http://hadhwanaag.org/home/page41.html
Guddoomiyaha Kulmiye oo Hargeysa soo gaadhay & Madaxda Xisbigaas oo loo diiday inay galaan Madaarka
July 2nd, 2009 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu horkacayo ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. iyada oo amar la sheegay in uu ka soo baxay dhinaca Xukuumadda lagu diiday in taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ay galaan gudaha Madaarka, si ay uga qayb qaataan soo dhawaynta Guddoomiyaha.
Masuuliyiiinta sar-sare iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa maanta loo diiday inay galaan gudaha Madaarka, isla markaana ay ka qayb qaataan soo-dhawaynta Guddoomiyaha. Masuuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaas, ayaa arintan ka hadlay, waxaanay sheegeen in soo-dhawaynta Guddoomiyaha ay maalmo ka hor ku wargeliyeen Xukuumadda, gaar ahaan taliyaha Booliska iyo Wasiirka Duulista hawada. Waxaanay ku tilmaameen arrin nasiib-darro ah, isla markaana waxay eedda diidmadan dusha u saareen Wasiirka Duulista hawada.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha, isla markaana loo gelbiyay Gurigiisa Magaalada Hargeysa, ayaa Saxaafadda halkaa kula hadlay. Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay arrimaha Doorashada, waxa uu sheegay in ay Xisbi ahaan ka go’an tahay in ay Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, isla markaana ay Xisbi ahaan diyaar u yihiin. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ka welwel qabaan cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddiiba Doorashadu dib u dhacdo. “Beesha Caalamka ee aanu la kulanay ee Somaliland wax taraa waxay nagu yidhaahdeen, haddii Doorashadu waqtigeeda ku dhici waydo oo ay baaqato, waxaanu ka baqo-qabnaa oo aanu xunnahay in aan noqotaan dal fashilmay oo leh muuqaalka Soomaaliya.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii Guddoomiyaha.
Guddoomiye Siilaanyo wuxuu sheegay in uu la kulmay Madax ka tirsan dawladaha dalalka Norway, Sweden, UK iyo baarlamaanka dalalkaas qaarkood. Waxaanu ka hadlay diidmada Madaarka ee Madaxda iyo taageerayasha Xisbiga Kulmiye. “Waa ayaan-darro anaga oo xuquuq ahaan siman Xisbigayaga loo diido inay soo galaan Madaarka, halka Ina Rayaale-na ay kuwiisu meel walba maraan. Markaa waanu cambaaraynaynaa.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii Guddoomiyaha.
Mar wax laga waydiiyay arrinta natiijada Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, waxa uu sheegay in ay Xisbi ahaan ka tashanayaan, balse wuxuu sheegay in ay ahayd in waqti hore la soo saaro.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
Guddoomiyaha Kulmiye oo Hargeysa soo gaadhay & Madaxda Xisbi
Moderator: Moderators
- Gaashaanle_87
- SomaliNetizen

- Posts: 926
- Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
- Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(
Re: Guddoomiyaha Kulmiye oo Hargeysa soo gaadhay & Madaxda Xisbi
MALMAHA, Horta yaa ku dhalay?? 
Re: Guddoomiyaha Kulmiye oo Hargeysa soo gaadhay & Madaxda Xisbi
you dont have nothing to say i see.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 411 Views
-
Last post by yunis09
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 10 Replies
- 1058 Views
-
Last post by SSSM
-
- 0 Replies
- 424 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 5 Replies
- 732 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 551 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 2 Replies
- 808 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 10 Replies
- 993 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 9 Replies
- 965 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 23 Replies
- 3329 Views
-
Last post by MujahidAishah