Garissa

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Garissa

Post by hanqadh »

looks great.

Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Garissa

Post by Queen_Arawello »

:up: :up:
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Garissa

Post by Voltage »

Caabudwaaq city, everyone else is second class :up: :lol:
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Garissa

Post by Advo »

I got loads of family in Garrisa :up: :up: :up:
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Garissa

Post by ina aadan »

Gaarissa waa magaalo madaxda ama xarunta gobolka ugu weyn sideda gobol ee uu ka kooban yahay wadankaan Kenya, waana xarunta gobolka la yiraahdo Waqoyi Bari Kenya ee ay dagan yihiin Dadka Soomaalida reer Kenya.

Magaalada Garissa waxey ujirtaa masaafooyin kala duwan Caasimada wadaanka Kenya ee Nairobi iyo xuduuda Dalka Soomaaliya.

Nairobi waxa ay ka xigtaa dhinaca waqooyi bari waxeyna ujirta masaafo dhan 380Km halka Soomaaliyana ay kasoo xigto jihada Konfur Galbeed ayadona xuduuda Libiyo ujirto tiro dhan 120Ml ama 190Km.





Cabirka guud ee ah dheerarka iyo balaca magaalada Gaarissa ma ahan mid kala weyn marka laga hadlaayo afarteda dhinaca ee kala ah min gees ilaa geska kale, waxeyna hada magaaladu ay tahay qiyaasta dhulka ay ku fadhiso in kasto aay aad ufideyso 9ml ama 13km.



Xerooyinka Qoxotiga ee dhaadhaab oo anan ka fogeyn Gaarisa ayaa iyagana waxa ay ujiraan 100km in kabadan halka Mambasana ay ujirto 500km.

Gaarissa waa magaalo cimila ahaan aad ukulul dadkeduna inta badan waa kuwo waxbartay kuna hadlo afaf kala duwan oo ay kamid yihiin Ksawahiliga, English-ka, iyo Soomaaliga, waxaana ay ledahay magaaladu Bundo weyn oo ad uqurux badan taaso kormarto wabiga dhex maro magaalada, sidoo kale waxaa dhex marto magaalada gaariso hal wado oo laami ah taaso ayana lagu magacaabo Kismayu Road, waxey sido kale ledahay isbitaal weyn iyo gobo kale oo caafimaad kuwaaso qaarkod ay sigaar ah loo leeyahay.







Magaalada Gaarisa hada waxa ay higsaneysaa in ay la tartanto gobolada kale ee dalka Kenya inkasto ay ad oga hoseyso. Balsa waxa ay mudan yihin shacabka rer gaarisa in lo hambalyeyo maxaa yelay waxa ay ad oga shaqeyeen dhinaca amaanka guud ee magaalda mana dhacdo inta aad ku sugan tahay gudaha magaalada in aad maqashid waxyaabaha lidiga ku ah amaanka laakin waxaa dhacdo in ciidamda police ay mararka qaar qabqabtaa dadka ayagoona galo hotelada ay jiftaan dadka safarka ah waxa ayna shegaan ciidamadu in ay baadi gobayaan dad bilaa sharci ama qoxooti ah.

Dhinaca Dhaqaalaha.



Dhaqaalaha magaalada garisa waxa uu ku xiran yahay xoolaha nool iyo ganacsiga caadi ah.
Gaarisa waxa ay ledahay suuqyo faro badan waxaana kamid ah labo suuq oo aad u waa weyn kuwaaso la kala dhaho suuq mugdi oo ah mid aad umashquul badan ciriirigisa iyo sawaxanka dadka ka dukaameysanayana aynan waxba kaga duwaneyn suqii weynaa ee soomaaliya laguna magacaabo Bakaaro kuna yaalo Caasimada Soomaaliya ee Muqdhisho.







Suuqa labaad ayaa asagana waxaa lagu magacaabaa suuqa xolaha maalinta Arbacadana waxa uu yahay mid aad umashquul badan waxaana maalintaas lasoo buxiyaa Lo'da oo laga kala kenay inta badan gobolka waqoyi bari Kenya iyo guud ahaan Bartamaha iyo Konfurta Soomaaliya.

Waxbarshada.



Waxbarashada guud ee wadanka Kenya marka lafiriyo aad ayuu oga hoseyaa gobolkaan waqoyi bari gobolada kale ee wadankaan Kenya, taasna waxa ay dowlada ku shegtay in dhaliintu inta badan ayayna waxba baranin laakin intii an dhex jogay gobolkaas waxaan arkaayay schoolo aad ufaro badan oo qaarkood private yihin oo ay dad si gaar ah uleeyihiin kuwaaso ku masquulsan sidii ay wax ku bari lahaayeen ardayda dadoodu kala duwan tahay ee ku nool gobolkaas, waxaana xilayad ay iskooladu furan yihin kala daabulayo ardayda baabuuro waa weyn kuwaaso ay ku xardhan yihiin magaca iskolka iyo waxa ay dadka baraan balse ayadoo ay ka gaabisay dowlada in ay wax ugu qabato gobalkaan sida gobolada kale ee dalka Kenya ayeey dadka kasoo jedo Gobolkaan ay dhexda uxirteen sidii ay ku hormarin lahaayeen degaankooda .taasina waxa ay ku mudan yihiin reer Gaarisa in logu hambalyeyo.







Nadaafada magaalada gaarissa.



Nadaafadu waa tan ogu sareyso ee aadanuhu ay tahay in uu dhowro laakin iinta iyo dhalisha ay ledahay magaalada gaarisa waxaa kow ka ah, dhinaca nadaafada iyo bilicdeeda oo aad uxun, waxaana bah dilida bilicda magaalada gaarisa kaalin mug lehna ka qaadatay noocyada kala duwan ee Bacda kuwaaso aad arkeysid marka aad dhex mareysid xaafada gudahooda ayadoo ay bacdu dhex ceegagto darbiyada hostoda iyo gedaha korkoda, waxaana sido kale gacan kusiyay in ay karkaarada udabacdo nadaafada caagadaha oo ayagana ah kuwa dhex dhoban gudaha magaalada hadii ay noqon lahaayeen kuwa yar yar iyo kuwa waa weyn labadaba.



balse waxaa intaasba sii dher wadoyinka oo ah kuwa aanan sii soconin kadib markii ay dad gaar ah guryo ka dhex dhesteen taasna waxa ay fursad siisay in dayac tir la'aanta wadooyinka ay ka baxaan geedo faro badan oo uu kamid yahay geedka layiraahdo Quruc-yuhuud ka ama Cali garoobka oo gaarisa loga yaqaano magac kale oo ah Madeenge kaaso kala xiray guud ahaan magaalada hadii laxisaabo inta gedkaas ah ee ka dhex baxeyso magaalda iyo guryaha ay dadku leyihin waxaa cad in geeduhu ay ka badan yihiin gaarisa Guryaha ku yaalo, taasna waxa ay magalada u ekeysay duur lama dagaan ah.

Inkastoo ay Gaariso ledahay taarikh dher hada waxa ay caan ku tahay cimiladeeda oo kulul waxaana aan dhihi karaa Gaarisa waa ay ka kulushay magaaloyinka Gaalkacyo, Boosaaso, iyo Barbaro oo aan dhamaanto horay utagay.

Dhinaca kale xasuus ahaan gaarisa waxa ay ku matalaan dadka dhul mareenada ah in ay u yara ek tahay marka aad duled yadeda taagan tahay magaaloyinka Maka iyo Madiina. marka laga fiiriyo dhinaca badnaasha Masaajida oo Gaariso cub iyo cirba ka ah kuwaaso munaaradahooda laga arko duledyada Magaalada Gaarisa.



Isku soo wada duuboo Gaarisa waa Magaalo dhismo cusub uu hada ubilowday laakin waxa ay Aniga igula muuqatay Magaalo rabto in ay kor u istaagto balse la' Dad ay ku taagsato, taasna waxaa sababay xumaanshaha xaga nadaafada, Wadooyinka, Boosaska oo cabirkoodu uu qaldan yahay, koronto la'aan ba'an iyo biyo yaraan ka jirtay Magaalada Gaarisa, Dadka Gaarisa dagan qaarkod umaba aynan muqanin dhibkaas oo ad si fudud udareemi kartid xiliga aad Gaarisa dhex jogtid.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”