Soomaaliya waxay ka daashay dagaal sokeeye oo muddo kabadan Todoba iyo Toban sano, ayna suragelin in xoog laysku maquuniyo oo cid ay guulaysato, dagaalka waxa kaliya ee laga dhaxlayo waa burbur iyo barakac baahsan.
Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdishu ku nool wuxuu ka daalay dagaal sokeeye, iyo dhibaato lixaad leh. Sidaasi daraadeed, waxaa murugu iyo nasiib darro ah in mar kale lagu dul dagaalamo mar haddii ciidamadii Itoobiya dalka laga saaray .
Haddaba waxaan ku Baaqayaa :-
1) In si degdeg ah xabadda Muqdisho iyo Gobolada kaleba ka socota loo joojiyo, lana kala qaado ciidamadda is hor fadhiya si shuruud la`aan ah.
2) In khilaafaadka jira iyo arrimaha laysku maandhaafsan yahay lagu xalliyo wada hadal waafaqsan shareecada Islaamka.
3) Waxaan ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed inay kawada shaqeeyaan siddii nadda loo taageeri lahaa , gaar ahaan Muqdisho.
4) Waxaan ugu baaqayaa shacbiga Soomaliyeed in ay isku kaalmeeyaan oo ay wax taraan kuwooda tabarta daran iyadoo laga caawinayo dhibaatada ka haysata nolosha iyo hoyga
i didnt know the sultan of harti was mj beesha Cusman Mohamuud - and why does he think al shabab will listen to him@?
link http://www.somaliweyn.org/pages/news/Ma ... May15.html


