Xisbiga Kulmiye waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha
Written by Qarannews
Jul 17, 2009 at 10:22 AM
Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go’aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:
Ku: Deeq-bixiyayaasha =Hargeysa=
Ku: Komishanka Doorashooyinka Qaranka =Hargeysa=
Og: Hay’ada INterpeace =Hargeysa=
Og: Xisbiga UCID =Hargeysa=
Og: Xisbiga UDUB =Hargeysa=
Ujeeddo: Go’aan Xisbi
Iyadoo aynu wada ognahay wadciga Siyaasadeed ee maanta Dalku marayo iyo shuruuda ay ku xidheen deeqbixiyayaashu maalgelintii doorashada, aragtida Xisbiga Kulmiye waxay tahay:
In Madaxweynuhu isagoo gudanaaya xilkiisa uu raadiyo xalka shuruuda ay deeqbixiyayaashu ku xidheen ee ah eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.
Xisbiga KULMIYE awood sharci uma laha wax-ka-qabashada, eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada. sidaasi darteed, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynuhu inuu tixgeliyo wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada oo ah 27 Sept, 2009.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ka codsanayaa Komishanka Qaranka iyo Hay’adaha doorashada ku shaqada leh oo dhan inay dardargeliyaan hawlihii doorashada, iyagoo tixgelinaaya mudada yar ee ka hadhay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inaysan dan u ahayn Qaranka dib u dhac doorasho oo danbe.
Wa billaahi tawfiiq.
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Xisbiga Kulmiye
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
Headquarter of KULMIYE Party
Somaliland, Hargeisa
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Xisbiga Kulmiye waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu k
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 607 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 423 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 595 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 9 Replies
- 613 Views
-
Last post by 1_londoner
-
- 0 Replies
- 296 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 326 Views
-
Last post by ciiseguure
-
- 6 Replies
- 1624 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 157 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by Adan_1
