Source:http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7969
STOCKHOLM: Wafdigii Puntland oo ka dhoofay Madaarka Stockhom , iyagoo ku sii jeeda Puntland
Posted to the Web Jul 16, 14:07
Halkaan ka daawo Sawirada Wafdiga Puntland
Stockholm:(pp)- Waftigaan oo in muda ah ku howlanaa booqasho dalka Sweden ayaa soo gagabeeyay boqashadoodii ay ku marayeen magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Sweden.
Waftiga Puntland oo intii asbuucyadii la soo dhaafay ku sugnaa dalkaasi Sweden ayaa la rumaysan yahay inay soo hoyeen guulo wax ku oola , taas oo ay ka gareern xirriir wada shaqayn ah oo ay yeeshaan dalka Sweden iyo Maamul goboleedka Puntland.
Waxaa la rajeynaya Oktoobar inay yimaadaan Sweden wafti intaa ka balaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland ee Waqtigan Mudane C/raxmaan M. Faroole.
Waftiga Puntland ayaa inta aysan ka bixin Stockholm waxay u hanbalyeeyeen dowlada Sweden iyo jaaliyada reer Puntland, iyagoo uga hanbalyeeyey sidii wanaagsanyd ee ay u soo dhoweeyeen.
Wafdigaan ayaa ka koobnaa dhowr xubnood oo muhiim ah , kuwaas oo kala ahaa Duqa Magaalada Xeebta ah ee Boosaaso Mudane , C/risaaq Xareed, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Mudane Cali maxamed Xoosh.Waxaa kaloo waftiga ka mid ahaa ku xugeenka madaxa jaamacada Bariga afrika, prof. C/qaadir Saciid Cali (shino)
Maamulada kala duwan ee ka jira Puntland ha noqotee Maamulada Gobolada , Kuwa dowlada iyo hay'adaha kale ee Waxbarashada ayaa waqtigan u muuqda kuwo aad u shaqaynaya , kuwaas oo dhammaantood ku dhiiran inay wax ka qabtaan howlihii horay aan wax looga qaban , arrimahaas oo ay aad ugu riyaaqsan yihiin waqtigan, dadweynahya Puntland ee ku dhaqan iyo gudaha iyo dibada dalka.
Awil Dirie musse (mataan)
Stockhol Sweden
Daabacaada: Puntlandpost.com
This is good news the stronger ties they created for the state in education sector. Their should be another delegation sent there to meet with sweden and puntland disapora which the president farole will lead later in the year.
Keep up the good work

