Fat Boy Makes Threats

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Fat Boy Makes Threats

Post by AbdiWahab252 »

Fat Boy Makes Threats, The Dugsi Teacher is M.I.A.

Before making any threats, make sure you can make good on them & bring soldiers to the fight.

Cumar Hasi :down:

Cumar Cabdirashid :down:


RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “Habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”


Khamiis, May 21, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa sheegay in ay yar tahay rajada ay ka qabaan in ay wada hadallo dhexmaraan kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna taasi ku sababeeyay in aySAN kooxahaas lahayn ujeedo siyaasadeed, marka laga reebo in ay doonayaan in ay ku dhuntaan Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu tilmaamay in markii la soo magacaabay uu rajeynayay in uu wada hadallo u isticmaalo soo af-jaridda colaadda ka taagan Soomaaliya mudada 20-ka sano ku dhow, laakin waxaa uu sheegay in kooxo Islaamiyiin mayal adag oo uu maamulka Washington ku daray liiska argagixisada iyo dagaalyahanno shisheeye ah oo la jira ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya fowdo ka dhigaan.

“Uma maleynayo in ay kooxahan ka soo horjeeda Dowladda ay leeyihiin ujeeddo siyaasaded. Waxaan rumeysanahay in dagaalyahannadan shisheeye ay doonayaan in ay Dalka Soomaaliya ka dhigaan mid fowdo ah, kadibna ay ka dhigtaan meel ay ku nabadgalaan.”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin fursad ay kooxaha ka soo horjeeda kula fariisan karaan, kulana hadli karaan, “habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke waxaa uu ka hadlay qabsashadii Al-Shabaab ee Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in aysan Xoogaggaas qabsan karin magaalo ka mid ah Soomaaliya, “Shabaab iyo dagaalyahannadooda weligood wax ma xukumi doonaan, wey tegi karaan magalo, wey ku qaadi karaan dagaal ku-dhufo-oo ka-dhaqaaq ah, wey burburin karaan, weyna argagax gelin karaan dadka, laakin wax ma maamuli karaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Ra’iisal Wasaare Sharma-arke waxaa uu dhanka kale eedeyn u jeediyay Dowladda Eritrea oo uu sheegay in ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in ay arrintaas caddeyn u hayaan, “Waxaan heynaa daliil cad oo ku saabsan in Dowladda Eritrea ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda dowladda, duulimaadyo hub wada oo dhankeeda ka yimid ayaa Soomaaliya yimid”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ugu dambeyntiina, Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in boqolaal dagaalyahanno shisheeye ah oo ka kala yimid Afrika, Aasiya iyo meelo kale oo caalamka ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, waxayna taasi dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo Ciidamada Ammaanka ee reer galbeedka ay ku abuurtay cabsi ah in dalka Soomaaliya uu noqon karo meel saldhig u noqota maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by AbdiWahab252 »

Image
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by Mystic_Angel »

i thought you were his supporter abdi....war niyo laba qalbi badanida....you are so bipolar... :lol: :roll: :lost:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by AbdiWahab252 »

Mystic,

I don't hate Chubby. I prefer Chubby over the Unholy Madman Rasputin Sheik Tahir Aweys.

I just dislike men who make threats and can't follow through on them.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by The_Emperior5 »

cumar buur yuu oo hanjabii karra :lol: :lol:
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by Mystic_Angel »

AbdiWahab252 wrote:Mystic,

I don't hate Chubby. I prefer Chubby over the Unholy Madman Rasputin Sheik Tahir Aweys.

I just dislike men who make threats and can't follow through on them.

lol, thanks for clarifying that...
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by Rightwing »

Abdi

Kaa yaree kobcay iyo sheikh sheriff waa in la taageero. Hadii kale Alshaydaan ayaa wadanka la wareegi. Markay la wareegaana adiga waxay kuu xidhi dharkii talibaan, gadhka hadaad la bixi weydana karbaashkeedaay iyo stoning. Intaa ka dib anoo iska qayilaya Burco ayay iigu iman oo khamiis ana ii gelin :lol:
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Fat Boy Makes Threats

Post by paidmonk »

Fat boy's men and clan are in full control of their land, it is Sheikh Hotel who should be discouraged from making threats. Fat boy will make good on his words.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”