Dakharada siyaasadeed ee reer Boorame u gaysteen Qaranka Somaliland maaha kuwo tirro iyo qoraal-toona lagu soo koobi karo, waxay dad badan oo reer somaliland ah iyo kuwo aan ahayniba aaminsan yihiin in aanay reer Boorame ka dhab ahayn qadiyada Somaliland, oo ay meesha ku sugayaan dawlad quwad leh oo koonfurta somaliya ka dhalata.
Waxayse fikradaasi sii xoogaysatay dhawaan markii ay boorame ka dhaceen banaanbaxyo waa weyn oo ay u dhan yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, kuwaas oo lidku ahaa jiritaanka iyo qaranimada somaliland iyagoo weliba sita calankii buluuga ahaa ee dawladii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre ku xasuuqay beelaha dhexe ee somaliland (Reer Sh. Isaxaaq)
May ahayn markii u horeysay ee ay talaabo noocaas oo kale ah ku kacaan reer Boorame balse waxaynu iyana xasuusanaa oo maskaxdeena kasii guuxaysa badhtamihii 2007 markuu Xildhibaan Cali Obsiiye (Cali Gabiley) oo ka tirsan golaha wakiiladu yidhi SOMALILAND MA JIRTO, WAX SOCONAYANA MAAHA,isagoo ka gadoodsan laba xubnood oo buuxin waayay shuruudihii komishanka doorashooyinka oo goluhu ansixin waayay.
Waxaa iyana xusid mudan dabaaldegii ay u dabaal degeen dadka reer Boorame C/laahi Yuusuf 10-10-2004 markii dalka kiiniya loogu doortay M/weynaha somaliya,hadda akhristow magaalooyin badan oo somaliland ah oo hayb ahaan iyo deegaan ahaanba uga dhow C/laahi Yuusuf Reer Boorame ayaan looga dagaal degin lagana xusin sida Laascaanood, Badhan, Buuhoodle, iyo Dhahar
Sidaas oo ay tahay hadana dadka reer boorame waxay markasta ka muuqdaan hogaanka sare ee dalka,16 kii sano ee u danbeeyay waxaa madaxtooyada somaliland kasoo toosayay shakhsi reer boorame ah intay doonto ha leekaato kartidiisa iyo miisaankiisa siyaasadeede sidoo kale waxay ka sharaxan yihiin saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira mucaarid iyo muxaafidba, xitaa hadii isbedel dhaco M/weyne ku xigeenka imanaya waa nin reer Boorame ah.
Lama odhan karo waxqabad dheeraad ah ama naas-nuujin ayay ku qabaan Reer boorame xukuumada Riyaale oo waxaynu ognahay in ay cadaalad darada, musuqmaasuqada, iyo waxqabad la'aantaba kala siman yihiin gobolada kale ee dalka, hadana iyagoo indhaha ka qarsanaya dhaliisha ama eeda cidii lahayd ayay dusha u saaraan dad aan shaqo ku lahayn sida xisbiyada mucaaridka Madax dhaqameedyada,iyo siyaasiyiinta madaxa banaan
Hadaba su'aasha gole ka fuulka ah ee goor kasta iswaydiinta leh waxay tahay goorma ayay dadka reer boorame aaminayaan dalkooda (Qaranka somaliland) maadamaa iminka oo ay hogaaminayaanba aynu aragno afcaashooda oo ay dhaawacii ugu cuslaa u gaysteen wiigan iyagoo kaga jawaabaya shaqaaqadii ka dhacday deegaanka ceel bardaale.
Isku soo wada duuboo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Daahir Riyaale wax talaabo ah kama qaado dhaawacyada siyaasadeed ee somaliland kasoo gaadha gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal, marka gobolada ama degmooyinka kale ee dalka ay ka dhacaan mudaharaadyo salmi ah oo shacabku cabashadooda ku muujinaayana waxaa dadweynaha madaxa lagala dhacaa rasaaas aan loogu aabo yeelayn
Carruur dhalatay waayeel ma oga caataduu qabo'e
Waxa cidhifka loo taagan yahay kaa canjiidda lehe
Hussein Guled Jama "afgaab"
xuseenafgaab@hotmail.com
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=8949
Reer Boorame Ma Waxay La Safteen Cadowga Somaliland ?
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 40 Replies
- 1898 Views
-
Last post by lali99
-
- 28 Replies
- 1803 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 14 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 12 Replies
- 1447 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 6 Replies
- 713 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 18 Replies
- 1139 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 5 Replies
- 714 Views
-
Last post by Xingalol
-
- 5 Replies
- 273 Views
-
Last post by The_Emperior5
