna labada isku soo hadhay kala ahaayeen aniga iyo nin Bangaladhesh ah, aniga ayaana ku guulaystay, meeshana (Moyarka) soddonkii sannadood ee ina dhaafay waxa haystay nin Bangaladheesh ah oo aanay ciddina ugu tegin, iyadoo ay dadka Bangaladheeshiyiinta ah ee xaafadda ku dhaqani yihiin inku dhow 50%.

S: Xaafadda aad maayarka ka noqotay ee bariga London dad intee le’eg ayaa ku nool?

J: Masalan xaafadda aniga layga soo doortay waxa ku nool dad tiradoodu ka badan tahay hal milyan.

S: Goorma ayaad markii u horaysay doorashada u tartantay oo aad ka mid noqotay xildhibaanada xaafadda?

J: Waxay ahayd afar sannadood ka hor.

S: Adigu goorma ayaad markii u horaysay dalka Ingiriiska gashay?

J: Waxaan dalka Ingiriiska tegay muddo hadda laga joogo 32 sannadood, xiligaas oo ahayd 1977-kii.

S: Dadka ku doortay wa’ayo, ma Somali baa, mise waa Jinsiyado kala duduwan ?

J: Walaal dadka aniga I doortay waxa weeye dadka caddaanka ah (Ingiriis), Somalida waxa I doortay 165 qof oo keliya.

S: Magaalada London imisa Maayar xaafadeed ayey leedahay guud ahaan ?

J: Waxay leedahay 32 Moyar-xaafadeed.

S: Markaa 32-ka nin ee Moyar-xaafadeedka ahi ma waxay hoos-tagaan Moyarka guud ee London?

J: Maya, ma hoos-tagno ee Moyar-kastaaba wuu madax-banaan yahay.

S: Imika waxaad maraysaa Moyar-xaafadeed, markaa ma ku talo-jirtaa inaad halkaa sii dhaafto oo xilal ka sii sareeya qabato ?

J: Waan jecelahay inaan halkaa sii dhaafo, laakiin maalintii dhowayd ee uu foodku dhacayey ee aan tartamayey ee ay qolo waliba goonideeda u faqaysay, aniguna keligay ayaa meel cidla ah isla faqayey, ciil maan qabeen hadii uu qof Somali ahi agtayda taagnaan lahaa, markaa waxaan hadda doonayaa inaan ka shaqeeyo oo aan dhiiri-geliyo inay Somali badani soo gasho golayaasha oo ay isu soo taagaan kuraasta. Markaa ilaa aan ka helayo cid iskay barbar-taagta halkan ayaan ku joogayaa.

S: Marka laga yimaaddo dadka caddaanka ah ee wadanka u dhashay (Ingiriiska) dadyowga kale ee dalka ku dhaqani xilal iyo derejooyin ilaa heerkee ah ayey ka gaadheen dalka ?

J: Waxay ka gaadheen ilaa heer wasiirro ayey yeesheen, tusaale ahaan dadka Nayjeeriyiinta ahi waxay yeesheen wasiirro, ta kale qoladdan aan maalintii kula tartamayey Moyar-nimada ee Bangaladheeshka waxa la siiyey xubno Lordis ah (Xubno ka mid ah golaha Lords-ka).

S: Dadka kale ee reer Somaliland ama Somalida kaleba ee halkaa ku dhaqan (Ingiriiska) derejaddan Moyar-nimo ee aad gaadhay ma jirtaa cid gaadhay ama xil ka sii sareeyaba?

J: Maya ma jirto, maba ay dhicin qof Somali ah oo xilkan oo kale soo gaadhay.

S: Weli ma la wareegtay xilkii?

J: Waxaan xilka la wareegayaa bisha May ee soo socota 20-keeda, iminka Maanta (shalay) oo kale waxaanu u sii googol-xaadhaynay oo aanu diyaarinay sidii aan xilka ula wareegi lahaa, khud-badihii aan jeedin lahaa, dadkii aan marti-qaadi lahaa iyo inta qof ee la ii ogol-yahay inaan marti-qaado, waxa kale oo aan doonayaa inaan munaasibadda keeno hiddahaygii iyo dhaqankaygii, xataa waxaan idhi aniga dadka ii martida ah waxaan jecelahay inay cunto Somali cunaan.

S: Ninka aad xilka kala wareegaysaa xagee buu ka soo jeedaa dhalasho ahaan?

J: Waxa weeye nin Bangaladheesh ah, waana ninkii aan Moyar-xigeenka u ahaa sannadkii ina dhaafay, wuxuuna ka mid ahaa raggii ila tartamayey, wuxuuna doonayey inuu nin inaadeerkii ah meesha keeno. Iyadoo ay 33-ka xildhibaan ee golaha degaanka xaafadda ay 23 ka mid ahi ahaayeen Bangaladheesh, 9 ka mid ahina waxay ahaayeen caddaan (Ingiriis) iyo aniga.

S: Doorashooyinkii u dambeeyey ee golayaasha degaanku goorma ayey dhaceen?

J: Waxay dhaceen sannadkii 2005.

S: Imisa sannadood ayey golayaasha degaanka ee la doortaa kuraasta fadhiyaan?

J: Shantii sannadood-ba mar la doortaa golayaasha degaanka ee halkan (Ingriiiska).

S: Goorna ayey halkiina ka dhacaysaa doorashada golayaasha degaanka ee soo socotaa?

J: Waxay dhacaysaa sannadka 2010.

S: Adigu ma isu taagaysaa doorashada soo socota ee golayaasha degaanka?

J: Haa, waan isu taagayaa, oo iminkaba ilaa saddexdii sannadood ee ina dhaafayba waxaan ku guda-jiray hawl-galkii diyaar-garawga tartanka.

S: Xaggiina (Ingiriiska) doorashooyinka golayaasha degaanku malaa marna xiligooda dib ugama dhacaan?

J: Anaga xagayaga wax dib-dhac la yidhaahdaa kama jiraan, oo wax kale iska daayoo, saacadda uu qofku xilka la wareegayo way go’an tahay oo lagama dib-dhici karo. Masalan anigu 27-ka bisha May, 2009, marka ay saacaddu tahay 7:30 subaxnimo ayaan xilka Moyarnimo la wareegayaa. Sidoo kale doorashada golayaasha degaanka ee soo socotaa waxay halkan (Ingiriiska) ka dhacaysaa bisha May 15-keeda, 2010, sidoo kale doorashada ku xigtaa waxay dhacaysaa bisha May, 2016, waxaas oo dhami waa wax qorran oo meel yaal.

S: Axmed dastuurkiina miyaanay ku jirin wax muddo-kordhin la yidhaahdaa?

J: Walaal anagu waanu la yaabanahay meeshiina la leeyahay hebel baa loo kordhiyey iyo hebel baa loo kordhiyey, ma jirto meel ay taal xil la iska kordhiyaa, markaa marka aanu maqallo qof baa muddo loo kordhiyey iyo waxyaalaha xagiina ka dhaca, waanu yaabnaa oo waxaanu nidhaahnaa waxyaalahaasi ma wax dunida ka jiraa.
User avatar
Aliyah99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2604
Joined: Sun Sep 02, 2007 2:27 pm
Location: Burco - S/Land

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by Aliyah99 »

:up:
User avatar
Awale_1989
Posts: 104
Joined: Sun Mar 15, 2009 8:00 am
Location: Sibidh-ley

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by Awale_1989 »

He is Habar Jeclo, Reer Yuusuf, :sland: :up: :up: :up:
lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by lali99 »

I heard he's against somaliland..is that true
User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by Gaashaanle_87 »

^^^^^
No comment
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by LiQaaye_TDH »

Lali.. i thought you was more clever then that, do believe everyhing you read on somalinet? :lol:

His Pro Somaliland and Pro Kulmiye :clap:
lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by lali99 »

liqayee bro i heard that from somalilandpress.com that he was against somaliland..go to the website and correct me of i read it wrong bro...
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by salafi_student »

lol... tell me you not serious!
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: New Tower Hamlets Mayor

Post by Somaliman50 »

Tower Hamlets has a very old Somali community, so it's great that he took up mayoral position :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”