Puntland Troops Reduced In Galkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
usman-84
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Wed Jul 15, 2009 12:46 am

Puntland Troops Reduced In Galkacyo

Post by usman-84 »


Image

Puntland oo sheegtay in la dhimay ciidamadeedii gobolka Mudug.

Galkacyo, July 20 - Wasiirka warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac 'Seefta Banaanka' oo ka mid ah wafti heer sare ah oo uu horkacyo Gudoomiyaha barlamaanka dhawaanahanna ku sugnaa gobolka Mudug ayaa sheegey inay dhimis ku sameeyeen ciidankii joogay magaalada Galkacyo.

Wasiirka oo goor dhaweyd wareysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegey in sababtu tahay in la helo ciidan tayeysan oo qabta wax muuqda, ayna sameeyeen isku shaandheyn micnaheedu yahay in ciidanka laga saaray cidkasta oo loo arkay inaysan u qalmin askarinimo aysanna laheyn dhaqan askari.

Md. Shirwac ayaa intaasi ku sii daray in arrintaan ay barbar socoto tababarro loo sameynayo askarta si loo helo askari dhinac kasta ka dhisan.

Puntland waxaa Galkacyo ka jooga 300 oo askari oo bileys ah iyo 700 oo daraawiish ah ku waas oo hadda loo furayo tabar, waxaana jirtay habacsanaan dhinaca ammaanka oo ka dhalatay waxqabad la’aan ciidan oo dhawaanahamba la degtay Galkacyo.

Dhinaca kalena wasiirka ayaa sheegey in wax badan u qabsoomeen intii ay joogeen gobolka Mudug ayna u yeereen taliyeyaasha ciidamada bileyska, daraawiishta iyo asluubta.

Waftiga Puntland ee jooga Galkacyo ayaa maalinta arbacada ah u kale safri doona degmooyinka kale ee gobolka.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir
Source:http://www.radiodaljir.com/zview.php?id=626

This is smart move and at the same time a bad move to reduce troops in galkacyo. There is issues of security in south galkacyo with the new administration take-over. But it is positive note that it is not wise decision to have troops that are not disciplined. So all in all this is good news that darawish are being reformed and that strict discipline is required and on the other hand it is bad news because the security situation in south galkacyo at the moment isn't all that good. :|
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”