Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by ina aadan »

KN: Shirar xasaasi ah oo aan loo kala kicin ayaa ka soconaya magalaada Xamar ee Caasimada dalka Soomaaliya halkaasi oo looga arrinsanayo dhismaha dowlad Islaami ah oo ay tahay in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Kullanka oo ay ka qeybgalayaan inta baddan hogaanka ugu sareeya ee garabyada Muqaawamada ayaa waxaa lagu gorfeeynayaa naqshada dowlada islaamiga ah ee la dhisayo xilli 98% magaalada Xamar iyo dalka intiisa kalaba uu gacanta u galay muqaawamada.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qorshaha dhismaha dowlada Islaamiga ah laga wargaliyey Sh. Cabduqaadir Cali Cumar oo ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha ee DKMG ah.
Waxaa la sheegey in Shariifka loo jeediyey in uu kala dirro dowladiisa iyo baarlamaanka kuna dhawaaqo in dowladiisa ay dhacday, hase yeeshee uu ku gacan seeyrey dalabkaasi.
Qaramada Midoobey oo qorshaha laga wargaliyey ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegey in haddii ay tahay in xilka madaxweynaha uu qabto qof muqaawamada ka tirsan oo ku jirra liiska argagisada ay tahay in uu kasoo baxo shuruudu ay ka doonayaan si liistiga looga saaro kadibna loo ogolaan karro in uu madaxweyne noqodo.
Shuruuda UN-ka ma ahan mid u cuntamaysa muqaawamada waxayna u muuqdaan kuwa horey ugu talaabsanaya go’aamadooda gaarka ah.
Waxaa la fahamsanyahay in maalmihii lasoo dhaafay ay shirar hoose iyo xariiro ka socdeen magaalooyinka Addisababa iyo New York kuwaasoo looga arrinsanayay jawaabaha laga bixinayo dowlad Islaami ah oo Soomaaliya loogaga dhawaaqo muddo dhow, xogaha la helayo waxay sheegayaan in wadamada qaar ay soo jeediyeen in beesha caalamka ay ku qasbantahay in dowladaasi ay la macaamisho, halka dowladaha xag jirka ah ay ku adkeysanayaan in marka ay tahay in shuruudo laga soo baxo.
Arrinmahani cusub ee soo kordhey ayaa kalifey in uu fashil ku dhamaado shirkii golaha amaanka ee dhawaan dhacay, DKMG ah waxay shirka ka fileysey in ciidamo UN-ka ka socda ay Soomaaliya usoo diraan taasina waa la diidey, waxaa kale oo jirey qorshe uu watay midowga afrika oo sheegayay in ciidamada AMISOM loo rogo ciidamo ku jooga magaca UN-ka, taasoo sidoo kale la diidey, waxaa kale oo shirka kasoo bixi waayay qorshe rasmi ah oo ku saabsan dhaqaalaha ku baxaya AMISOM.
Waxaa jirra dowlada markiiba bilaabay xariir dublamaasiyadeed oo ay la sameeynayaan xoogaga muqaawamada, gaar ahaan Sh. Xassan Daahir Aweys, iyo AL-Shabaab, dhawaan Axmed Walad Cabdalla oo hadlay ayaa hadalkiisa waxaa ku jirrey kalmad uu kusoo hadal qaaday dhexdhexaadiyeyaal caalami ah oo Al-Shabaab wakiil ka ah oo Nairobi kula hadla beesha Caalamka, kalmadaasi waxay ku jirtey hadalkii Walad Cabdalla uu Addisababa ka jeediyey ee uu Sh. Xassan Daahir Aweys ku eedeeynayay in uu dowlada afgambinayo.
Qorshaha dowlada Islaamiga ah waxaa sii adkeeyey golihii maxaakiimta Islaamiga ah ee taabacsanaa DKMG ah oo ka hoos baxay kana soo horjeedsaday.
Waxaa muuqanaya dabacsanaan dhanka beesha caalamka ah oo ku aadan qorshahani cusub, tusaale ahaan dowlada Maraykanka ayaa dhawaan ku qasbanaatay in ay sheegto in ay taageersantahay dowlada Shariifka, tani waxay timid hubanti la’aan Shariifka uu ka qabay taageerada uu ka heysto Maraykanka kadib xariiro la sheegey in lala sameeyey SH. Xassan Daahir.
Hadal uu jeediyey Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayuu maanta ku sheegey in 98% ay gacanta ku hayaan magaalada Xamar, isla markaasina ay dhanka DKMG ah ku hareen oo kaliya ciidamada AMISOM iyo haraadigii dowladii Cabdullaahi Yuusuf, sida ay sheegayaan dadka u dhuun duleela arrimaha Soomaaliya oo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ay tahay xaqiiqdaasi tan ah walwalka ugu baddan ee heysta Midowga Afrika iyo UN-ka oo markani ka fakaraya in ay la baxaan ciidamada Xamar ka jooga.
Waxaa iyana culeys kusii biiriyey arrinta dowlado si cadaan u taageersan muqaawamada oo maalin kasta ay doodooda sii xoogeysanayso, waxa ay ku doodayaan in Soomaaliya aanan wax xal ah laga gaari doonin haddii beesha caalamka aysan sixin khaladaadkii ay horey ugu gashay Soomaaliya, waxaa ka mid ah in maalinkasta dowlad tabar daran oo aan kalsoonida shacabka heysan dibbada lagu soo dhiso kadibna dalka la galiyo dagaalo lagu halaagmo, waxay sheegeen in taasi ay ka wanaagsantahay in aduunka uu la macaamilo dadka nabbada sugay ee shacabka ay doonayaan ee dalka sida rasmiga ah oga taliya.
Dowladaha aduunka ee aanan walaaqin arrimaha Soomaaliya ee dhibaatooyinka kasoo gaareen baddaha Soomaaliya burcad badeeda darteed ayaa iyagana doorkooda ciyaaraya, sheeganayana in Soomaaliya looga baahanyahay dowlad amaanka sugi karta oo aduunka la xisaabtami karro waxay doontaba ha ahaatee, halkii maalin kasta la taageeri lahaa dowlad aanan labbo xaafadood ka talinin oo iska dhaaf wax ay dhibaatada badda ka tartee ay tahay in iyadiiba la waardiyeeyo amaankeeda, doodani culus waxaa micno usii yeeley qalalaasaha dhaqaale ee aduunka ka jirra oo ay usii dheertahay dhibaatada badda ee xeebaha Soomaaliya ka jirra.
Wallow aanan warar dhamaystiran laga heeynin shirarka muqaawamada ee Xamar, haddane calaamadaha jirra waxa ay muujinayaan in Sh. Xassan Daahir Aweys laga yaabo in loo doorto madaxweynaha dowlada Islaamiga ah ee Soomaaliya, waxaa kaloo jirri doona gole shuuro, golle amaan oo awood baddan iyo golle garsoor oo iyaguna leh awooda gaar ah.
Qorshaha dowlada Islaamiga ah waxa uu sii kala cadaaday markii maanta ay Xoogaga Muqaawmada oo iskaashana la wareegeen gacan ku heynta magaalada muhiimka ah ee Jowhar, waxaana socda gorgortan dhanka Baladweyne ah oo la doonayo in awooda si nabad galyo ah ay ku wareejiyaan raga Shariifka uu meesha dhigtey.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in arrimihu ay kala cadaadaan, wallow la hadal hayo maamul kumeelgaar ah oo wadajir ah oo loogaga dhawaaqo gobolka Banaadir.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by kambuli »

Weger :down:

It simply won't work as the Somali saying goes:

Midho guntiga kuugu jira looma daadsho kuwo geed saaran.. :up:

Why don't they just enforce the current gov't and if they want run for the election next time?

Xoog baan kaaga qaadaya xukunka waa laga fiican yahay...
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by paidmonk »

For an older woman, you have a very elementary thought-train.

Why take part in a government that controls 5% of the country and 3% of the population when you control 50% of the country and 70% of the population? :?:

It should be the other way around, the gov't should take part in Al-Shabaab elections.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by kambuli »

Paidmonk,

Without resorting to name calling can't you write your thought?

All I am saying is...Xoog iyo qori caaraddiis is not the solution.More blood-shed is not the solution. More anarchy is not the solution.

I still believe they should let this president Shiekh Shariif finish his term and then anyone who thinks he is fit to rule and run our country to wait and run for the election next time...Tell me what is wrong with that?
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by Somaliman50 »

Muqaawamada iney dalka xukunto dunida ayaa u diidan. Tolow ma sir baa ka fakatay kuwaan.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Muqaawamada oo dhisaya dowlad Islaami ah

Post by The_Emperior5 »

wa halkay sartu ka qudhantay miid walba marku la soo baxo kitaabkisa oo siidu isagu jecelyahay oo fasiiro,
:down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”