Maamulka Islaamiga Ee Baardheere Oo Hay’adaha Samafalka U Soo Jeediyay In Ay Xafiisyo Ka Furtaan Degmadaasi Si Ay U Caawiyaan Dadka Dhibaateeysan
May 31,2009
byBardhere-Gedo-News
Maamulka islaamiga ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka caalamiga in ay xafiisyo ka furtaan magaalada Baardheere si ay wax ugu qabtaan adeegyada kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan dhinaca Caafimaadka oo degmada ay aad uga liidato, islamarkaana ay dadku baahi weyn u qabaan.
Madadxa arimaha bulshada maamulka islaamiga ee degmada Baardheere Max’ed Xasan Arax oo xalay u waramayay Gedonet isagoo xiligaasi ka soo laabtay safar dhinaca degmada Diinsoor uu ugu qaaday haweenay ay si xun u dhaawaceen ciidamada Ammaanka degmada Baardheere ,islamarkaana wax looga qaban waayay magaalada Baardheere iyo kulamo uu la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala degmada Diinsoor ayaa waxaa u sheegay in ay ugu baaqayaan hay’adaha samafalka in ay xafiisyo ka furtaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Madaxa arimaha bulshada maamulka islaamiga ee degmada Baardheere ayaa waxaa uu intaasi ku daray in maamulkooda ay ka go’antahay sidii deegaanka ay ugu soo dhaweyn lahaayeen cid kasta oo wax u qabanaysa bulshada deegaanka, isagoona balan qaad ku bixiyay in si sharuud la’aan ah ay hay’adaha samafalku kula shaqeyn doonaan.
Hadalkaani ka soo baxay maamulka islaamiga ee magaalada Baardheere ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili asbuucyadi la soo dhaafay ay bateen dadka bukaanada ah ee loola cararayo magaalooyinka kale ee cusbitaalada leh ,kuwaasi oo u dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo,xilligani oo weli uu xiran yahay Isbitaalkii Magaalada Baardheere.
A C Saalixi
Gedonet-Baardheere
Gedonet.com@hotmail.com
Maamulka Islaamiga ee Baardheere,,,,,
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Garbo_Gedo
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1138
- Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
- Location: Gedo, Baladki Amiirada
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 461 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 4 Replies
- 622 Views
-
Last post by Captain24
-
- 17 Replies
- 1264 Views
-
Last post by Voltage
-
- 0 Replies
- 402 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 6 Replies
- 1230 Views
-
Last post by Tanker
-
- 2 Replies
- 877 Views
-
Last post by abdi342
-
- 1 Replies
- 748 Views
-
Last post by Ron
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 1 Replies
- 267 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah