Voltage,
Typo:
I meant "
who stopped"
Madexweyne Shariif oo ku amaray ciidamadii gurmadka ahaa ee ku baxay magaalada Jowhar inay dib u soo noqdaaan.
Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay Madaxtooyada ayaa tibaaxaya in amar ka soo baxay xafiiska Madexweynaha uu amray in dhamaan ciidamo iyo gadiid dagaal oo dhawan ka ambabaxay magaalada Muqdisho oo ku jeeday maagaalada Jowhar kuwaas uu hogaaminaay C/llaahi Macallin Mukhtaar oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada maxkamadaha garabka dowlada ku biiray ay sida ugu haboon ku soo galaan muqdisho.
Sarkaal ku dhaw xafiiska madexweynaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay shabakada caalamiga ah ee jowhar.com in madexweyne shariif oo ka duulaayo dhibaatada ka soo gaari karto dagaal lagu qaado jowhar shacabka beeraleyda ah ee abaaruhu daashadeen sheegay in aaney suuro gal aheyn dagaal xillgaan ay dowladu ku qaado jowhar sababo uu ku sheegay madexweynuhu in daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan ay keeni karto alle ka fogaasho cad.
Taalaabooyinka uu madaxweynuhu kaga baaqsanayo dagaalo uu la galo kooxaha mucaardaka is biirsaday ee doonaya in ay dowlada majaxaabiyaan ayaa waxa ay soo dadajinkartaa burburka dowlada federalka soomaaliya.
Dadka u dhuundaloola arimaha siyaasada ayaa waxa ay qabaan hadii anan dowladu la imaan istaraatiijiyo dagaal oo ay kaga hortageyso is faafinta kooxaha mayalka adag ay soo dadajin karto fashil ku yimaada hanaanka dowlada isla markaana ay keeni karto niyad jab shacabka soo wajaha maadaama ay gacan u galayaan kooxo mayal adag .
Kuwa kale ayaa qaba in hadii ay dowlada aamusnaantaan ay ku sii socoto ay weyndoonta taageerada caalamiga ah badalkeedana horseedo faragelin toos ah oo ay kooxo ay ugu horeeyaan mareykanka iyo itoobiya ku soo galaan dalka si ay u wiiqaan awooda kooxaha islaamiyiinta ah kuwaasoo ay aaminsanyihiin inay gabaad siiyaan kooxo uu mareykanku baadi goob xoogan ugu jiro
Madaxweyne shariif oo ku socdo wadadiisii ay aheyd dowlad dib u heshiissin ayaan nahay ayaa iminka waxa hortaal xikmada ah (when the diplomacy fail force must be applied ) taa oo micnaheedu yahay hadii wada xaajood wax lagu waayo waa in goobta dagaalka la tagaa .
Hadaladaan ka soo yeeraya madexweyne shariif ee ku aadan ka baaqsiga dagaalka ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli uu shalay shir jaraaid uu qabtay wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada midnimada qaran mudane farxaan cali maxamuud uu ku sheegay in aanay jirin wax dagaalo u qorsheysan dowlada uu garwadeenka ka yahay wadaadka qunyaro socodka ah ee sheikh shariif sheikh axmed.
Dagaalada u muuqda kuwa siyaasadeysan ee ka soconaya gayiga soomaaliya isla markaana ay dadka horboodaya sheeganayaan difaacida diinta iyo dalka ayaa waxa ay sababeen barakaca kumanaan qoys yo geerida boqolaal soomaali ah .
Isku soo wada duuboo talabada uu madexweyne shariif ku diiday weerar lagu qaado magaalada dhacda 90 km waqooyiga muqdisho ee jowhar ayaa waxa ay horseedi kartaa damaca ay ku taamayaan kooxaha diidan hananka jabuuti waxayna soo dadajin kartaa in ay si fudud ula wareegaan magaalooyinka jalalaqsi iyo baledweyn oo ah magaalooyinka kali ah ee ay ka taliyaan kooxo raacsan dowlada shariif.
http://www.jowhar.com/main/news.php?readmore=2801