Socdaalkan ay Hargeysa ku imanayso Maryan Mursal ayaa la sheegay inuu la xidhiidho doorkii ay ka qaadatay Munaasibadii lagu xusayay 18 guurada ka soo wareegtay Markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda oo lagu qabtay Magaalada London, iyadoo Xafladaa Maryan Mursal wacdaro ka dhigtay isla markaana ka qaaday Hees Cusub oo ku saabsan Dalka Somaliland iyo Dimuqraadiyadda ka hana qaaday, taasi oo si weyn u soo jiidatay dadkii ka qayb galay.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka IRELAND Mr. Cabdifataax oo socdaalka ay Maryan Mursal Somaliland ku imanayso dalka qayb ka qaatay ayaa sheegay in ay weheliyaan Lix Xubnood oo kale kuwaasi oo ay kamid yihiin Abwaan Cali-seenyo, labo kamid ah Wiilasha ay Maryan Mursal Dhashay oo la kala yidhaa Kenadiid iyo Kunciil, iyo xubno kale.
Safiirku waxa uu intaa ku daray in Muddada ay Maryan Mursal dalka joogto uu Madaxweyne Rayaalle gudoonsiin doono Shahaado Sharaf lagu maamuusayso kaalintii ay ka qaadatay isku duba ridkii xuska 18 May, iyo sida ay ugu ololaynaysay qaddiyada Somaliland, waxa kale oo Muddada ay joogto dalka ay ka dhisi doontaa Hargeysa Dugsi Waxbarasho oo ay ugu magac dartay Abwaan Hadraawi , kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya ay ku wareejin doonto Abwaan HAdraawi.
Si kastaba ha ahaatee Socdaalka la filayo inay Maryan Mursal Somaliland ku timaado ayaa noqonaya kii labaad ee ay dalka ku timaado tan iyo markii ay Somaliland gooni u madaxbanaanatay 1991, iyadoo ay ahayd dabayaaqadii 2002-dii markii ay Maryan dalka timi.
