Gabadhii ugu horeysey ee dil lagu xukumo Puntland......

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Gabadhii ugu horeysey ee dil lagu xukumo Puntland......

Post by Adan_1 »

Gabadhii ugu horeysey ee dil lagu xukumo Puntland oo noqotay gabadh reer Sool


Ifraax Cali Aadan oo ah gabadh ka soo jeeda gobolka Sool ayaa maxakamada Boosaaso ku xukuntay dil toogasho,taasoo ah markii ugu horeysey ee qof dumar ah lagu xukumo dil.Ifraax ayaa lagu soo eedeeyey inay dishay gabadh magaceeda la yidhaahdo Sucaad Maxamed Cabdi oo reer Boosaaso ah,oo uu dhalay ninka dilka ku xukumay Ifraax oo ah gudoomiyaha maxakamada Boosaaso,ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Awaare.

Ifraax iyo gabadha dhimatay ee uu dhalay gudoomiyaha maxakamadu ayaa waxa wada qabay hal nin,taasoo keentay in marxuumada dhimatay ee Sucaad ay aad uga masayrtay in lala guursado Ifraax,taasina ay keentay inay weerar ku qaado Ifraax,kadibna Ifraax oo iska difaacaysa weerarkaas ayaa haleeshay mindi sababtay geerida marxuumadaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare oo xabsiga ku haystey Ifraax mudo badan,isla markaana u qabtay ilaalo khaas ah oo ilaalisa,ayaa wax lagu sheegay maxakamad oo socotay mudo daqiiqado ah,waxa si sahlan xukun dil ah loogu riday Ifraax,iyadoon la weydiin wax su'aalo ah,isla markaana aanay eheladeedii xaadir ku ahayn madashaas.

Ifraax ayaa waxa lagu soo waramayaa inay xanuunsan tahay,isla markaana aan la geyn wax dhakhtar ah,iyadoo la filayo in dhowaan lagu fuliyo dil toogasho ah.

Waxaa horay uga dhacay magaalada Garoowe ee maamulkaas dilka ku xukumay inantaas,in xabsig lagu laayey rag maxakamad sugayaal ah oo ka soo jeeda gobolada Sool,iyo Buuhoodle,iyadoo ragii laayey la yaqaano,oo ay si xor ah ugu nool yihiin magaaladaas.Waxaa ka dhaca sidoo kale magaalooyinka kale sida Boosaaso iyo Gaalkacyo dilal aan xad lahayn,ilaa iyo hadana lama hayo cid lagu fuliyey dilkaas.

Hay'ada u dooda xuquuqda bini'aadamka ee Amnesty International oo dilka lagu xukumay Sucaad ka soo saartay qoraal ayaa waxay canbaaraysey dilka lagu xukumay Ifraax,iyagoo sheegay inaanay maxakamadaasi u dhicin si xaq ah,oo lagu xadgudbay xuquuqda inantaas,waxayna hay'adaasi ka dalbatay Puntland inay dhowrto shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda bini'aadamka,inantaa sna la saaro maxakamad cadaalad ah.




human rights group Amnesty International is calling on the international community to intervene on behalf of a woman facing execution in the Puntland region of Somalia. The group says Ifraah Ali Aden is in imminent danger of being executed for the murder of another woman.

Benedicte Goderiaux is researcher for the Africa program of Amnesty International in London. She said this case is different from other cases of pending executions. ?Amnesty International is particularly worried because the accused is reportedly pregnant,? she said. ?No checks have been made on her to confirm her pregnancy and both international law and Islamic law forbid the execution of pregnant women and new mothers.?.

The second concern is that Ifraah was tried the day after the killing and would not have had time to prepare an adequate defense.? Goderiaux says Amnesty is urging authorities to ensure that she is given adequate legal representation and immediate access to a doctor to determine whether she is pregnant.

Ifraah is accused of murdering Suad Mohamed Aware with a knife in Bossaso. Ifraah`s relatives say it was self-defense, while relatives of Suad say Ifraah intentionally attacked Suad out of jealousy. Both women were wives of the same husband .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”