
Arbaco, June 10, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka digay in ciidamo shisheeye ah oo ku sugan berriga iyo badda Soomaaliya fursad loo siiyo in ay soo galaan Dalka Soomaaliya kaddibna ay qabsadaan.
C/qaasim Salaad Xasan oo u warramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo macno darro ku socda, wuxuuna farta ku fiiqay in dhinacyada dagaallamaya uu mid kastaba sheeganayo muslinnimo.
“Sida ku cad Axaadiith-ta Nabigeenna NNKH haddii ay dagaallamaan labo muslimiin ah oo ay seefo isu qaataan marka ay is-dilaan labadaba waxay noqonayaan Ahlu Naar (Al-qaatilu Wal-Maqtuulo Humaa finnaar)”ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay u turaan dadka rayidka ah ee ay dushooda ku dagaallamayaan.
C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in uu caqliga shaqeeyo oo ay dhinacyada dagaallamaya fahmaan in aan dagaal xal lagu keeneynin, “Dadka Soomaaliyeed muddo 19 sano ah oo sanadkiiba uu labo sano u dhigmo ayay dagaallo ku soo jireen, mana u noqoto dhibaato kale iyo in dushooda lagu sii dagaallamo, sidaas darteed waxaan kula talinayaa dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda in ay wada hadal ogolaadaan” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in uu mar kasta xiriirro la sameeyo mas’uuliyiinta dhinacyada dagaallamaya, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay dadaallo xal-doon ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa laga wado ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
    
    
    