Qarax loo adeesgsaday gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey oo uu watay nin naftii hure ah ayaa maanta saacadu markii ay aheyd 12:00-kii duhurnimo lala beegsaday xaruntii hore ee Keydka shidaalka oo hadda fariisin u ah ciidamada milateriga DF Somallia kaasoo geystay qasaare fara badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaarigan oo noociisu ahaa Roonet ayaa la sheegay in isagoo si xowli ah ku socda uu ku qarxay afaafka hore ee xaruntaasi ka dib markii uu jiiray labo askari oo dooneysay iney joojiyaan sida dad goob jogayaal ahi sheegeen waxaana qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan oo daryankiisa laga maqlayey meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho uu sababay geerida saddex ka mid ah ciidamada DF ee halkaasi ku sugaa iyo dhaawaca lix kale sida uu sheegay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/fitaax Ibraahim Shaaweeye inkastoo ay jiraan warar intaasi ka badinaya qasaaraha halkaasi ka dhacay.
C/fitaax ibraahim Shaaweeye ayaa inta ku daray in ninka naftii huraha ah ee watay gaarigaasi isqarxiyey uu ahaa qof ajnabi ah, waxaana xiran goobta uu qaraxu ka dhacay iyo nawaaxiga dugsiga sare ee Booliska oo halkaasi ku dhow, iyadoo ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan DF oo halkaasi ka wada baaritaano kala duwan waxaana goobta yaala gaarigii isqarxiyey oo halkaasi ku basbeelay uuna ku dhex jiro ninki naftii huraha ahaa ee watay, iyadoo ciidamadii DF ee ku dhaawacmay qaraxaasi loola cararay isbitaalka ciidamada AMISOM ee ku yaala garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay ee qarax ismidaamin ah oo noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho kuwaasoo horey loola beegsaday xarumaha ciidamada AMIOSOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, hase ahaaatee qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee lala beegsado ciidamada DF Somalia waxaana qaraxyadii hore sheegtay xarakada Al Shabaab oo ka mid ah xoogaga Dowlada ka horjeeda hase ahaatee ilaa hadda lama hayo koox sheegatay qaraxan u dambeeyey ee saaka la beegsaday ciidamada DF Somalia oo ku soo beegmay xili ay sii kordhayaan dagaalada u dhexeeya ciidamada DF iyo xoogaga ka horjeeda ku dhexmaraya magaalada muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka.
--------------------------------------------------------------------------------
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
--------------------------------------------------------------------------------