Venue:Taj-Mahal Mall (Minneapolis)
Date& Time:May, 30, 2009 saacada 3:00PM
qorshe lagu doonayo in maamulka puntland lagu ballaadhiyo oo la gaadhsiiyo gobolada sscda
Fadlan ka soo qayb gal xaflad si qurux badan loo soo abaabulay oo ka dhici doonta Taj-Mahal Mall ee ku yaala Minneapolis, Sabtida, bisha May, 30, 2009 saacada 3:00PM. Xafladan ayaa ku saabsan fikir cusub oo lagu balaarinayo maamulka Puntland in uu gaadho dhamaan inta hoostimaado. Xafladan ayaa waxa ka hadli doona: Culimo, Arday, Aqoonyahano, Hooyooyin, Macalimiin, Siyaasiyiin, Abwaano, Fanaaniin, iyo Suxufiyiin. Xafladan waa mid u furan dhamaan Soomali oo dhan, waxana jira cuno iyo cabitaa.
Keynote Speaker: Abdimalik Askar ayaa waxa uu soo bandhigi doonaa barnaamij loo bixiyey Fidinta Puntland oo ku saabsan afar qaybood oo kala ah: Hogaaminta maamulka, Qayraadka, Cadaalada, iyo Nabadgalyada. Barnaamijka ayaa ah mid uu aqoonyahanku in badan ka soo shaqeynayey una faa�ideen doona Dowlada Puntland, musqaqbalkana ku fidi doona dhamaan Soomaaliya oo dhan.
Doorasho Gudoomiye: Marka la soo bandhigo qorshaha Fidinta Puntland iyo qudbadaha isdaba jooga ah, ayaa waxa la soo bandhigi doonaa cidii mateli lahayd Hogaaminta Qurbojoogta Dibada ee Puntland.
Boocame Online news warbaahinta Qarniga Cusub!! Boocame@hotmail.com or Boocame@gmail.com
