
Hanbalyo ku aadan Maalinta Xuriyada Gobolada Waqooyi: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaa uu u gudbinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana shacabkeena Goboladda Waqooyi, hanbalyo ku aadan maalinta xuriyadda Gobolada Waqooyi (26-06-1960) oo ay ka soo wareegtay 49 sano.
Madaxweynuhu wuxuu u rajeynayaa Ummada Soomaaliyeed, Midnimo, Nabad, Horumar iyo dowladnimo, waxaana madaxweynuhu dhiiri gelinayaa oo uu bogaadinayaa nabada iyo kala danbeynta ka jirta Waqooyiga Soomaaliya isaga oo ku boorinaya iney xoojiyaan nabadaas iyo kala danbeyntaas, sidoo kalana ay soo nooleyaan, walaaltinimadii, isku duubnidii kala dhaxaysay walaalahooda kale, iyagoo hilmaamaya, cafiyaya oo ka gubaya, dhibaatadii iyo dulmigii loo geystey intii xornimada la qaatay.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu aad uga xun yahay in dadaalkii halgamayaashii xuriyada soomaaliyeed jiilalkii ka danbeeyay ay lumiyeen, dalkeenana uu marayo xaalad adag oo u baahan shqao badan si dib loogu soo nooleeyo, dowlad dhexe oo tayo leh oo dadkayagu sugayey muddo ku dhow 20 sano.
Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen dagaal, iyo burbur iyo dawladnimo laan waxayna aad ugu baahanyihiin sidii loogu heli lahaa dawlad ay ku nastaan oo gaadhsiisa ummadaha ay ka hadheen. Soomaaliya waxaa dagaal ka hurinayaan kuwa nabadda, horumarka, iyo kala danbeynta soomaaliya aan rabin oo ay hogaanka u hayaan Argagixiso Caalami ah, kuwaasoo dalkeena iyo dadkeena ka raba ineey ka dhigtaan meel aan sharci ka jirin oo gabaad iyaga u noqota.
Gunaanadkii iyo Gabagabadii Madaxweynuhu wuxuu ku rajo weyn yahay in shacabka soomaaliyeed uu ka guuleysan doono argagixisada, ayna soo noqon doonto sharaftii iyo walaaltinimadii ka dhexaysay shacabkeena meel walbo oo uu joogo.Waxaan hubaa in dalkeenuna uu heli doono horumar, nabad, iyo wanaag dhanwalba ah.
C/qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
