Bandhig-dhaqameed Loogu Magac-daray Allaah Ha U Naxariistee Fannaankii Maxamed Mooge Liibaan Iyo Hal-doorada Ka Qaybgalaya.
(Photo File:Marxuum Maxamed Mooge Liibaan )
hadhwanaag 2009-07-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Bandhig-dhaqameed loogu magac-daray Rabbi ha u naxariistee Fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Mooge Liibaan, ayaa Xagaagan, inta u dhaxeysa 22-ka iyo 27-ka bishan todobaad ee 2009-ka lagu qabanayaa Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland. Bandhig dhaqameedkan loogu yeedhay ‘Bandhig dhaqameedka Mooge”, isla markaana lagu maamuusayo farshaxankii, Fanaankii, Macalinkii Maxamed Mooge Liibaan, waxa ka soo qaybgalaya Aqoon-yahaniin, Abwaaniin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo ka kala imana dacalada dunida.
Sida lagu sheegay qoraal hordhac ah oo lagu faafaahiyay bandhigan, cidda soo qabanqaabisay, cidda ka qaybgalaysa iyo guud ahaanba sida ay hawshu u dhacayso. Bandhig dhaqameedka Mooge waxa uu bilaabmaya xiliga Dabshidka oo ku beegan 22-bishan July isaga oo socon doona muddo 5-cisho ah, Bandhig-dhaqameedkan waxa kale oo ku lamaan Bandhig Buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa oo lagu soo bandhigayo buugag ay curiyeen qorayaal Soomaali ah iyo kuwo ajanebi ah, Bugaagtaas oo ka hadlaya ama ku saabsan arrimaha bulshada, Sayniska, Fanka Iyo Suugaanta.
Bandhig-dhaqameedka Mooge iyo carwada caalamiga ah ee Buugaagtu waxay ka koobnaanayaan barnaamujyo iyo dhacdooyin aad u qiima badan oo ay ka muuqanayaan qorayaal, aqoonyahano iyo fanaaniin isugu jira rug-cada iyo dhalinyaro.
Dhacdooyinkaas waxa ka mid noqonaya bandhig Suugaaneedyo, Masrixiyado, Dood-cilmiyeedyo, Aqoon is-weydaarsiyo aad u tifatiran oo iftiiminaya beylahada fara badan ee wakhtigan hortaagan bulshadeena, qaar ka mid ah dood cilmiyeedyadani waxay si gaar ah u eegayaan arrimaha la xidhiidha faaf-reebka, ama cabudhinta is-cabirka kaas oo looga danleeyahay in loogu hiiliyo, laguna dhiirigeliyo hal-abuurka iyo is-sheegista xorta ah.
Bandhig-dhaqameedka Mooge oo loo hibeeyey Marxuum Maxamed Mooge Liibaan, iyada oo lagu xishmeynayo dhinacyadiisa bulsho iyo faneed, iyo biirintiisi [Wax soo saarkiisi Maskaxeed ee qiimaha lahayd, Kaalintiisi Macalinimo, Mulaxin-nimadiisii, Heesaa-nimadiisii, Mua’llif-nimadiisii iyo shaqsiyaddiisii dhammayska tirnayd, dhawrsanaantiisii, naf-huriddii iyo ku hammigii in uu ku noolaado nolol sharaf leh oo u qalanta macalinkii uu ahaa, waxaaa nagala soo qaybgali doona, oo aad filan kartaa, Qorayaal, Abwaanno, Fanaaniin iyo Indheergarad ku xeel dheer af Soomaaliga iyo dhaqanka.
Kayd, REDSEA-ONLINE.COM, Ilays oo ah iyagu kuwa soo qaban-qaabiyay bandhiggan, iyagoo la kaashanaya Urarada Havoyoco, Sonyo, iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah, gaar ahaan faca soo koraya, waxay aaminsanyihiin baahida maanta loo qabo in lagu kobciyo maanka iyo garashada bulsho-weynta aragti ka duulaysa fikirka xorta ah ee shaqsiga. Waxay xoogga saarayaan sidii loo hurin lahaa Suugaanta, Fanka iyo Farshaxanka ummadda ee sii dabargo’aya, si wax meel loogu dhigo Jiilasha soo koraya. Waxay dhiirigelinayaan dhaqanka, qoraalka iyo akhriska, si ay u dhisanto bulsho aragtideeda iyo aqoonteedu sarayso.
Waxyaabahaas oo dhammi waxay ka dhex muuqan doonaan Bandhig-dhaqameedka Mooge iyo Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta. Waxaana cid kasta oo ka soo qaybgalaysa lagu soo dhawaynayaa gacmo furan iyo qalbi furan.
Qabanqaabiyayaasha Bandhigan:-
1- Jaamac Muuse Jaamac
2- Ayaan Maxamuud
3- Cabdiraxmaan Jibriil
4- Dayib Askar
5- Yuusuf Shaacir
6- Cabdalle Xaaji
7- Nimco-Gabaydo
8- Musfafe A. Nuur
9- Canab Wanweyn
10- Foosiya Hormuud
11- Maxamed Baashe
12- Cabdifataax-yare
13- Maxamed Rashiid
14- Kinsi Xaaji Aadan
15- Axmed Aw Geeddi
16- Cabdinuur Allaale
17- Muuse Cali Faruur
18- Jamaal Cali Xuseen
19- Aamina Cabdillaahi
20- Dr. Maxamed Fadal
21- Naadiyada Akhriska
22- Xasan Cabdi Madar
23- Maxamuud Ibraahin
24- Dr. Sacad Cali Shire
25- Sayid Axmed Yuusuf
26- Siciiid Jaamac Xuseen
27- Jaamac Muuse Jaamac
28- Maxamed Baaruud Cali
29- Cabdillaahi Cawad Cige
30- Maxamed Axmed Kuluc
31- Cabdalle Cismaan Shafey
32- Maxamed Yaasiin Colaad
33- Dr. Aadan Yuusuf Abokor
34- Ayaan Maxamuud Cashuur
35- Prof. Xuseen Xasan Guuleed
36- Faysal Aw Cabdi (Canbalaash)
37- Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey)
38- Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan
39- Ciise Cabdi Ismaaciil (Samaale)
40- Prof. Daahir Maxamuud Xaddi
41- Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
42- Axmed Ismaaciil ‘Xuseen Xudaydi’
43- Ibraahin Ismaaciil Sugaal (Sooraan)
44- Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)
45- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
46- Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)
47- Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)
48- Ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo qaar kale oo badan
Bandhigga Mooge waxa kale oo lagu soo bandhigi doonaa oo aan meesha ka maqnaan doonin Filimo kala duwan oo aad u xiiso badan, isla markaana muhiimad badan u leh bulshada.
Hadaba, Waxay Akhristayaasha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee ku kula filiqsan dunida Dacaladeeda waxay la socod-siinaysaa inay joogta ugala socon doontaan bandhigaas la magac baxay Bandhiga Mooge si joogto ah.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:Janaale94@gmail.com
Submited By hadhwanaag : 2009-07-03
http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21990
Bandhig-dhaqameed Loogu Magac-daray Allaah Ha U Naxariistee
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 773 Views
-
Last post by muftaax
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 0 Replies
- 308 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 3 Replies
- 1465 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 4 Replies
- 497 Views
-
Last post by quark
-
- 11 Replies
- 922 Views
-
Last post by tightrope
-
- 0 Replies
- 247 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 52 Replies
- 3616 Views
-
Last post by daiman
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by CoolPoisons