Wefti balaadhan oo ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo FAO ayaa magaalada Burco ku yimi Booqasho isla markaana kormeer ku maray beeraha ku yaala xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.
Waftigan oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa magaalada Burco u yimi kormeer ay ku samaynayeen tababaro ay hay’adaasi u waday qaar ka mid ah Beeralayda gobolka Togdheer, kuwaas oo isugu jira wacyigalino iyo Tababaro dadka beeralayda ah loo siinayo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen wax soo saarka beeraha gobolka Togdheer iyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen cayayaanka ku dhasha beeraha.
Weftigan ayaa wada booqday xarumaha ay tababarada ku siinayaan dadka beeralayda ah iyo beeraha ku yaala magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin beeraha Geela lagu xanaaneeyo ee ku yaala Burco isla markaana waxay sheegeen waftigan ka socday FAO in ay wadayaan tababarada iyo wacyigalinaha ay siinayaan beeralayda gobolka Togdheer ilaa iyo inta ay cagahooda isku taagayaan.
Ugu dambayntii maaha markii u horaysay ee ay magaalada Burco yimaadaan wefti ka socda hay'adda beeraha ee FAO dhaw jeer oo hore ayay yimaadeen magaalada Burco, taas oo ay sheegeen in ay ka fulinayaan mashaariic balse ilaa iyo hadda waxay qabteen oo la sheegi karo kamay fulin gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa marka laga reebo tababaro yar-yar iyo wacyigalino ay dhawrkii biloodba mar u qabtaan beeralayda mooyee.
Wefti Blaadhan oo soo gaadhay Burco
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Wefti Blaadhan oo soo gaadhay Burco
good luck for farmers



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 486 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 272 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 3 Replies
- 634 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 353 Views
-
Last post by udun
-
- 1 Replies
- 469 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 361 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 14 Replies
- 1203 Views
-
Last post by waayeel101
-
- 5 Replies
- 695 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 393 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by Siciid85