Magaalada London khaasatan xaafada Tower Hamlet ayaa lagu qabtay shalay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo ay booqosho ku kulmeen Maayarka Tower Hamlet Ahmed Adam Omar iyo Maayarka caasimada Hargaisa Eng Xuseen Maxamud Jiciir iyo wafti wasiiro ah oo booqosho ku marayey dhawaanahan cariga UK, oo uu ka midyahay Wasiir ku xigeenka Qorshayta Qaranka Axmed Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Axmed Adam Ismail iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan UK Adam Muuse Jibriil, Wakiil ku xigeenka Dahir Tukaale Ashkir, Axmed Dahir Cilmi oo ah Gudoomiyaha Somaliland Society ee UK, Maxamed Hassan Arrale iyo Siciid Hassan Biixi.
Mayor ka Tower Hamlet waxaa uu u soo dhaweeyey Mayarka iyo Madaxda kale ee la socotaybay si aad u heer sareysa, waxaana uu Maayar Ahmed hadalkiisii ku bilaabay soo dhaweyn iyo mahadnaq uu u jeediyay waftiga Reer Somaliland ee booqoshada ku soo booqday xafiiskiisa,. Waxaanu u sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu manta ku qaabilo xafiiskiisa Mayarkii caasimada Hargeisa, Somalilad iyo dhamaan madaxan reer Somaliland ee booqashada iigu timi. Waxaana uu ku balan qaaday inuu isna booqosho uu ku iman doono dalkiisa hooyo ee Somaliland inta uu maayar nimada hayo.
Waxaa uu talooyin iyo tusaalooyin badan ka bixiyey habka ama nidaamka ay dowladaha hoose u shaqeeyaan iyo sida loo hore mariyo. Waxaa kaloo oo uu ku balanqaaday inuu Caasimada Somaliland ee Hargeisa la mataaneeyo xaafada Tower Hamlet iyo dhamaan caasimadaha gobalada dalka oo dhan, khaasatan in la isku xidho qoeybaha wakhbarashada, caafimaadka, deegaanka iyo qeybaha kalee bulshada. Waxaa uu tusaale u soo qaatay khaasatan iskuulada Somaliland oo lala mataaneeyo iskuulada Tower Hamlet , ardeyda oo ardeyda la xidhiidhsiiyo iyo macalimiinta intaba.
Waxaa kaluu u soo jeediyey waftiga iyo maamulka Somaliland in ay cilaaqaad joogto ah oo adag la yeeshaan jaaliyadaha dibada jooga. Waxaa kale oo uu ku booriyey jaaliyadaha Reer Somaliland inay isku xidhnaan iyo wada shaqeyn yeeshaan dalkoodana si midaysan wax u taraan. Waxaa kaloo uu farta ku fiiqay ina aanay Xusbiyada ay dadku ku kala jiraan aanay danta guud ka jeedin ama ka lumen.
Mayor Axmed waxaa uu ku booriyey mayor ka Eng Huseen in ay xidhiidh joogto ah sameeyaan. Kadibana waxaa hadalkii qaatay Mayor Eng Huseen oo uga mahadnaqay soo dhaweynta qiimaha leh iyo balanqaadka taageero iyo wada shaqeynta, ugana waramey heerka ay mareyso horumarka caasimadu, iyo waxaa u qabsoomay mudadii uu xilka hayey. Waxaanu ku balan qaaday inay wada shaqeyn joogto ah yeelan doonaan.
Waxaa kaloo isna u mahadnaqay Wakiilka Reer Somaliland ee UK mudane Adam Muuse oo ka waramay wada shaqeynta ay mayor ka leeyihiin iyo sida uu Mayor Axmed albaab kasta oo ay u baahdaan ugu furo. Waxaa isna halkaa uga mahadnaqay W/K Qoshaha Qaranka mudane Axmed Hashi iyo Gudoomiyaha Somaliland Society Ahmed Dahir oo ku tilmaamay in ay Dadka reer Somaliland doorashadii uu Mayor Axmed ku soo baxay sida ay ugu farxeen waxa ay ula mid tahay sidii Africa iyo madow oo dhami ugu farxay Madaxwaynaha Mareykanka ee Obama.
Mayor of Hargiesa in London !!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1034 Views
-
Last post by ImamAhmed
-
- 1 Replies
- 326 Views
-
Last post by STOP!
-
- 20 Replies
- 1282 Views
-
Last post by GAMES
-
- 1 Replies
- 543 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 25 Replies
- 1811 Views
-
Last post by Harti55
-
- 1 Replies
- 635 Views
-
Last post by salool
-
- 11 Replies
- 1630 Views
-
Last post by Nubis
-
- 8 Replies
- 1109 Views
-
Last post by Mr. Yungnfresh
-
- 48 Replies
- 2525 Views
-
Last post by Spursman