Bossaso Police Put Curfew on the City.

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Bossaso Police Put Curfew on the City.

Post by Osman-NZ »



Ciidanka Booliska ee Gobolka Bari oo Bandow ku soo rogey Magaalada Bosaso Wixii ka dameya 11Fiidnimo

Bosaso:-Waxaa ay Ciidamada Booliska Magaalada Bosaso ku soo rogeen Gudaha Magaalada Bosaso bandow xiliyada habeenkii ah ,kaasi oo ay Ciidamadu albaabada ugu laabayaan meheradaha ganacsiga wixii ka damaya 10Fiidnimo,waxaa sidoo kale ay qaqabanayaan Ciidamada Boolisku Dadka ay ku tuhmayaan inay sababikaraan Amaandaro iyo xad gudub ka dhan ah bulshada.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa Radio Dhahar u sheegay inay wadeen bandowgan mudo 2habeen ah iyadoo ay sabab ka noqotay in bandow lugu soo rgo Magaalada Bosaso ka dib markii mudooyinkii ugu damaysey ay ka dheceen Gudaha magaalada Falal Amaandaro ah oo ay samaynayaan kooxa Dadka baadha ee ka bililiqaysta aalada Mobeelka iyo waxyaabo la hal maala.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari Gashaanle Sare afdalow ayaa Amar ku bixiyey inay Boolisku fasax u haystaan inay gacanta ku soo dhigaan oo xabsiga u taqan taqiyaan cidii ay ku arkaan iyagoo suuqa Macne daro u maraya ,Waxaana ay habeenkii xalay iyo habeenkii ka sii horeeyey Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen dad badan oo lugu cadeeyey inay yihiin kooxa Amaandarada ka Wada gudaha magaalada Bosaso.

Si kastaba ha ahatee talaabadan ay Ciidamada Boolisku ku Xoojinayaan Amaanka guud ee Magaalada Bosaso ayaa waxa lugu tilmaamikaraa inay u tahay Shacabka Reer Bosaso mid ku haboon isla markaasina ay ku helikaraan Amaan buuxa iyo Xasilooni waase hadii ay ka dhabayaan Ciidamada Amaanku talaabadan ay qadeen oo aysan ka caajisin.

Maxamed Axmed Ciise

Radio Dhahar
Source:http://www.dhahar.com/article.php?articleid=7685

Mobile porn is now causing bosasso to have 11:00 curfew? cajiib wallahi...shaqo kale bey weyeen marka juvenile diliquents ayaa shaqo laga dhigeneya..I know farole policy before he got elected was to bring security back but seriously mobile-porn is not like security disaster. :mrgreen:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”