Mogadishu shaking
Amiirka Ururka Alshabaab oo sheegay in aan dowlada islaami ah lagu tilmaami Karin dowlada kmg Soomaaliya.
Posted: 5/13/2009 7:31:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Amiirka Ururka Alshabaab ayaa sheegay in aan dowlada islaami ah lagu tilmaami Karin dowlada kmg Soomaaliya.
Kadib fariin cod ah oo ay warbaahinta soo gaarsiiyeen ururka Al shabaab ayaa Shiikh Muqtaar C/raxmaan (Abuu Subeyr) oo ah amiirka ururka Al shabaab waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya xaaladaha dalka iyo dagaaladii ugu danbeeyay.
Shiikh Muqtaar C/raxmaan (Abuu Subeyr) ayaa waxaa uu sheegay in dowlada hada jirta ee Kmg aan lagu tilmaami Karin in ay tahay islaam isla markaana aysan xitaa u qalmin in lagu tilmaamo mid wadani ah.
“Waxaa isweydiin leh dowlada lagu soo dhisay Emighat ee leh nidaamka 4.5 dastuurkedana ay gaalo dejisay xubnaha ugu cad cad baarlamaankeedana uu yahay ashahaado la dirirkii iyo kooxdii Ethiopia ee SSRC iyo Sodare Miyaa marnaba lagu sheegi karaan dowlada islaam ah” ayuu yiri Abuu Subeyr Amiirka ururka Al shabaab.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay xaalada magaalada Muqdisho iyo dagaalada ka socda ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan waxa uu ugu yeeray xaqa,waxaana uu sheegay in dagaalka socda uu yahay mid u dhexeeya xaqa iyo baadilka.
“Dagaalka waxaa uu yahay mid xaqa iyo Baadilka ka dhexeeya dadkana waa in ay garabka siiyaan xaqa,waxaana umadda la gudboon in ay u adkeysato dhameystirka dowlada islaami ah oo sax ah,maanta waxaa haray wax yar ee aan isku kaashano saarida ciidamada shisheeye iyo oogida Sharciga Alle SWT.” Ayuu yir Amiirka Al shabaab Abuu Subeyr.
Mar uu sidoo kale ka hadlayay Dowrka Saxaafada iyo xaalada dalka ayuu kula dardaarmay in ay xaqa ku hadlaan oo ay ilaaliyaan masuuliyada ka saaran umdda isla markaana ay ka qeyb qaataan Jihaadka socda oo ay iska ilaaliyaan in umadda la marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay.
“Qofka saxafiga waa in uu dhowraa hufnaanta iyo cadaalada shaqadiisa,waana in aad ka qeyb qaadataan Jihaadka socda,hadii aadan xaqiiqada sheegi karinana ka joogsada in aad xaqiiqada doorisaan oo aad umadda marin habaabisaan. Ayuu intaasi raciyay Shiikh Muqtaar C/raxmaan (Abuu Subeyr) oo ah amiirka ururka Al shabaab.
Fariinta codka ah ee maanta ay ururka Al shabaab u qeybiyeen warbaahinta ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu soo saaro amiirka Al shabaab tan iyo markii ururkaasi uu dagaalada xoogan la galay dowlada kmg Soomaaliya.
Muktar Abu Zubeyr speaks out to media
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 17 Views
-
Last post by Garuun
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 9 Replies
- 502 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 4 Replies
- 502 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 2 Replies
- 459 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 35 Replies
- 1110 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 0 Replies
- 627 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 962 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 265 Views
-
Last post by shaamboo
-
- 3 Replies
- 278 Views
-
Last post by ToTTy_GyaL_