Now we have gone from bad to Worst in matter of months thanks to the fake liberation group that came to Power.
1.They can't tame Mogadishu
2.They have no control of South Somalia other than a few blocks of Mogadishu.
3.Thousands of Somalis continue to flee Mogadishu
4. May 2009 The War Continues.
5. Has less support than the Previous TFG
Most importantly why would Sharif Ahmed adminstration sign the Memorandum of understanding agreement With Kenya selling off our Sea when the previous Adminstration led by his excellency C/llaahi Yuusuf Axmed refused to sign?
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Kenya oo Qarammada Midoobay u Gudbisatay Xogta Rasmiga ah ee Baddeeda: Badda Soomaaliyana ka Goosatay 116,000km2
Marka la xisaabiyo cabbirka badda ee Kenya u gudbsiay Qarammada Midoobay, waxaa soo baxaya in Kenya ay cabbir ahaan gudaha u soo gashay dhulbadeedka Soomaaliya oo bedkiisu ka badan yahay 116,000km2
Dawladda Kenya ayaa Arbacadii (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wada khariidado.
Qoraalka si rasmiga ah ee Kenya gudbisatay waxay ku caddaysay in xogtaas gudbinteeda ay ka qayb qaateen Mr. Harald Brekke (oo ah reer Norway), islamarkaasna ah laga soo bilaabo 1997 ilaa hadda xubin ka ah guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka. Waxa kale oo Kenya ka caawiyey gudbinta akhbaartaas Dr. Karl Hinz, oo ah Jarmal, xubina ka ahaan jiray guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay 1997-2002.
Kenya waxa kale oo ay sheegtay in akhbaarta ay gudbisay ay sidoo kale ka qayb qaateen: Xafiiska Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Xafiiska Sharciga, Wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan Batroolka, Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi.
Waxa kale oo Kenya sheegtay in ay xogta diyaarinteeda ay ka caawiyeen Xoghaynta guud ee Barwaaqa-sooranka Commonwealth ee London iyo UNEP barnaamijkeeda qaabilsan qalfoofka qaaradda ee GRID-Arendal iyo Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Badaha iyo Sharciga.
Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976.
Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: "Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal isafgarad (Memorundum of Understanding "MOU") markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la'aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay.
Read on


