()
hadhwanaag 2009-05-31 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Hal qof ayaa dhintay, 24 kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii Gaadhi ay saarnaayeen oo nooca Shaambooga loo yaqaano ahi ku dhacay kula dhacay duleedka koonfureed ee Magaaladda Hargeysa caawa fiidkii.
Wariyayaal ka kala tirsan Shabakadaha Somalilandpress.com, Hadhwanaagnews.com iyo Somalilandinfo.com, oo mar dhawayd booqday Cusbitaalka guud oo dadka dhaawacmay haddda lagu dawaynayo, isla markaana qaar ka mid ah Dhakhaatiirta ku hawlan daawaynta dadkan dhaawacyadu soo gaadheen, ayaa sheegay in saddex ka mid ah xaaladdooda caafimaad aad u culustay, hase ahaatee, halka inta kale dhaawacyadoodu ay ka khatar yar yihiin.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacyadu ku soo gaadheen shilkan baabuur, ayaa Wariyayaashan u xaqiijiyay, in gaadha la dhacay uu ahaa Gaadhi UD Shaambo ah, oo ka yimi Magaaladda Baligubadle ee Caasimadda Gobolka Hawd, isla markaana uu gaadhigu la dhacay iyaga oo inyar u soo jira gaadhigu la dhacay.
Inkasta oo aanaan indhahayaga ku arag, haddana wararka qaarkood ayaa sheegaya, in hal qof ku dhintay shilkan baabuurka dhacay, hase ahaatee, wali maydka qofkaas dhintay ee ay wararka qaarkood sheegayaan ayaan lagu arag Cusbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.
Dhinaca adeega Cusbitaalka guud ayaan aad u fiicnayn intii aanu caawa ka aragnay, marka loo eego, gargaarka degdega ah ee day dadkani u baahnaayeen oo aad moodaysay in uu u socday si daalan. Isla markaana kalkaaliyaal caafimaad oo ku filan adeega ama la shaqaynta dhakhaatiirta ayaan joogin Dhakhtarkaas Hargeysa ee dhaawaca la dhigay.
Maaha markii ugu horeysay ee Gaadhi dhaca ay dadku dhintaan ama ku dhaaacmaan, hase ahaatee, dhaawaca shilkan Baabuur ee caawa sababay ayaa badan. Isla markaana dad badan ayay nafohooda galaaftaan bil kasta gaadiidka kala duwan ee dalka laga istimaalaa.
waar deg dega
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 62 Replies
- 6836 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 550 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 8 Replies
- 1056 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 9 Replies
- 655 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 17 Replies
- 3158 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 2 Replies
- 562 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 1 Replies
- 412 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 2 Replies
- 507 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 2 Replies
- 533 Views
-
Last post by Karbaash_killa